Somali Microfinance Association-SOMMA

Somali Microfinance Association-SOMMA Playing active role in shaping & advancing an inclusive, sustainable microfinance industry in Somalia

SOMMA is delighted to host its Annual Iftar 2026 – Microfinance Institutions Networking Evening on 9 March 2026, Mogadis...
10/03/2026

SOMMA is delighted to host its Annual Iftar 2026 – Microfinance Institutions Networking Evening on 9 March 2026, Mogadishu.

This special evening is more than an iftar gathering. It is a moment of connection, reflection, partnership, and shared purpose as Somalia’s microfinance community comes together during the blessed month of Ramadan.

As the national umbrella body for microfinance institutions in Somalia, SOMMA values every opportunity to strengthen relationships across the sector, promote collaboration, and celebrate our collective commitment to advancing financial inclusion for all.

We are proud to bring together sector actors for an evening that reflects the spirit of unity, solidarity, and mutual support that defines both Ramadan and the mission of inclusive finance.

Special thanks to our sponsors, Maal Microfinance L.T.D and Som Microfinance, for their valued support.

We look forward to a memorable evening of engagement, fellowship, and renewed commitment to strengthening the microfinance sector in Somalia.

Happy New Year 2026, Somalia! ✨🤝 The Somali Microfinance Association (SOMMA) extends heartfelt congratulations and best ...
31/12/2025

Happy New Year 2026, Somalia! ✨

🤝 The Somali Microfinance Association (SOMMA) extends heartfelt congratulations and best wishes to all Somalis at home and across the diaspora 🌍

🕊 May 2026 be a year of peace, unity, dignity, and progress—and a year of expanding opportunity for families 👨‍👩‍👧‍👦, entrepreneurs 🧑‍💼, and communities across our nation 📈

In 2026, SOMMA renews its commitment to advancing Financial Inclusion For All by strengthening the microfinance sector and expanding access to responsible finance for 👩 Women 🎓 Youth 🏪 SMEs 🙌 Underserved communities

🌟 Wishing Somalia and all Somalis a blessed and prosperous New Year. 🤍💙

Somali Microfinance Association-SOMMA & Member MFIs Participate in JICA–Ministry of Commerce MSME Development Workshop ,...
26/11/2025

Somali Microfinance Association-SOMMA & Member MFIs Participate in JICA–Ministry of Commerce MSME Development Workshop

, together with member MFIs, successfully took part in the Capacity Development Workshop for Start-ups and MSMEs organized by the Ministry of Commerce & Industry, Somalia in partnership with JICA under YEPS II, held in Nairobi.

The workshop focused on:

✔ Entrepreneurship & mentorship methods
✔ Kenya start-up ecosystem exposure
✔ Digital marketing for MSMEs
✔ Market analysis & due diligence
✔ East African business and ecosystem insights

This engagement strengthens ’s mission to empower MFIs, enhance services for entrepreneurs, and expand access to finance for youth, women, and small businesses across Somalia. We thank and the & for their support and look forward to continued partnership in advancing the MSME and microfinance sector.

Maanta waxaan ka qaybgalaney  bandhiga 1Aaa Uururka Haweenka Beeraleyda Somaliyeed oo ay soqabanqaabiyeen Somalia Agricu...
17/09/2025

Maanta waxaan ka qaybgalaney bandhiga 1Aaa Uururka Haweenka Beeraleyda Somaliyeed oo ay soqabanqaabiyeen Somalia Agricultural Women Associations.
Somali Microfinance Association-SOMMA oo ku mataleyso kulan kaas Microfinance-ka Soomaaliyeed ayaa qeeb ka aheed .
Kulanka wuxuu ahaa fursad qaali ah oo aan ku xoojinay wada shaqeynta iyo taageerada haweenka Soomaaliyeed ee laf-dhabarta u ah horumarinta beeraha iyo dhaqaalaha dalka.

*Waxaan xoojineynaa muhiimadda haweenku ku leeyihiin wax-soo-saarka, suuqa gudaha iyo horumarinta dhaqaalaha qoyska.
*Waxaan balanqaadnay in Ururka Microfinance-ka Soomaaliyeed uu garab istaagi doono haweenka beeralayda ah, isagoo fududeyn doona maalgelin yar-yar, tababaro iyo iskaashi dhaxal gal ah.
*Waxaan ku dhiirrigelinay haweenka inay sii xoojiyaan midnimadooda iyo hal-abuurkooda si ay mustaqbal wanaagsan ugu hogaamiyaan beeraha Soomaaliya.

Wadajir baan ku gaari karnaa beer waara, wax-soo-saar badan, iyo nolol ka fiican mustaqbalka 🇸🇴✨.

26/08/2025

Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliyeed (SDRB), isagoo kaashanaya Ururka Hay’adaha Maal-gelinta Yar-yar (Somali Microfinance Association-SOMMA), ayaa ku faraxsan inuu kugu casuumo ka-qaybgalka aqoon-is-weydaarsi fogaan arag (online) ah oo lagu soo bandhigaayo Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (Investment Readiness Program) ee dhawaan la bilaabay.

Faahfaahinta Aqoon-is-weydaarsiga 👇
📅 Taariikh: Arbaco, 27-ka Agoosto 2025
🕒 Waqtiga: 11:00 subaxnimo – 12:30 duhurnimo
📍 Goobta: Zoom (online)
🔗 Ku biir Zoom: Guji halkan si aad ugu biirto
(https://us05web.zoom.us/j/82440597811?pwd=A4yoLCP8OKUJHduTus9Ecevke5RHfA.1)

Ka-qaybgalka aqoon-is-weydaarsigan waxaad ka heleysaa:
✅ Sharaxaad ku saabsan sida barnaamijku u taageero ganacsiyada Soomaaliyeed si ay u kobcan uguna diyaargaroobaan maalgelin.
✅ Fursado SMEs-ku ku heli karaan taageero farsamo, maalgelin saameyn leh, iyo iskaashi.
✅ Hagitaan ku saabsan habka loo buuxiyo Foomka Muujinta Daneynta (Expression of Interest).
✅ Aragti ku saabsan kaalinta SOMMA iyo xubnihiisu ka qaadan karaan sidii ay SMEs-yadu u heli lahaayeen maalgelin.

Ururka Hey’adaha Maal-gelinada Yar-yar (microfinance) ee Soomaaliyee Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SD...
22/08/2025

Ururka Hey’adaha Maal-gelinada Yar-yar (microfinance) ee Soomaaliyee Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB) waxay kugu casumayaan Aqoon-isweydaarsi fogaan arag ah (Online) ah oo ku saabsan Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (IRP)
Ma tahay ganacsade Soomaaliyeed oo ka shaqeeya:
🌱 Beeraha
🐟 Kalluumeysiga
🐑 Xoolaha
⚡ Tamarta dib-u-cusboonaanaysa?
Ma la kulantaa caqabado la xiriira helitaanka maalgelinta bangiyada iyo microfinance-yada?
Ganacsigaagu ma yahay hal-abuur leh, cimilada u adkaysta, oo diyaar u ah inuu koro? 🚀
👉 Haddii haa – aqoon-isweydaarsigan adigaa loogu talagalay!
📅 Taariikh: Axad, 27 Agoosto 2025
🕒 Waqtiga: 11:00 subaxnimo – 12:30 duhurnimo (EAT)
📍 Goobta: Zoom (Online)
🔗 Ku biir halkan: https://lnkd.in/ejWCtRAv
Waxaad ka faa’iidaysan doontaa:
✅ Sharaxaadda sida Barnaamijka U-Diyaargarowga Maalgashiga (IRP) u taageeri doono shirkadaha yar-yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) ee Soomaaliyeed si ay u koraan
✅ Fursadaha jira ee aad gargaar farsamo, maalgelin & iskaashi cusub ugu heli laheyd ganacsigaaga.
✅ Sida aad ganacsigaaga ugu diiwaan galin laheyd barnaamikana qeyb uu uga noqon lahaa ganacsigaagu.
✅ Waxaad ku bran doonta sida sida aad uga heli karto maalgelin hay’adaha maal-gelinada yar-yar (microfinance)

🔷 Somali Microfinance Association-SOMMA waxay ka Qaygashey  Shirka Qaran ee Wadatashiga Sharciga Diiwaangelinta iyo Ruqs...
25/05/2025

🔷 Somali Microfinance Association-SOMMA waxay ka Qaygashey Shirka Qaran ee Wadatashiga Sharciga Diiwaangelinta iyo Ruqsaynta Ganacsiga

📍 Muqdisho, Soomaaliya | 🗓️ 19–25 May 2025

Ururka Maaliyadda Yar-yar ee Soomaaliyeed (SOMMA), oo ay weheliyaan xubnaha hay’adaha maaliyadda yar-yar (MFIs), ayaa si sharaf leh uga qaybgalay shirka wadatashiga qaran ee uu soo qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gacan ka helaysa Mashruuca SCALED-UP ee ay maalgelinayso Bangiga Adduunka.

Shirkan wadatashiga ah waxa uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo laguna casriyeynayo nidaamka sharciyeed ee ganacsiga Soomaaliya, gaar ahaan Sharciga Diiwaangelinta iyo Ruqsaynta Ganacsiga — kaas oo saldhig u ah kobaca ganacsiga rasmiga ah, caddeynta sharciyada, iyo horumarka dhaqaale ee loo dhan yahay.

Waxaan u mahadcelineynaa Wasaaradda Ganacsiga dadaalka ay gelisay hannaankan wadatashiga ah iyo hogaaminta isbeddelka sharciyeed, waxaana xoojinaynaa sida SOMMA uga go’an tahay taageerida jawi sharciyeed oo dhiirrigeliya hal-abuurnimo, fursado siman, iyo helidda adeegyo maaliyadeed oo loo wada dhan yahay.

🤝 SOMMA waxay sii wadi doontaa matalaadda danaha hay’adaha maaliyadda yar-yar ee Soomaaliyeed si codkooda looga dhageysto dib-u-eegista siyaasadaha qaran.


Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha - Soomaaliya

      2025.Waxaa sharaf u ah Somali Microfinance Association-SOMMA inaan qeeb ka aheen madasha        Oo ay si wadajir a...
21/05/2025

2025.
Waxaa sharaf u ah Somali Microfinance Association-SOMMA inaan qeeb ka aheen madasha
Oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Arkaan Leadership and Innovation Hub iyo .

Ururka Maaliyadda Yar ee Soomaaliya Somali Microfinance Association-SOMMA iyo hay’adaha xubnaha ka ah ayaa kulan wadatas...
12/05/2025

Ururka Maaliyadda Yar ee Soomaaliya Somali Microfinance Association-SOMMA iyo hay’adaha xubnaha ka ah ayaa kulan wadatashi wax-ku-ool ah la yeeshay , si looga arrinsado Qoraalka Qabyo-qoraalka Xeerarka Ruqsad-siinta Hay’adaha Maaliyadeed ee aan Kaydka Qaadin (2025).

Wadatashigan waqtigiisu ku habboon yahay waxa uu ka tarjumayaa dadaalka mideysan ee lagu dhisayo jawi sharciyeed oo adag, hufan, furan, kuna habboon kobcinta maaliyadda yar ee dalka—kaas oo awood siinaya hay’adaha MFI-yada si ay u balaadhiyaan helitaanka adeegyada maaliyadeed ee:

• Bulshooyinka dakhligoodu hooseeyo
• Beeraleyda yaryar
• Haweenka iyo dhalinyarada
• Ganacsatada yaryar

Waxaan u mahadcelineynaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo muujiyey diyaar u ahaanshaha ka-qaybgalka iyo dhageysiga aragtida daneeyayaasha warshadaha. Waxaan rajeyneynaa in la helo nidaam sharciyeed miisaaman oo isku dheelitira hufnaanta maaliyadeed iyo saameynta horumarineed .

SOMMA waxay weligeed u taagan tahay matalaadda codka hay’adaha maaliyadda yar ee Soomaaliya iyo horumarinta ka mid noqoshada maaliyadeed guud ahaan dalka.
Central Bank of Somalia

Waxaan ka Qeybgalney     ee ay soo qabanqaabiyen Arkaan Leadership and Innovation Hub  Ujeeddada bootcamp-kan ayaa ahayd...
09/05/2025

Waxaan ka Qeybgalney ee ay soo qabanqaabiyen Arkaan Leadership and Innovation Hub

Ujeeddada bootcamp-kan ayaa ahayd in kor loo qaado wacyiga ardayda Soomaaliyeed ee la xiriira horumarinta xirfadaha, fikradaha ganacsi, iyo kobcinta shaqsiyadooda.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha - Soomaaliya

Somali Microfinance Association-SOMMA

Somali Microfinance Association-SOMMA (SOMMA )oo mataleysa Hey'adaha Bixiya Maalgelinada Yar-yar waxa ay maanta la gasha...
05/05/2025

Somali Microfinance Association-SOMMA (SOMMA )oo mataleysa Hey'adaha Bixiya Maalgelinada Yar-yar waxa ay maanta la gashay heshiis is af-garad iyo wada shaqeyn Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka taas oo ka dhacday Shirwaynaha Maalgashiga Beeraha iyo Cuntada oo uu goobjoog ka ahaa Raysal Wasaaraha Somaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.
Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS

🔐 Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Maaliyadeed ee SoomaaliyaUrurka Somali Microfinance Association (SOMMA), oo...
29/04/2025

🔐 Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya

Ururka Somali Microfinance Association (SOMMA), oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Shirkadaha Maalgeinta Yar-yar (microfinances), ayaa si sharaf leh uga qaybgalay Aqoon-is-weydaarsi heer qaran ah oo ku saabsanaa Isku-xirka Nidaamka Aqoonsiga Qaranka (Hubiye Platform) iyo Bixiyeyaasha Adeegyada maaliyadeed kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 28–29kii Abriil 2025.

Aqoon-is-weydaarsigan oo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA Somalia) iyo UNDP Somalia, wuxuu diiradda saaray:
✅ Is-ku-xirka nidaamka Hubiye iyo adeeg bixiyeyaasha (API Integration)
✅ Xoojinta ilaalinta xogta iyo asturnaanta macluumaadka (Data Privacy & Protection)
✅ Hubinta Aqoonsiga Dijitaalka ah iyo U-hoggaansanaanta Xeerarka (Digital Verification & Compliance)

🎯 Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo hay’adaha maaliyadeed waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo helitaanka adeeg maaliyadeed oo ammaan ah, la isku halleyn karo, loona wada siman yahay.
✨ Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa hogaaminta Hay’adda NIRA iyo taageerada UNDP ee ku aaddan sidii Soomaaliya u yeelan lahayd nidaam aqoonsi casri ah oo la jaan qaadaya horumarka adeegyada dijitaalka ah.

📢 SOMMA waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada dalka loogu dhisayo mustaqbal maaliyadeed oo ammaan ah isla markaana bulshada oo dhan ka faa’iideysa.

Somali Microfinance Association-SOMMA NIRA Somalia

Address

Makkah Al-Mukarammah Road
Mogadishu
0000

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Microfinance Association-SOMMA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share