PSA Somalia

Directions Website Contact the organization

PSA Somalia Puntland Youth and Social Development Association (PSA) is local non-governmental, non- profit organi

Garowe, 28/10/2026 | La kulanka Danjiraha DenmarkPSA waxay ka qaybgashay kulan ay yeesheen Danjiraha Denmark u qaabilsan...
29/10/2026

Garowe, 28/10/2026 | La kulanka Danjiraha Denmark

PSA waxay ka qaybgashay kulan ay yeesheen Danjiraha Denmark u qaabilsan Soomaaliya, H.E. Steen Sonne Andersen, iyo wakiillo ka socday SSF, PDRC iyo PUNSA, kaas oo diiradda lagu saaray xasilinta iyo amniga Puntland.

Hay'adda PSA waxay kulanka ku soo bandhigtay dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee ka socda Gobolka Mudug, iyadoo si gaar ah looga hadlay xoojinta qaab-dhismeedyada nabadda ee bulshada iyo taageerada dadaallada wadajirka ah ee amniga iyo xasilloonida.

Kulanku wuxuu ku soo dhammaaday si wanaagsan, iyadoo mahadnaq loo jeediyay Danjiraha iyo Dowladda Denmark taageerada ay si joogto ah ugu fidiyaan xasilloonida Puntland iyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya xasilloon oo horumar leh.
---------

Garowe, 28/10/2026 | Meeting with the Ambassador of Denmark to Somalia

PSA joined a meeting with H.E. Steen Sonne Andersen, Ambassador of Denmark to Somalia, alongside representatives from SSF, PDRC and PUNSA, to discuss stabilization and security in Puntland.

PSA presented its peacebuilding and reconciliation work in Mudug, with discussions highlighting the importance of strengthening community peace structures and supporting joint efforts to advance peace, security and stability.

The meeting concluded with appreciation for the Ambassador’s visit and Denmark’s continued support to stability in Puntland. Denmark reaffirmed that its contribution is aimed at supporting a stable Somalia that is willing to move forward.

Somalia Stability Fund

Ceelbuh, Sanaag | Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta Nuux Yusuf iyo Mohumud Yusuf7-dii Oktoobar 2026, kulan ka dhacay Cee...
18/10/2026

Ceelbuh, Sanaag | Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta Nuux Yusuf iyo Mohumud Yusuf

7-dii Oktoobar 2026, kulan ka dhacay Ceelbuh ayaa lagu gogol xaarayay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta labada beelood ee Nuux Yusuf iyo Mohumud Yusuf, waxaana ka qaybgalay odayaasha iyo nabadoonnada labada dhinac, Guddiga Nabadda Sanaag, hoggaanka dhaqanka iyo culimada, iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Wasiirka Amniga. Kulanka waxaa fududaysay PSA, iyadoo Dowladda Puntland ay qayb ka ahayd geeddi-socodka diyaarinta iyo qabanqaabada shirka dib-u-heshiisiinta.

Kulanka waxaa lagu heshiiyay in labada beelood ay helaan 45 maalmood oo ay ugu diyaar-garoobaan shirka dib-u-heshiisiinta, kaas oo lagu qaban doono Badhan.

Kadib kulanka Ceelbuh, odayaasha iyo nabadoonnadu waxay u gudbeen Badhan, halkaas oo ay ka sameeyeen wacyigelin bulsho oo ku saabsan natiijooyinkii kulanka iyo jihada geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta. Tallaabadan waxay ahayd qayb ka mid ah dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada fariimaha ka soo baxay kulanka, laguna sii xoojinayo ka qaybgalka iyo lahaanshaha bulshada ee geeddi-socodka.
----------------------

On 7 October 2026, elders from the Nuux Yusuf and Mohumud Yusuf clans, members of the Sanaag Peace Committee, traditional leaders and religious scholars gathered in Ceelbuh to lay the groundwork for their reconciliation process. Puntland Government officials, including the Minister of Interior, the Minister of Environment and the Deputy Minister of Security, also took part. The peace process was facilitated by PSA, with the Puntland Government contributing to preparations for the reconciliation conference.

The two clans agreed on a 45-day preparation period ahead of the reconciliation conference, which will be held in Badhan.

Following the Ceelbuh meeting, elders and Nabadoono travelled to Badhan to engage the community and share the outcomes of the meeting and the direction of the reconciliation process. This was part of efforts to bring the wider community into the process, strengthen participation and build local ownership of the reconciliation efforts.

This reconciliation process was facilitated by PSA, with support from the Somalia Stability Fund (SSF III) through the Joint Peace Initiative (JPI), led by CARE International Som

UK in Somalia

Galkacyo | Kulamada Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta Saleebaan Cabdalle iyo Looboge10–14-kii Sebtembar 2026, kulamo is ...
17/10/2026

Galkacyo | Kulamada Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta Saleebaan Cabdalle iyo Looboge

10–14-kii Sebtembar 2026, kulamo is xiga oo qayb ka ahaa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta beelaha Saleebaan Cabdalle iyo Looboge ayaa lagu qabtay Galkacyo, iyadoo ay fududeeyeen PSA iyo Wasaaradda Arimaha Guddaha ee DPL (MOIFAD). Kulamada waxaa ka qaybqaatey madaxda dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada labada beelood, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga.

Geeddi-socodku wuxuu dhinacyada kala duwan u abuuray fursad ay kaga shaqeeyaan nabadda labada beelood. Madaxda dhaqanka, dowladda iyo qaybaha bulshada ayaa ka wada hadlay dhacdadii Horumar iyo sidii loo xoojin lahaa u hoggaansanaanta go’aannadii dowladda. Haweenka iyo dhallinyaraduna waxay si gaar ah uga shaqeeyeen doorkooda ku aaddan dejinta xiisadaha, ka hortagga abaabulka colaadaha iyo ilaalinta ballanqaadyada nabadda. Madaxda dhaqanka ayaa sidoo kale ka shaqeeyay in labada dhinac ay yeeshaan ajande mideysan iyo ergo u diyaar garowda shirka dib-u-heshiisiinta ee Garowe.

Geeddi-socodkan oo ay fududaysay PSA, iyadoo taageero laga helayo Somalia Stability Fund (SSF III), wuxuu qayb ka yahay dadaallada nabad-dhiska deegaanka iyo heshiisiinta bulshada.
----------------
Galkayo | Community Reconciliation Forums for Saleebaan Cabdalle and Looboge
From 10–14 September 2026, a series of forums supporting the reconciliation process between the Saleebaan Cabdalle and Looboge clans took place in Galkayo, facilitated by PSA and the Puntland Ministry of Interior (MOIFAD).

The forums brought together traditional leaders, women and youth from both clans, alongside officials from the regional administration and security institutions.
The process created space for different groups to work on issues central to peace between the two clans. Traditional leaders, government representatives and community members discussed the Horumar incident and ways to strengthen community understanding and adherence to government decisions. Women and youth also took a direct role, focusing on de-escalating tensions, preventing mobilisation for conflict and upholding peace commitments. Traditional leaders further worked towards a common agenda and prepared a delegation for the reconciliation conference in Garowe.

Facilitated by PSA with support from the Somalia Stability Fund (SSF III), the process forms part of broader efforts to strengthen local peacebuilding and community reconciliation.

UK in Somalia

Dadaalo Nabadeed (Outreach) | Towfiiq iyo Dhinowda16–20 Luulyo 2026, waxaa Towfiiq, Dhinowda, Hir-salaama iyo Bog-qalooc...
01/10/2026

Dadaalo Nabadeed (Outreach) | Towfiiq iyo Dhinowda

16–20 Luulyo 2026, waxaa Towfiiq, Dhinowda, Hir-salaama iyo Bog-qalooc ka dhacay dadaallo nabadeed oo oo wacyigalin iyo xaqiiqo raadin ah oo ay fududaysay PSA, iyadoo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Koowaad ee Guddoomiyaha Gobolka. Wafdiga waxaa sidoo kale ku weheliyay odayaal dhaqameed dhexdhexaad ah oo h**e uga shaqaynayay nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka.

Intii ay socdeen dadaallada nabadeed , 17kii July 2026 waxaa Towfiiq lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo bulshada lagula hadlay muhiimadda nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka. Maalintii xigtay, 18kii July, dadaalku wuxuu u gudbay xog-ogaal iyo xaqiiqo-raadis ku saabsan khilaafaadka dhulka, iyadoo la eegayay arrimaha jira, goobaha ay khilaafaadku ka taagan yihiin iyo cidda leh ama maamusha dhulalka ay khilaafaadku khuseeyaan. Dadaallada wacyigelinta ayaa 19kii July ka sii socday Dhinowda, halkaas oo bulshada lagula hadlay muhiimadda nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka.

Dadaalladani waxay bulshada gaarsiiyeen farriimo ku saabsan nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka, halka xog-raadistii deegaanka ay ka caawisay in si wanaagsan loo fahmo arrimaha iyo goobaha ay khilaafaadka dhulku ka jiraan. Xogtan ayaa saldhig u noqon karta wada-hadallada iyo tallaabooyinka xiga ee wax looga qabanayo arrimahaas.
---------------------

Peace Outreach | Towfiiq and Dhinowda

16–20 July 2026, PSA facilitated a peace outreach across Towfiiq, Dhinowda, Hir-salaama and Bog-qalooc, led by the First Deputy Governor. The delegation included neutral traditional elders with prior experience in peacebuilding and conflict mediation.

As the outreach progressed, a community awareness meeting was held in Towfiiq on 17 July, focusing on the importance of peace and conflict prevention. The following day, 18 July, the outreach moved into field-level fact-finding on land disputes, examining the issues involved, identifying the areas where disputes were occurring, and clarifying questions of land ownership and jurisdiction. On 19 July, the awareness activities continued in Dhinowda, where the community was engaged on the importance of peace and preventing conflict.

The outreach helped strengthen community awareness around peace and conflict prevention, while the field-level fact-finding provided a clearer understanding of the issues and locations linked to land disputes. These findings can provide a basis for subsequent dialogue and follow-up on the issues identified.

Facilitated by PSA Somalia through the SSF III Joint Peace Initiative (JPI) Phase II, with support from the Somalia Stability Fund III (SSF III).

UK in Somalia

Kulamada Wadajirka ah (Joint Review Meetings) | Guddiyada NabaddaSebtember 2026, Guddiyada Nabadda ee Galkacyo, Galdogob...
27/09/2026

Kulamada Wadajirka ah (Joint Review Meetings) | Guddiyada Nabadda

Sebtember 2026, Guddiyada Nabadda ee Galkacyo, Galdogob, Bursaalax, Xarfo, Balibusle, Towfiiq iyo Sheerbi ayaa yeeshay kulamo wadajir ah oo ay ku dib-u-eegayeen xaaladaha deegaanka iyo arrimaha nabadda iyo khilaafaadka ee ay guddiyadu ka shaqeeyeen, isla markaana ay ku wadaageen xogta ku saabsan khataraha iyo arrimaha cusub ee u baahan in laga shaqeeyo. Kulamada waxaa ka qaybqaatey PSA iyo Maamullada Degmooyinka.

Kulamadu waxay sidoo kale xoojiyeen wada shaqaynta Guddiyada Nabadda iyo Maamullada Degmooyinka, iyadoo la isla eegay tallaabooyinka ku habboon ee looga hortagi karo khilaafaadka, loo xoojin karo digniinta h**e, loona sii wadi karo dabagalka arrimaha taagan.

Kulamadan waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo xog-wadaagga, ka hortagga khilaafaadka iyo wada shaqaynta maxalliga ah ee lagu taageerayo nabadda.
-------------------

Joint Review Meetings | Peace Committees and Local Authorities

In September 2026, Peace Committees in Galkayo, Galdogob, Bursaalax, Xarfo, Balibusle, Towfiiq and Sheerbi held joint review meetings to review the local situation and peace, and conflict issues the committees have been addressing, while sharing information on emerging risks and issues requiring attention. The meetings were attended by PSA and local authorities.

The meetings also strengthened coordination between Peace Committees and local authorities, with discussions focused on appropriate actions to prevent conflict, strengthen early warning, and maintain follow-up on ongoing issues.

The meetings form part of ongoing efforts to strengthen information sharing, conflict prevention and local coordination in support of peace.

Implemented by PSA through the SSF III Joint Peace Initiative (JPI) Phase II led by CARE International Som , with support from the Somalia Stability Fund (SSF III).

UK in Somalia

La-talin, Hagid iyo Dabagal lagu Taageerayo Guddiyada Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah (NRM) | NRM Mentoring and Coachi...
26/09/2026

La-talin, Hagid iyo Dabagal lagu Taageerayo Guddiyada Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah (NRM) | NRM Mentoring and Coaching

Biyaha, dhulka daaqa iyo kheyraadka kale ee ay bulshadu wada isticmaasho waxay u baahan yihiin xeerar, wada shaqayn iyo hannaan lagu xalliyo khilaafaadka ka dhalan kara isticmaalkooda. PSA ayaa Guddiyada Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah (NRM) ee Galkacyo, Galdogob, Bursaalax, Xarfo, Balibusle, Towfiiq iyo Sheerbi siinaysa hagid, la-talin iyo dabagal si loo xoojiyo sida ay guddiyadu u gutaan doorkooda ku aaddan maaraynta kheyraadka la wadaago.

Tababarku wuxuu guddiyada ka caawinayaa inay dib u eegaan sida ay u gutaan doorkooda tan iyo markii la dhisay lana tababaray, inay aqoonsadaan caqabadaha jira, isla markaana ay qorsheeyaan tallaabooyin wax looga qabanayo arrimaha kheyraadka iyo dhulka ee u baahan in si h**e loo wajaho. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Guddiyada NRM, Guddiyada Nabadda iyo Guddiyada Digniinta H**e, si xogta iyo digniinaha soo baxa loogu beddelo tallaabo wax-ku-ool ah.

Guddiyadu waxay mudnaanta siiyeen sidii si h**e loo ogaan lahaa loogana shaqayn lahaa khilaafaadka la xiriira dhulka, daaqa iyo biyaha, loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada ee ku saabsan isticmaalka nabdoon ee kheyraadka la wadaago, iyo sidii loo samayn lahaa xeerar iyo hab-raacyo ay bulshadu si wadajir ah ugu maamusho dhulka iyo kheyraadka ay wada isticmaalaan.

Dabagalkani wuxuu guddiyada ka taageerayaa inay ka gudbaan dhisidda iyo tababarka h**e, una gudbaan hawlgal dhab ah oo ku saabsan maaraynta kheyraadka, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta nabadda deegaanka.
-------------------------
Mentoring and Follow-up Support to NRM Committees

Water, grazing land and other shared natural resources require clear arrangements, cooperation and locally accepted ways of managing disagreements. PSA is providing mentoring, coaching and follow-up support to Natural Resource Management (NRM) committees in Galkayo, Galdogob, Bursaalax, Xarfo, Balibusle, Towfiiq and Sheerbi to strengthen how they carry out their role in managing shared resources.

The support helps committees review how they have been carrying out their roles since their establishment and training, identify existing gaps and plan practical actions around resource and land-related issues that require early attention. It also focuses on strengthening the link between NRM, Peace and Early Warning committees so that emerging information and warnings can be translated into practical action.

The committees prioritised the early identification and management of disputes related to land, grazing and water, stronger community awareness on the peaceful use of shared resources, and the development of locally understood rules and procedures for managing shared land and natural resources.

The mentoring and follow-up support is helping the committees move beyond their initial establishment and training towards practical work on natural resource management, conflict prevention and strengthening peace in their communities.

Somalia Stability Fund UK in Somalia CARE International Som Centre for Peace and Democracy - CPD

25/09/2026

Guulaystaha Kaalinta 3aad🥉 | Tartanka Nabadda qaybta Media-ha | Mohamed Abdi Mohamed

25/09/2026

Guulaystaha Kaalinta 2aad 🥈| Tartanka Nabadda qaybta Media-ha | Abdiqadir Yasin Abdulle Washington

25/09/2026

Guulaystaha Kaalinta 1aad 🏆| Tartanka Nabadda qaybta Media-ha | Sundus Dheman

24/09/2026

Guulaystaha Kaalinta 3aad 🥉 | Tartanka Nabadda qaybta Suugaanta | Farah Abdinasir Garyar

Address

Bosasso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PSA Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to PSA Somalia:

Shortcuts

Share

Nearby non profit organizations