11/04/2026
Warbixin Tacsida
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaa si mog leh loo Duugay Alle ha u naxariistee Abubakar Ibrahim Cuamaan, oo ku geeriyooday Dalka Talyaaniga laguna aasay Moolaca Sheekh Aadan Sheekh Suufi Yare Ee Magalaada Muqdisho.
Marxuumka ayaa ahaa qof ku suntanaa akhlaaq wanaag, dhowrsanaan iyo la falgal bulsho oo wanaagsan, isagoo ka tagay raad muuqda oo xusuus mudan. Ehelka, qaraabada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga naxay geeridiisa.
Sidoo kale, Agaasimaha Mu’asasada Ijaabo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan dadka uu ka geeriyooday.
Ugu dambeyn, waxaa Alle laga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada.
Aamiin Aamiin.