27/10/2026
🌊 MAHADSANIDIIN – KEDIS 2026 🌊
Alxamdulillaah! Maalintii Axadda (25 oktober 2026), waxaa si guul leh u dhacay Kedis 2026 – Tartanka Aqoonta Guud ee Dhallinyarada, oo lagu qabtay Tensta Träff, kaas oo uu sannad walba qabanqaabiyo ururka Badda Cas.
Carruurteennu waxay ku tartameen su'aalo ku saabsan diinta, taariikhda, juqraafiga, xisaabta, luqadda Soomaaliga iyo xayawaanka dhulka Soomaalida. Waxay muujiyeen aqoon, dadaal iyo akhlaaq wanaagsan. 👏
🏆 Hambalyo guuleystayaasha! Dhammaan ka qaybgalayaashu way guuleysteen.
Mahadsanidin waalidiinta, garsoorayaasha, mutadawiciinta iyo dhammaan intii nala joogtay.
“Garaadka iyo aqoontaada kaasho” – sannadka dambe inshaa Allaah! 💙❤️
🇸🇪 Tack till alla som deltog i Kedis 2026 – vår allmänbildningstävling för unga i Tensta! Ett stort grattis till vinnarna, och tack till föräldrar, domare och volontärer. Vi ses nästa år!