21/05/2026
Mudug | Dhallinyarada Mudug oo hormuud u noqday wacyigelinta nabadda
Ururrada dhallinyarada gobolka Mudug ayaa 15-ka May qaaday olole wacyigelin ah oo lagu xoojinayay nabadda, wada noolaanshaha iyo isku xirnaanta bulshada, iyadoo ololuhu qeyb ka ahaa toddobaadka xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Ololahan oo ay taageero iyo fududeyn ka heleen hayโadda PSA, ayaa dhallinyaradu bulshada kula wadaageen fariimo ku saabsan muhiimadda nabadda, ka fogaanshaha colaadaha, iyo doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin dhismaha bulsho wadajir iyo is-aaminaad ku dhisan.
Ururrada dhallinyaradu waxay sii wadaan dhisidda isku xirnaanta bulshada labada dhinac ee Gaalkacyo, iyagoo rumeysan in nabadda iyo wadajirka aysan lahayn xuduud.
------------------
Mudug | Youth in Mudug leading awareness for peace and coexistence
On 15 May, youth organizations across the Mudug region carried out a peace awareness campaign focused on promoting coexistence, dialogue, and stronger community connections as part of the Somali Youth Day commemorations.
Supported and facilitated by PSA (SSFIII JPI Consortium led by CARE International Som ) and funded by the Somalia Stability Fund, the campaign created space for young people to engage communities with messages encouraging peace, discouraging violence, and reinforcing the role of youth in building trust and social cohesion.
In a city shaped by division, youth organizations from both sides of Galkayo continue to strengthen connections between communities, driven by the belief that peace, unity, and coexistence must rise above boundaries.
UK in Somalia