16/02/2026
BAAQ RASMI AH
Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda Mudulood ee Western Cape
UJEEDDO: Beenis iyo Caddeyn Hoggaan
Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda Mudulood ee gobolka Western Cape, isagoo matalaya odayaasha, culimada, iyo ganacsatada, wuxuu halkaan ka caddeynayaa qodobbada soo socda:
Aqoonsiga Hoggaanka: Waxaan si buuxda u xaqiijinaynaa in Ugaas Qadar uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee beesha Mudulood ee Western Cape, kaas oo xilka loo igmaday sannadkii 2025.
Beenis Sheegasho: Waxaan bulshada la socodsiinaynaa in qoraalka uu baahiyay shakhsiga lagu magacaabo "Daahir Nawaaf" uu yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn. Ma jirto cid dooratay ama xil u dhiibatay shakhsigaas, wuxuuna u hadlaa oo kaliya isaga naftiisa.
Digniin Safaaradda: Waxaan uga digaynaa Safaaradda Soomaaliya ee South Africa iyo hay’adaha kaleba inay ka fogaadaan cid kasta oo sheeganaysa hoggaan aan loo dooran si looga baaqsado jahwareer iyo faragalin aan loo baahnayn.
Baqaan Midnimada: Waxaan jaaliyadda ugu baaqaynaa inay dhowraan midnimada, wixii khilaaf ahna loo gudbiyo odayaasha beesha ee la shaqeeya hoggaanka rasmiga ah.
Mahadsanidiin.