26/05/2026
Waxaa farxad iyo raynrayn leh munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed, bahda Mu’asasada Ijaabo waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bulshada ay la shaqeeyaan.
Mu’asasadu waxay Alle uga baryeysaa ummadda Islaamka nabad, barwaaqo, caafimaad iyo midnimo waarta, iyadoo munaasabaddan qiimaha badan ay tahay maalin ka tarjumeysa isku duubni, iscafis, walaaltinimo iyo gargaar bulshada loo fidiyo.
Sidoo kale, Mu’asasada Ijaabo waxay ku boorrineysaa bulshada inay xoojiyaan isjacaylka, kaalmo siinta dadka danta yar iyo ilaalinta qiyamka suuban ee diinta Islaamka inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan ee Ciidda Adxaa.
Ciid Wanaagsan
كل عام وأنتم بخير.