16/06/2026
Arrimahaan iska ilaali:
— Dayn inaad qaadato, qof Soomaali ah ha noqdo amaba shirkad Jarmal ah, ka fogoow daynta.
Dayntu waa dhaqaale xumo hooyadeed.
— Wax haddii aad gadanaysid, gado un wixii aad qarashkooda haysid. Wax aadan qarashkooda heyn oo hadda gado, gadaalna ka bixi ah, ka fogoow.
— Qof dalkii hooyo jooga amaba meel kale jooga, haddii aad wax siinaysid waxa aad heysid sii, lkn marnaba wax aadan heyn hasoo deynsan si aad qof u siiso. Ilaahay kuma kallifin, adigana ha is kallifin, marmar ay taasi danta kugu qasbi karto way jiri kartaa, waalid xanuunsan ama xaas ama ilmo aad kaaga xanuunsan oo Afrika ku sugan iwm, oo inaad qarash u heshid ay duruuri tahay iwm.
Balse marnaba wax aadan heyn, qof kale haka soo qaadin, si aad qof u siisid.
— Lacagtaada qamaar haku ciyaarin, mid ribo ahna ha raadsan, hoog maahee, faa'iido ka keeni maysid.
— Lacagta kirada guriga iwm weligaa ha cunin, ama qaab kale haku bixin, wixii qarashaad aasaas ah ee nolosha muhiim u ah, laguma ciyaaro.
— Lacagtaada marnaba haku bixin dagaalo dalkii ka socda, ama qof wax dilay ama wax kufsaday oo la fakinayo, ama inuu baxsado iwm tolka ay ka shaqeynayaan, ama qoryo la iibinayo iwm. Micnaha qof danbiyada iyo danbiilayaasha qarash ku taageera ha noqon, lacagtaada haddii Islaamka lagu dhibo, berri cawaaqibteeda ayaad arkaysaa adigana.
— Ganaax dowladeed ama lacago lagugu soo dallacayne marnaba bixintooda haka gaabsan, waayo way kugu siyaadayaan, Schufa (Liiska xun) ayay ku gelinayaan, intii ka badanna waa lagaa qaadayaa, weliba si sandulle ah.
— Kaarar bangiyeedyo aadan u baahnayn oo badan haba sameysan. Kugu filan kaar bankgaaga Sparkasse-ha iwm, iyo wixii soo raaca [ee aad Online-ka ama arrimaha kala duwan u isticmaali kartid ama maalin aad u baxsan kartid] sida PayPal & Revolut, ama kaar bankgii aad Soomaaliya ku isticmaali jirtay iwm, kuwaasoo kale waa muhiim, balse waxyaabaha kale ee badan micno ma lahan.
— Adigoo shaqeynaya, kaalmo aanan la ogeyn dowladda marnaba haka qaadan, maalintii lagu ogaado way kaasoo matajinayaan, buuqna way kugu furayaan.
— Ka fogoow akoonkaaga inuu casaan noqdo ama eber ka hoos maro, ha furan qeybta dad badan ay furtaan ee ah in akoonkooda oo eber ah ay wax gadan karaan, eberna kasii hoos mari karaan, ayagoo sidaasi ku galaya daynta Bankga.
Eber waa xadka ugu adag, waxaase ka adag inaad eber ka hooseysid oo minus ku jirtid.
— Ka fogoow inaad iska aamintid waxyaabo qaar oo Online lagu iibiyo horayna lacag ka siisid, sida gawaarida qaar, ama kuwa dadka qiyaana ee guryo aysan heyn inay kireenayaan ka dhiga, lacag hormaris dadka markii ay ka qaadanna ka dhuunta.
Xataa kuwa dadka Cumrada geeya haddii aadan aqoon ha iska siin lacag, waayo dad la dhacay ayaan aragnay oo qof Cumro ayaan idin geynayaa dhahay uu dhacay.
— Waxyar haddii ay kuu aruuraan ka fogoow dadka intay kusoo wacaan, kaala hadlaya sidii aad meel u maalgelin lahayd ama ugu bixin lahayd.
Wax haddii aad maalgashanaysid ama qarashkaaga ku bixinaysid adiga maskaxdaada ka keenso, ama haddii laguu keeno iska bisleey.
Tusaale sahlan: Maanta haddii lagu dhaho dhul jaban baa jiro gado, berri wuu qaaliyoobayaa ayadoo lacagtaadii ay lacag kuu dhashay ayaad iska sii iibinaysaa. Ha yeelin taas awoowe ama ayeeyo. Dhul sahal waad ku gadan kartaa, lkn maalinta aad lacagtaada inaad kasoo celiso u baahatid bilo ama sanado ayay kugu qaadanaysaa.
Hadda ayaan u baahanahay, ee hadda aan lacagtaydii dib u helo ma jirto. Sidoo kale dadka lacagaha Internet-ka hala maalgashto dhaha iwm ka fogoow, haddii aadan adiga aqoon baabkaas.
Gunaanad: Ogoow lacagtaada meel micno leh (Waalid, Xaas, Caruur, Sadaqo iwm) inaad ku bixiso haddii aad diidid, meel micno darro ah oo aanan faa'iido lahayn, abaalna lagaaga hayn ayay kaaga baxaysaa.
Naftaadana nooleyso, waalidkaaga, ilamahaaga & xaaskaagana wax ay u baahan yihiin marnaba haka hagran. Yaad kaloo marka koowaadba u shaqeynaysay?!
Is adkeeya mudanayaal & marwooyin.
Maalin wanaagsan — Ahmed Kadiye