ERGO Elders

ERGO Elders This NGO represents the well-being of the Somali Community and their businesses in South Africa.

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Ergo Elders ayaa maanta lagu qabtey Xarunta Safaaradda Somaliyeed ee Pretoria. Kula...
24/10/2023

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Ergo Elders ayaa maanta lagu qabtey Xarunta Safaaradda Somaliyeed ee Pretoria.

Kulankan ayaa aad loogu lafa gurey sidii looga fal celin lahaa falalka guracan ee lagu beegsanayo Ganacsiyada yar yarka ah ee Somaalidu ku leedahay Locationada ama township yada. Dadyow isku sheegey iney metelayaan Xisbiga ama ururka Dudula Operation ayaa hor boodaya dadka doonaya iney xiraan ganacsiyada soomaaliyeed ee ku yaala goobo kala duwan ee gobolka Gauteng. Shaqsiyaadka ka socda Ururka aan kor kusoo xusney ayaa qaarkood yihiin kuwo kaligood sharciga iyagu fulinaya halka qaar kale ay la socdaan saraakiil ka mid ah hey'adaha amniga, faya dhowrka iyo caafimaadka. Si kastaba ha ahaatee, dadyowgan waxaa hadafkoodu yahay iney xiraan ganacsiyada ajaanibta iyadoo aan loo fiirineynin iney heystaan sharciyaddii loo baahnaa iyo in kale.

Ka dib markii ay ganacsatu soo macluumaad muhiim ahaa oo ku saabsanaa howlaha aan soo xusney, waxaa la isla gartey in si wada jir ah loo wajaho duufaanadda qalalaase ee hadda jire iyadoo la kaashanayo hey'adaha ay quseyso ee dowladda.

24/10/2023

Assalaamu Caleykum Warahmatullaah

Waxaan la wadaageynaa guud ahaan bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan wadanka Koonfur Africa gaar ahaan magaaladda Johannesbug iyo nawaaxigeeda, in madashan loo agaagumay in Guddiga ERGO Elders ku soo gudbiyaan amuuraha la xiriira shaqooyinka ay bulshada u hayaan iyo wixii kasoo cusboonaada xaaladaha wadankan eynu deganahay.

Waxaa kale oo halkan ku lifaaqan Whatsapp number loogu talo galey iney bulshadu kala soo xiriirto guddiga ama howl wadeenada kale ee la shaqeeya guddiga.

Mahadsanidiin

Address

Fordsburg
Johannesburg
2092

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ERGO Elders posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share