Somali Community Board of South Africa

Somali Community Board of South Africa Unifying and integrating members of Somali extract residing in South Africa in to the mainstream Sou Community Based Organization CBO

26/05/2026

Hambalyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa. Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu naga aqbalo cibaadada, ducada, iyo udxiyadda, kana dhigo ciiddaan mid kheyr, barwaaqo, iyo dambi dhaaf leh.

Ilaahay ha inoo sugo dalkeenna iyo dadkeenna nabad, horumar, midnimo, iyo xasillooni waarta. Ciiddaan teeda kale hanagu gaarsiiyo caafimaad, farxad, iyo walaaltinimo buuxda.

Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

23/05/2026

Soo dhowayn qiimo badan safiirka Somalia ee south Africa soo dhowaaw MUDANE AMB Adam isak

19/05/2026

“God sireed ha qodin, ku dhici doontidaana lama oga.”

Waa nasiib darro weyn in safaaraddii Soomaaliyeed ee loo igmaday ilaalinta danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka leexato waajibaadkii qaran ee loo diray, una jeedsato kala qeybinta iyo hurinta khilaafaadka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Halkii laga filayay inay mideyso bulshada, difaacdo xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana kor u qaaddo sumcadda qaranka, waxaa muuqata in tallaabooyin horseeday kala fogeyn iyo is nacayb ay ka dhex abuurtay jaaliyadda Soomaaliyeed.

Dhibaatada maanta soo gaartay Soomaalida, sumcad xumada ku timid magaca safaaradda, iyo jahwareerka bulshada dhexdeeda ka jira, waa natiijada ka dhalatay faragelin aan loo baahnayn iyo adeegsi khaldan oo xil qaran. Mas’uulka loo dhiibay danta shacabka waa inuu noqdaa mid mideeya dadka, ee aanu noqon mid kala geeya bulshada ama dano gaar ah ku fushada magaca dowladnimo.

Bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay hoggaan iyo diblomaasiyiin u adeegaya qaranimada, wadajirka, iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta, kana fog wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika
Faarax Guuleed Bidhaan

16/05/2026
30/04/2026
SOO DHAWAYN IYO LA-TALIN MAS’UULIYEED           Ku:Mudane Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Hassan Mohamed AliMudane ...
30/04/2026

SOO DHAWAYN IYO LA-TALIN MAS’UULIYEED

Ku:
Mudane Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Hassan Mohamed Ali
Mudane Agaasimaha Waaxda Qurba-joogta, Ibraahim Guure Mohamed
Mudane La-taliyaha Agaasimaha, Cabdisalaam Yuusuf Aadan

Ujeeddo: Soo dhowayn iyo la-talin ku saabsan midnimada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika
Waxaan si diirran oo sharaf leh idiinku soo dhowaynaynaa dalka Koonfur Afrika, annagoo ku faraxsan booqashadiinna qiimaha leh ee aad ku timid dalka ay ku nool yihiin jaaliyad Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhaqanayd, door muhiim ahna ka qaadatay horumarka bulshada iyo xiriirka labada dal.

Booqashadiinna waxay ku soo beegantay xilli muhiim ah, kaddib doorashadii iyo xil-wareejintii ka dhacday 13 April 2026, taas oo lagu doortay hoggaan cusub oo ay hormuud u tahay Somali Community Board of South Africa,
oo uu guddoomiye ka yahay Mudane Faarah Guuleed Bidhaan.

Waxaan si weyn u bogaadinaynaa doorka iyo masuuliyadda aad ku leedihiin isku xirka iyo taageeridda qurba-joogta Soomaaliyeed. Waxaan kalsooni ku qabnaa in khibraddiinna iyo taladiinnu ay si wax ku ool ah uga qayb qaadan karto xoojinta wadajirka,

dib-u-heshiisiinta, iyo isu soo dhowaanshaha bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan si xushmad iyo daacadnimo leh idiinku la talinaynaa:

In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.
In la dhiirrigeliyo wada-hadal furan iyo xal u helidda cabashooyinka jira, iyadoo laga fogaanayo tallaabo kasta oo horseedi karta kala fogaansho iyo is-garab yaac.

In aan la taageerin ama lagu lug yeelan dhismooyin kale oo wata magacyo jaaliyadeed oo keeni kara kala qaybsanaan iyo jahawareer.

In la xoojiyo doorka jaaliyadda rasmiga ah ee la doortay, isla markaana la dhiirrigeliyo isu tanaasul, dulqaad iyo wada shaqayn.
Haddii ay jiraan xubno ama kooxo leh cabashooyin,

waxaan ku boorrinaynaa in dadaal dhab ah lagu bixiyo sidii loo dhegeysan lahaa loona xallin lahaa tabashooyinkooda si waafaqsan hannaanka wadajirka iyo sharciga jaaliyadda.

Ugu dambayn, waxaan rajaynaynaa in booqashadiinnu ay noqoto mid horseed u noqota xasillooni, wadajir iyo horumar ay gaarto jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,

isla markaana aad ka tagtaan raad wanaagsan oo mideeya bulshada.
Mahadsanidiin.

Gudoomiya jaaliyada somaali community board mudane faarax guuleed bidhaan

26/04/2026

WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XALADDA JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOONFUR AFRICA

Waxaa muhiim ah in si dhab ah oo mas’uuliyad leh loo qiimeeyo xaaladda guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika, gaar ahaan wixii ka dambeeyay doorashadii dhacday 13-kii April, taas oo ahayd doorasho ku timid hannaan h**e loo dejiyay oo waafaqsan nidaamka Somali Community Board. Doorashadan waxay daba socotay habraacyo

sharciyeysan oo muddo soo jiray, isla markaana lagu maamuli jiray isbeddellada hoggaanka si nidaamsan oo waafaqsan xeerarka jaaliyadda.

Waxaan si cad u muujinaynaa in habraacyadaas iyo natiijooyinka ka dhashay ay raalli ka yihiin

indheer-garad kala duwan oo ku sugan magaalada—oo ay ka mid yihiin culimaa’udiin, odoyaasha dhaqan ka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Tani waxay astaan u tahay in geeddi-socodku uu ahaa mid hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Dhanka kale, waxaan ognahay in ay jiraan tabashooyin iyo aragtiyo kala duwan oo ay qabaan xubno ka mid ah jaaliyadda. Arrimahaas h**e ayaa loo soo gudbiyay, haddana mar kale ayaan ku celinaynaa in aan mar walba diyaar u nahay in wixii caqabad ah lagu xalliyo miiska wada-hadalka,

si nabad ah oo wadajir ah. Waxaan aaminsanahay in xal kasta oo waara uu ku yimaado isfaham, dulqaad, iyo wada hadal furan.

Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida ku nool Koonfur Afrika in ay ka feejignaadaan wax kasta oo dib u dhigaya midnimada iyo wadajirka bulshada.

Ha noqoto xaflado been abuur ah, shirar aan sal lahayn, ama dacaayado lagu marin habaabinayo dad aan xog ogaal u ahayn xaaladda dhabta ah—

arrimahaas waxay horseedi karaan khilaaf cusub xilli aan ku jirno dadaal lagu bogsiinayo kala fogaanshihii h**e, ha ahaado mid maamul ama bulsho.

Waxaan hadda ku jirnaa qabanqaabada shirweyne ballaaran oo lagu mideynayo dhammaan Soomaalida ku nool Koonfur Afrika, si loo helo madal lagu wada tashado, loogana gudbo caqabad kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka bulshada.

Waxaa qoray:
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika
Somali Community Board
Mudane Faarax Guuleed Bidhaan

24/04/2026

TALO IYO SOO JEEDIN KU SOCOTA DHAMMAAN JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KOOFUR AFRICA
Ku: Dhammaan xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku midaysan Somali Community Board
Og: Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika
Jaaliyaddeena sharafta leh,
Waxaan halkan idinkula wadaagayaa tallo iyo xusuusin ku saabsan midnimada, sharciga, iyo wadajirka jaaliyaddeena oo ah tiirarka aan ku dhisannahay.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku midaysan Somali Community Board waa jaaliyad si rasmi ah uga diiwaangashan dalka Koonfur Afrika, isla markaana leh taariikh dheer oo ku dhow 20 sano oo adeeg iyo isku duubni ah. Sida uu dhigayo sharciga iyo nidaamka jaaliyaddu, waxaa si nabad ah oo waafaqsan hannaan dimuqraadi ah xilka loogu kala wareegay doorashadii dhacday 13 April, 2026 taas oo ahayd mid xor iyo xalaal ah.
Waxaa xil wareejinta si rasmi ah u sameeyey guddoomiye ku-xigeenkii h**e oo ahaa kusimaha sharciga ah, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen dhalinyaro aqoon leh, waxgarad, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Tani waxay caddeyn u tahay hufnaanta iyo sharciyadda nidaamka jaaliyaddeena.
Sidaas darteed, waxaan si cad u muujinayaa in wixii munaasabad, shir, ama wax u eg doorasho kale oo lagu kala qaybinayo jaaliyadda aysan waafaqsanayn sharciga iyo nidaamka jira, isla markaana ay tahay arrin keeni karta kala fogaansho iyo jahawareer. Arrimahaas waxaa lagu tilmaami karaa ficillo aan dhisaynin wadajirkeena, balse dhaawacaya sumcadda iyo midnimada jaaliyaddeena.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, waxaan idinka codsanayaa:
Inaad ka fogaataan wax kasta oo hoos u dhigaya maqaamka iyo magaca jaaliyaddeena
Inaad diidaan ficillo ku saleysan dano shaqsiyeed, qoys, ama koox gaar ah
Inaad ilaashataan midnimada iyo wadajirka oo ah hantideena ugu weyn
Intii aan ku guda jiray khudbaddii musharaxnimadayda, waxaan ballan qaaday inaan dhageysan doono cabasho kasta oo macquul ah, isla markaana aan u adeegayo dhammaan xubnaha jaaliyadda si caddaalad iyo daahfurnaan leh. Ballanqaadkaas waan ku taaganahay.
Hase yeeshee, waxaan si cad u diidanahay wax kasta oo dano gaar ah laga leeyahay ama horseedi kara kala qaybsanaan iyo wiiqida midnimada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika inay ila shaqeeyaan, gacmahana is qabsadaan, si aan u ilaalinno sharafka, sumcadda, iyo jiritaanka jaaliyaddeena.
Mahadsanidiin.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed
Faarax Guuleed Bidhaan

20/04/2026

Hadal yar iyo howl badan gudoomiyaha Somali Community Board of South Africa faarax guuleed bidhaan

Marka h**e waxaan u mahadcelinayaa Alle Subxaana watacaalaa, Naxariistiisa iyo fadligiisa igu galladay inaan qaado masuu...
17/04/2026

Marka h**e waxaan u mahadcelinayaa Alle Subxaana watacaalaa, Naxariistiisa iyo fadligiisa igu galladay inaan qaado masuuliyaddan qiimaha leh.

Marka xigta, waxaan mahad gaar ah u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, kuwaas oo si kalsooni iyo sharaf leh iigu doortay inaan noqdo guddoomiyaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa.
Sidoo kale, waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa guddoomiyihii h**e ee jaaliyadda, oo si hufan, xilkasnimo iyo qiime leh iigu wareejiyay masuuliyaddii culus ee uu ummadda u hayay. Taas oo muujinaysa dhaqan suuban iyo biseyl hoggaamineed oo mudan in lagu daydo.

Runtii, waxaan dareemayaa inaan qaaday masuuliyad culus oo u baahan feejignaan, dulqaad iyo hufnaan joogto ah. Waxaase aan Alle ka baryayaa inuu igu garabsiiyo gudashada waajibaadka iga saaran u adeegidda bulshadeyda, si daacadnimo, cadaalad iyo karti ku dheehan tahay.

Sidii aan horay u ballanqaaday, anigoo kaashanaya odayaasha, waxgaradka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, waxaan xoogga saari doonaa mideynta, isku duubnida iyo dib u dhiska kalsoonida bulshada dhexdeeda. Sida aynu wada ognahay, bulshadeennu waxay la tacaalaysaa caqabado isugu jira kuwo amni iyo kuwo kala fogaansho bulsho, kuwaas oo u baahan dadaal wadajir ah iyo aragti fog si xal waara loogu helo.

Ugu dambayn, waxaan mar kale idinka codsanayaa inaad garab iyo gaashaan ii noqotaan, isla markaana aanan kaligey la igu daynin hawshan culus. Waxaan idin ballanqaadayaa inaan idin dhageysan doono, tixgelin doono talooyinkiinna, kana shaqeyn doono horumarinta iyo danaha guud ee bulshadeenna.

Mahadsanidiin.
Farax Guuleed Bidhaan
Gudoomiyaha jaaliyada somaliyeed ee K/Afrika

Address

Braamfontein

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 12:00
14:00 - 04:00
Saturday 09:00 - 12:00
Sunday 09:00 - 12:00

Telephone

+27744444449

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Community Board of South Africa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Community Board of South Africa:

Share