Diaspora Forum

Vägbeskrivning Kontakta organisationen

Diaspora Forum Kontaktinformation, kartor och vägbeskrivningar, kontaktformulär, öppettider, tjänster, betyg, foton, videor och meddelanden från Diaspora Forum, Samhällstjänst, Borlänge.

"Waxaa degmada Dhabbad ee Galmudug lagu soo gabagabeeyay qodista ceel biyood ay baahi weyn u qabeen bulshada deegaanka, ...
11/08/2026

"Waxaa degmada Dhabbad ee Galmudug lagu soo gabagabeeyay qodista ceel biyood ay baahi weyn u qabeen bulshada deegaanka, iyadoo ceelka laga helay biyo macaan oo ku habboon isticmaalka bulshada.

Degmada Dhabbad ayaa muddo dheer wajahaysay baahi dhanka biyaha ah, iyadoo ceelashii h**e ee deegaanka laga heli jiray biyo dhanaan, taas oo caqabad weyn ku ahayd dadka iyo xoolaha ku nool deegaanka.

Sahanka lagu ogaaday in deegaanka uu leeyahay biyo macaan ayaa waxaa sameeyay qurbajoogta kasoo jeeda degmada Dhabbad, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay daraasadda iyo baaritaanka deegaanka.

Mashruuca ceelkan ayaa waxaa hirgelisay Hay’adda Qatar Charity, iyadoo dadaal iyo kaalmo muhiim ah oo ku aaddan keenista iyo helitaanka mashruucan uu sameeyay Wasiirka Caafimaadka Galmudug, Dr Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa Door weyn ku lahaa sidii deegaanka loo gaarsiin lahaa ceelkan oo noqonaya midkii Seddexaad ee Wasiir Cabdiwali ka hirgaliyay degaanada hoos yimaada degmada Dhabad isagoo dadaal dheer geliyay helitaanka mashruucaan oo hadda soo dhammaaday.

Maamulka degmada Dhabbad, waxgaradka deegaanka iyo ururrada bulshada, gaar ahaan kuwa dhalinyarada iyo haweenka, ayaa mahadcelin u jeediyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta ceelkan, iyagoo sheegay inuu wax weyn ka tari doono baahida dhanka biyaha ee bulshada".

29/03/2026

Baaq nabadeed (magaalada )

Golahu Waxu ku baaqayaa in si degdeg ah xaaladda loo dejiyo, lagana fogaado dhaqdhaqaaq kasta oo keeni kara colaad gacan ka hadal ah. Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, xaaladda bini'aadantinimo ee magaalada Baydhabo, oo h**eba u martigelisay ilaa 430,000 oo barakacayaal ah, way sii xumaan doontaa.

Dhammaan dhinacyadu waa inay hadda wax ka qabtaan sidii loo dhimi lahaa xiisadaha loona abuuri lahaa shuruudaha lagama maarmaanka u ah qoysaska barokacay inay si nabad ah oo sharaf leh ugu soo laabtaan guryahooda.

Taageer gargaarka dadka.Taageerada gargaarka bini'aadantinimo waxay muhiim u tahay badbaadinta nolosha inta lagu jiro da...
22/03/2026

Taageer gargaarka dadka.

Taageerada gargaarka bini'aadantinimo waxay muhiim u tahay badbaadinta nolosha inta lagu jiro dagaallada iyo masiibooyinka dabiiciga ah, bixinta gargaar degdeg ah sida cunto, biyo, iyo hoy. Waxay kobcisaa xasiloonida, xoojisaa adkeysiga bulshada, waxayna kor u qaadaa amniga caafimaadka iyadoo wax ka qabanaysa xasaradaha, yaraynaysa khatarta mustaqbalka, iyo ilaalinta sharafta aadanaha.

19/03/2026

Bixi sakada al-fitriga ka hor salaada ciida ❗️

19/03/2026

Ciid Wanaagsan 🌙🌸💐

Golaha qurbo joogta waxa u hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummada Muslimiinta a.

Golaha waxa uu ku boorrinayaa in laga qaybqaato gargaarka iyo ciidsiinta dadka tabaalaysan, si ay u dareemaan farxadda maalinta Ciida.

Allah nagu gaarsiiyo Ciiddan ciideeda kale nabad, barwaaqo iyo Horumar.

18/03/2026

Tonight is the last Night of Ramadan.

Don't forget to ask for forgiveness, make duʿā and get closer to Allah 🤲🏽⁠ through Charity.
⁠
May Allah SWT accept our fasting, our prayers, our duʿā and forgive our sins.

Soomaali waxa ay wajaheysaa dhibaato bini'aadantinimo oo aad u ba'an oo ay wadaan abaaro ba'an, colaado, iyo dhaqaale xu...
18/03/2026

Soomaali waxa ay wajaheysaa dhibaato bini'aadantinimo oo aad u ba'an oo ay wadaan abaaro ba'an, colaado, iyo dhaqaale xumo, taasoo keentay in 6.5 milyan oo qof (in ka badan saddex meelood meel dadweynaha) ay u baahan yihiin gargaar.

Madaxda iyo mas'uuliyiinta ma waxaa la gudboon isqabqabsi siyaasadeed?

17/03/2026

is an obligatory charity that all Muslims who are able to pay at the end of the fasting month (Ramadan). The charity has two main purposes: to purify the fasting person from any shortcomings or mistakes during Ramadan and to ensure that the needy have food so that they can celebrate the Eid al-Fitr festival with dignity.

15/03/2026

Jaaliyadaha qurbaha ayaa si weyn uga qayb qaata maaraynta dhibaatooyinka iyo gurmadka masiibooyinka, gaar ahaan wax ka qabashada abaaraha iyo colaadaha. Waana sii wadeeyna howshaas muhiimka ah.

15/03/2026

𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐎𝐨 $𝟖𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 𝐔𝐠𝐮 𝐃𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐝𝐚.

Dahabshiil Group ayaa ku dhawaaqday deeq dhan $800,000 oo loogu talagalay taageeridda gurmadka abaaraha ka jira deegaannada Soomaalida.

Deeqdan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dahabshiil Group ku garab istaagto bulshada xilliyada ay la kulmaan caqabado bani’aadamnimo, iyadoo gacan ka geysanaysa bixinta biyo, cunto, iyo taageero degdeg ah oo la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dahabshiil Group waxa ay sii wadaysaa ka shaqaynta xoojinta adkaysiga bulshada iyo horumarinta nolosha bulshadda soomaliyeed ee ay u adeegto.

Adress

Borlänge

Webbplats

Aviseringar

Bli först med att veta: vi skickar ett mejl när Diaspora Forum publicerar nyheter och kampanjer. Din e-postadress används inte till något annat, och du kan avsluta prenumerationen när som helst.

Kontakta Organisationen

Skicka ett meddelande till Diaspora Forum:

Genvägar

Dela

Ideella Organisationer i närheten