26/05/2026
BAYAAN KU SAABSAN GO’AANKA SOMALILAND EE AH INAY QUDUS SAFAARAD KA FURATO
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
Jamaacada Al-Ictisaam Bil-Kitaabi Was-Sunnah – waxay si dhow ula socotay wararka sheegaya in madaxda Somaliland doonayaan inay Safaarad ka furtaan magaalada barakaysan ee Qudus ee ku jirta gacanta gumeysata Sahyuuniyadda. Haddaba Jamaacadu waxay si adag u diideysaa falkaas sharcidarrada ah, waxayna u aragtaa inay tahay tallaabo si toos ah u taabanaysa xurmada diinta Islaamka iyo dareenka bulshooyinka muslimiinta ah.
Masjidka Al-Aqsa waa astaan diini ah oo aan laga gorgortami karin: waa qibladii koowaad ee muslimiinta, waa masaajidka saddexaad ee ugu fadliga badan Islaamka, waana halkii laga dheelmiyey Suubanaheenna ﷺ. Wuxuuna yiri Allaah SW:
﴿سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَىٰ بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَكْنَا حَوْلَهُ﴾
Sidaas darteed, tallaabo kasta oo sharciyeynaysa joogitaanka gumeysata magaalada barakaysan ee Qudus iyo caynwareejinta Masjidka Aqsaa, ama in xiriir lala yeesho maamulka dulmiga ku dhisan, waa arrin la micna ah in Masjidka iyo magaalooyinka loo ictiraafay inay leeyihiin, taasina waa gef weyn oo ka dhan ah diinteennna suuban, waana khiyaano Ilaah iyo Rasuulkiisa laga galay, sidoo kalena waa tallaabo dhiirrigelinaysa xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo walaalaheen reer Falastiin.
Sidaas awgeed, tallaabadan noocan ahi ma geydo sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed ee 100% Muslimka ah, gaar ahaan shacabka reer Somaliland ee lagu yaqaanney taageerada iyo difaaca qaddiyadaha Islaamka, gaar ahaan qadiyadda Falastiin.
Jamaacadu waxay ugu baaqaysaa madaxda Somaliland inay si degdeg ah uga laabtaan go’aankaas, Allaahna uga baqaan tallaabadaas khatarta ah, ogaadaanna inay tahay arrin halis ku ah diintooda iyo guud ahaan taariikhda umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana mahadho taariikheed ku reebaysa madaxda go’aankaas qaadata.
Jamaacadu waxay ugu baaqaysaa culimada, waxgaradka iyo madax-dhaqameedka Soomaaliyeed—gaar ahaan reer Somaliland—inay ka dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay bulshada ku baraarujinayaan khatarta diineed iyo dhaawaca sumcadeed ee ka dhalan kara caadiyeeynta xiriirka lala yeesho gumeysiga, iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta Masjidka Al-Aqsa iyo garab istaagga shacabka reer Falastiin.
Sidoo kale, Jamaacadu waxay ugu baaqaysaa madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan aragtiyo togan oo dalka looga saari karo xaaladaha siyaasadeed ee cakiran, daawona u noqon kara arrimaha sababay in xaalku uu gaaro halka uu maanta marayo.
Gebogabadii, Jamaacadu waxay mar kale caddeynaysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah xiriir kasta oo sharciyeynaya gumeysiga Sahyuuniyadda, waxayna taageero buuxda u muujinaysaa shacabka Falastiin iyo difaaca dhulka barakaysan.
Allaah ayey mahad dhammaanteed u sugnaatay.
Guddoomiyaha Guud ee Jamaacada
Fadiilatu Sheekh Bashiir Axmed Salaad