15/09/2024
Waiiga 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib loo dhigay kaddib markii ay isku soo aadeen diyaargarowga iyo safarka ay ku tagi lahaayeen wasiirada labada dal shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada New York, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Wadahadallada ayaa loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Ankara Sebtember 17. Wali lama qaban taariikh cusub, laakiin waxaa la filayaa in wadahadalku dib u bilaabmo ka dib shirka loo dhanyahay ee qaramada Midoobay.
Labadii wareeg ee wadahadalada ee ka dhacay Ankara oo uu Turkigu dhexdhexaadinayey ayaan wax natiijo ah ka soo bixin xiisadda labada dal.
Maxay ku heshiin karaan labada dhinac?
Cabdiraxman Ceynte, wasiirkii h**e ee gorsheynta iyo
iskaashiga calamiga ah ee Soomaaliya oo wada xaajoodyadii h**e qeyb ka ahaa ayaa sheegay in waxwalba ku xiranyihiin in meesha laga saaro MoU-gii ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland.
"Arrinta udub-dhexaadka ahi waxa ay tahay Itoobiya oo diiday in ay baabi'iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, kaas oo ah mowqidka Soomaaliya, haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato mowqifkeed ah in aanay ka bixin heshiiskaas, waxa aan filayaa in aanay jirin wax laga filayo wada-hadallada labada dal. " Ayuu yiri Caynte.
Itoobiya ayaa hada la kulmay cadaadis dibada ah, wadamada gobolka oo walaac ka muujiyay dhaqanka Abiy iyo colaadaha gudaha Itoobiya ka socda taas oo badali karta dabaylaha siyaasadeed ee geeska Africa.