05/08/2026
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan masuuliyiintii, Isimada dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahannada iyo bulshada sharafta leh ee igu soo dhaweeyay magaalada Garoowe.
Mahad gaar ah waxaan u dirayaa Xildhibaannada Dowladda Puntland, Guddoonka Gobolka, Isimada dhaqanka iyo aqoonyahannadii waqtigooda iyo dedaalkooda geliyay soo dhoweyntaas qiimaha badan. Soo dhoweyntiinnu waxay muujisay midnimo, walaaltinimo iyo qadarin aan si weyn ugu faraxsanahay.
Waxaan Alle ka baryayaa inuu inagu asturo nabad, wadajir iyo horumar, isla markaana inoo suurtageliyo inaan si wadajir ah ugu adeegno dadkeenna iyo dalkeenna.
Mahadsanidiin.
Beeldaaje Axmed Mataan Xasan