26/06/2026
📢 Baaq Dadweyne
Dulqarneyn Charity Foundation waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee jecel wanaagga, horumarka bulshada, iyo samafalka inay ka qayb qaataan Ololaha Ballaaran ee Badbaadinta Jiilka Mustaqbalka.
Jiilka maanta waa hoggaamiyeyaasha berri. Sidaa darteed, waxaa waajib ina saaran ah inaan ka wada shaqeyno ilaalintooda, waxbarashadooda, tarbiyaddooda, caafimaadkooda, iyo akhlaaqdooda.
Waxaad ololahan uga qayb qaadan kartaa wax kasta oo Alle kuu sahlo, sida:
Lacag ama deeq.
Agab waxbarasho.
Daawooyin iyo qalab caafimaad.
Waqtigaaga iyo xirfaddaada.
Wacyigelin iyo faafinta fariinta ololaha.
Taageero kasta oo bulshada anfaca.
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan. Aynu mideyno dadaalkeenna si aan u badbaadino jiilka mustaqbalka.
Dulqarneyn Charity Foundation"Badbaadinta Jiilka Mustaqbalka.
Wixii fahfahin Dherad ah waxaad laxirireysaan WhatsApp Lanbar +252616369525