Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobolka Zürich

Wegbeschreibung Website

Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobolka Zürich Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobolka Zürich ,Switzerland
Waxeey u Adeegtaa Una Taagantahay Matalaada Shacabka Soomaaliyeed ee Kudhaqan Gobolka Zürich,Switzerland

19/10/2026
19/10/2026
19/10/2026

Maxaa ka dhacay Koobkii Isdhexgalka Dhalinyarada ? Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobolka Zürich

18/10/2026

Tartanka Sportska kubada Cagta
Dhalinyarada Somaliyeed Ee Gobalka Zürich ayaa Si xiiso iyo Xamaasad leh uga socda Garonka Hardhof Zürich Ee Wadankaan Switzerland

17/10/2026

Asc Walaalaha Somaliyeed Ee Degan Gobalka Zürich,Switzerland iyo Gobalada Dariska la ah

Berito Axad/Sonntag 18.10.2026

Tartanka Kubada Cagta Ee lagu Dhiirigelinaayo Dhalinyarada Somaliyeed
Halaga soo qeyb galo
Raga,Dumarka iyo Caruurta inshalaah

Dhalinyarada aan garab istaagno

13:00 Uhr Galabnimo
Garonka /Hardhof Zürich

Waa mahadsantihiin

17/10/2026

17.10.2026

Waxaa inoo Bilawday Maalintii 2,aad

Koorsada Integrationka oo Aqoonta iyo Fahamka
Wadankaan Switzerland kor loogu qaadaayo
Bulshada Somaliyeed

Wax ka ogow Halka aad ku nooshahay

Nolosha iyo Sharciyadda Wadankaan Switzerland

14/10/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – KOORSO

Asc dhammaan dadka ku dhaqan Gobolka Zurich.

Waxaan halkan idinkula wadaagaynaa in maalinta Sabtida, 17.10.2026 markale la qaban doono koorsadi Intergration ka ama isdhaxgalka iyo Barashada sharciyada Wadankan Switzerland

Waxaan dhammaan dadka ku dhiirrigelinaynaa inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha leh, kana soo qaybgalaan koorsada, Insha Allah.

📅 Maalinta: Sabti, 17.10.2026

Wakhtiga :15:30 Galabnimo 🕞

Adresska/Gobta

Gartenhofstrasse 7
8004 Zürich

Fadlan Wakhtiga Ilaaliya

🙏Waxa aan idinka mahadcelinayna kaso qayb galkiina Insha Allah

Maalin wanaagsan! 🤝📚

13/10/2026

Axad/Sonntag 18.10.2026

Tartanka Sportska Dhalinyarada Somaliyeed Ee Gobalka Zürich,Switzerland

Fussball Integrationsturnier SVKZ

Goobta/Adresska: Hardhof Zürich

Wakhtiga: 13:00 Uhr Duhurnimo

Dhamaan Rag iyo Dumar halaga soo qeyb galo

Dhalinyarada hala dhiirigeliyo inshalaah
Adinka ayaa Waarid iyo walaal u ah

Fadlan Wakhtiga Ilaaliya waa mahadsantihiin

13/10/2026

🇸🇴💙 KAALAY KAARKA QAADO – NOQO XUBIN BUUXDA OO MUHIIM KA AH JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA ZURICH! 🇨🇭

Taariikh cusub ayaa maanta u bilaabatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zurich!

Waa markii ugu horreysay taariikhda ay jaaliyad Soomaaliyeed hirgeliso kaar aqoonsi oo rasmi ah oo loogu talagalay xubnaha jaaliyadda (Mitgliedskarte). Waa tallaabo horumarineed oo aynu dhammaanteen ku faani karno, waana astaan muujinaysa midnimo, wadajir, aqoonsi iyo horumar bulsho.

Waxaan ugu baaqaynaa qof kasta oo Soomaali ah oo ku nool Gobolka Zurich inuu ka faa'iidaysto fursaddan taariikhiga ah.

💳 KAALAY KAARKA QAADO!

Maxaad ku helaysaa kaarka?

✅ Waxaad noqonaysaa xubin rasmi ah oo ka tirsan jaaliyaddaada.

✅ Waxaad yeelanaysaa aqoonsi iyo matalaad jaaliyadeed. oo Dhab ah

✅ Waxaad ka mid noqonaysaa bulshada go'aannadeeda, horumarkeeda iyo mustaqbalkeeda aad wax ku yeelan karto.

✅ Waxaad qayb ka noqonaysaa dhismaha jaaliyad mideysan oo cod iyo awood leh.

✅ Waxaad la jaanqaadaysaa jaaliyadaha kale ee ka dhisan Gobolka Zurich.

Walaal, jaaliyaddu adiga ayay ku tahay, adigana jaaliyadda ayaad ku leedahay!

Ha noqon qof meel fog ka daawanaya horumarka jaaliyaddiisa. Noqo qof ka qayb qaata, garab istaaga, kana mid noqda xubnaha muhiimka ah.

Kaalay oo qaado kaarkaaga, xuquuqdaada garo, codkaaga yeelo, kuna faan in aad leedahay jaaliyad Soomaaliyeed oo ku matasha, kuu adeegta, xuquuqdaadana u istaagta.

Midnimadeennu waa awooddeena, kaarkeenuna waa aqoonsigeenna!

🇸🇴 JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA ZURICH
💙 KAALAY KAARKA QAADO – NOQO XUBIN, NOQO AWOOD!







Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich
Facebook: https://facebook.com/svkzh.ch
TikTok: https://www.tiktok.com/.ch
YouTube: https://youtube.com/
Website: https://svkzh.ch
Email: [email protected] See less See less See less

05/10/2026

INTEGRATIONSKURS

📅 03.10.2026

Mawduuca:
🇨🇭 Bildung und Schulsystem in der Schweiz
(Waxbarashada iyo nidaamka dugsiyada ee Switzerland)

Waxaa soo qabanqaabiya:

Somali Community Kanton Zürich, Switzerland
iyo
Fachstelle DIA Stadt Zürich

🎤 Martida / Khubarada:

Aïda Biscevic
Abteilungsleiterin
Laufbahnberatung im Auftrag Dritter

Sahro Abdi Hassan
Integrationsleiterin – SVKZ

Kulankan wuxuu diiradda saarayaa fahamka nidaamka waxbarashada Switzerland, fursadaha waxbarasho iyo waddooyinka horumarinta mustaqbalka carruurta iyo dhalinyarada.

🇸🇴 Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Zürich, Switzerland

Adresse

Kornhausstrasse
Zürich
8006

Benachrichtigungen

Erfahren Sie als Erste/r von Neuigkeiten und Aktionen: Wir schicken Ihnen eine E-Mail, wenn Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Gobolka Zürich etwas veröffentlicht. Ihre E-Mail-Adresse wird für keinen anderen Zweck verwendet, und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Teilen