Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V.

Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. SGMB.e.V. ist ein gemeinnütziger Verein, der mit dem ehrenamtlichen Mitgliedern hat.

Der Verein unterstützt Hilfsbedürftigte Person und asylsuchender im Landkreis MR-BK. Hiigsigeenu waa Guul iyo Midnimada Jaliyada Somaliyeed ee kunool Landkreis Marburg-Biedenkopf
SGMB.e:V

Waxaanu Maanta oo ay Tariikhda ahayd 11.01.2025 Iskuugu nimid Kulan aad Muhiim u ahaa intii waqti haysay ay ka Soo qayb ...
11/01/2026

Waxaanu Maanta oo ay Tariikhda ahayd 11.01.2025 Iskuugu nimid Kulan aad Muhiim u ahaa intii waqti haysay ay ka Soo qayb Gashay.
Waxaa Kulanka Shir Gadoomiyey Gadoomiyaha Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.v Shire Aden waxaana Lagu lafa guray Sidii 2026 Qorshayaasha Eey Jaaliyada Samaysay Loo dhaqan Galin lahaa.
Tala wadaag kadib waxaana Islagaranay inay laga Maarmaantahay in Howlaha Jaaliyada Ee Muhiimka in Laga mira dhaliyo.

W/Q

Waxuu Maanta Gadoomiye Shire Aden iyo Gadoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada Hassan Mohamed Qude iyo Abdimajiid Hussen oo ah Ko...
06/12/2025

Waxuu Maanta Gadoomiye Shire Aden iyo Gadoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada Hassan Mohamed Qude iyo Abdimajiid Hussen oo ah Kordineterka Siminaarkan Uqaabilsan Jaaliyada iyo Xubna kale oo kamid ah Gudiga Jaalida Somalische Gemeinschaft M-B e.v qayb Galeen Siminaar Onlein ah oo Lagu magacdaray Caawi walaalkaaga Ku Cusub Dalkaan. Geundheitselotsinen hadeey Noqon lahayd Qofka in laga caawiyo Dhaqtarada ama Balamaha Xafiisyada Dowlada iyo hadii Qofka Nafsiyan Iskuugu Buuqsanyahay in laga Caawiyo sidii Bulshada Loo soo dhaxgalin lahaa.
Waxaanu Oga Faidayn Donaa Bulshadeena Somaliyeed Ee Kreiskan Ku dhaqan.
waxaanu Garab Istaag Buuxdo Umuujin Donaa Dadkeena Si ay Fahan Oga Qataan Wadankaan aynu Ku noolnahay.
Waxaan kale Oo Rajo badan Kaqabnaa inaynu Anaga oo Gacmaha is haysano aan Xalada kaste Ka gudubno, Si loo helo arintaas Waxaanu Bilawnay Bishaa aan ku jirno Ee Dezember in Dadka Cusub Ee Jaaliyada Xubnaheeda Ka mid Noqonaayo aan Diwaan Galino. Ee Nagula So Biir Somalische Gemeinschaft Si aan uwada Guulaysano.
Biyo Sacbadada aa Loga Dhargaa waa inaynu Iskashanaa.

Bismilaah Waxuu Maanta Ka qaybgalay Gadoomiyaha Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf Mudane Shire Aden X...
29/11/2025

Bismilaah

Waxuu Maanta Ka qaybgalay Gadoomiyaha Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf Mudane Shire Aden Xaflada Furitaanka Jaaliyada Somalische Gemeinde in Wetzlar.
Xafladaas oo ahayd Xaflad aad U Quruxbadan Kana Soo Qayb galay Safiirka Somalia Ee Germany Mudane Abdaziiz iyo Gadoomiyaha Dalad Guud Mudane Ibrahim Isxaaq iyo Gadoomiyaasha Jaaliyadaha Ee ka dhisan Wadankaan. Gadoomiyaha Jaaliyada Wetzlar Mudane Abulkadir iyo Gudigiis Waxaanu kaga Mahadceinay Sida Quruxdan ay noo soo dhaweeyen.

Waxaanu Rajanaynaa Jaaliyada Wetzlar Guul iyo Hormar

W/Q

Waxaa Sharafweyn inoo aheed anagoo ah Gudoomiye Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. Shire Aden; Gu...
28/10/2025

Waxaa Sharafweyn inoo aheed anagoo ah Gudoomiye Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. Shire Aden; Gudoomiye Ku. Hassan Qudde, aan maanta gudoonsiino Gudoomiyihii h**e ee Jaalida Soomaaliyeed ee Marburg-Biedenkopf Mudane Samir Hassan Shahaado Sharaf katurjumeysa howlihii wanaagsanaa ee iskaa wax uqabsada aheed ee uu Gudoomiyaha usoo qabtey Guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Jarmalka, gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kreis Marburg-Biedenkopf.

Inagoo ku hadleena magaca Bulshada Soomaaliyeed ee degaankan ku dhaqan waxaan leenahay Mudane Samir mahadsanid sida wanaagsan ee aad umadaada ugusoo shaqaysey.

Cidkasta oo siwanaagsan umadani ugu shaqeysa Bulshaduna wey u mahadnaqi, alle agtiisan ajar iyo wax wanaagsan ayaa u yaalo, taariikhda danbe na wey xusi.

Shire Aden
Somalisch Gemeinschaft Marburg Biedenkopf

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Jaaliyada Soomaaliyeed ee kudhaqan Kreis Marburg-Biedenkopf waxay ka tacsiyeeyney...
24/10/2025

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Jaaliyada Soomaaliyeed ee kudhaqan Kreis Marburg-Biedenkopf waxay ka tacsiyeeyneysaa geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkood Soomaaliyeed Mohamud Elmi Ali oo ahaa wll degan keis ka Marburg-Beidenkopf, gaar ahaan Magaalada wershadaha ku caanka ah ee Stadtallendorf.

Walaal Mohamud Elmi Ali oo waayihii danbe xanuunsanayey kuna jirey isbitaalada Marburg markii danbe na loo wareejiyey isbitaalka kuyaala Magaalada Wetzlar ayaa shaley galab Tariikhdu markey ah 23.10.2024 ku geeriyoodey isbitaalka. Ehelka iyo qaraabada uu kabaxay Samir iyo iimaan alle haka siiyo.

Marxuumka xiliga la,aasidoono iyo Goobta lagu aasayo dib ayeeynu idinkugu soo sheegi donna haduu alle raali ka noqdo

Wabilaahi Towfiiq

Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V.
Gudoomiye Shire Aden

Jaaliyada Soomaliyeed ee Degaanka Marburg-Biedenkopf waxaa sharafweyn u aheed in maanta ay Xafiiska Jaaliyadu kushaqeyso...
16/10/2025

Jaaliyada Soomaliyeed ee Degaanka Marburg-Biedenkopf waxaa sharafweyn u aheed in maanta ay Xafiiska Jaaliyadu kushaqeyso ku qaabishey madaxda cusub ee dhowaan loo doortey xilka Gudoomiyah Dalada Jaaliyadaha Soomaalida Dalka Jarmalka Mudane Ibrahim Ishaq Hussein iyo Gudoomiye kuxigeenka Dalada Mudane Ali Abdirahman.

Gudoomiyah Jaaliyada Mudane Shire Aden ayaa uga mahad naqay Booqashada Madaxda ay ku yimaaden Magaalada Marburg. Madaxda Dalada ayaa u kuur gashey baahiyah kajira Degaanka, waxeena balan qaadeen sidii la‘iskaga kaashan lahaa, isku xirnaanta iyo in laxoojiyo wadashaqeynta Dalada iyo Jaaliyada Marburg-Biedenkopf.

Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. Oo kamid aheed aasaasayaashi Dalada waxey balan qaadey in si dhow ula shaqeyn doonto Dalada, had iyo jeer na ay la garab taagnaan toonto hiil iyo hoo.

Somalisch Gemeinschaft Marburg Biedenkopf

Madaxda Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. oo uu horkacayey Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Marbur...
02/09/2025

Madaxda Jaaliyada Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. oo uu horkacayey Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Marburg-Biedenkopf Mudane Shire Aden iyo kuxigeenkiisa Mudane Hassan Qudde oo safar shaqo ku tagey Safaarada Soomaaliyeed ee ku taalo Magaalada Berlin oo ah caasimada dalka Germany. Kulanka madaxdu ay la qaadatey madaxa ugu sareeya Safaarada Mudane Ambassador AbdiAziz Farabadan iyo kulanka madaxda waxyaalaha ay isla meel dhigeen ayadoo qoran ayeeynu dib idinka soo sheegi donna.

Mahadsanidiin

Somalisch Gemeinschaft Marburg Biedenkopf

Kulankaan qiimaha badan oo looga tashanayo Arimo aad muhiim ugu ah jaaliyada, kasooqeybgal wacan.Somalische Gemeinschaft...
29/08/2025

Kulankaan qiimaha badan oo looga tashanayo Arimo aad muhiim ugu ah jaaliyada, kasooqeybgal wacan.

Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V.
Shire Aden

Adresse

Steinweg 2
Marburg
35037

Öffnungszeiten

Dienstag 14:00 - 16:30
Mittwoch 09:00 - 12:00
Donnerstag 14:00 - 16:30

Telefon

+4915210513024

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Die Organisation Kontaktieren

Nachricht an Somalische Gemeinschaft Marburg-Biedenkopf e.V. senden:

Teilen