20/08/2023
Xagee sartu ka quruntay ?
W/Q: kobciye mohamed
--------------------------------
Diinta waxay u kala baxdaa laba qaybood(islaamka)
⛔️ Rumeyn (Caqiido)
⛔️ Xeerar (Shareecada:Wixii xeer Alle u qoray adoomadiisa ee diinta)
Rumaynta xaggeedana dhib ma leh, waana rumaynta Eebbe iyo waxyaalaha kale ee qarsoon (Qaybiyaad) sida Jano, mana laha samaynayno dhib ah oo bulshadeed.
Dhanka shareecadana (Xeerarka diinta islaamka) waxay u kala baxdaa laba qaybood
⛔️ Cibaadada
⛔️ Mucaamalaat - Waxa ay xiriirsa hoolaha qofka muslimka ah iyo xidhiidhka qofka kale.
Xagga cibaadada, wax dhib ah oo ay u geystay bulshada ma jirto.
Dhibka noogu weyni waa Mucaamalaatka
Waa faragelinta diinta ee dhinac kasta oo nolosha gaarka ah, Habka fikirka ee qofka iyo bulshada, bulshada, dawladaha, hay'adaha, farsamaha, barashada iyo qabka wax barasho,xiriirka bulshadeed oo dhan.
Halkanna bulshadu way dib u dhacday oo diintu waxay ka leexatay yoolkeedii oo ah xasilloonida ruuxiga ah, waxayna isu beddeshaa cudur bulshada iyo qofka dib isku cuno oo ka leexisay yoolk laga lahaa diinta.