Hon. Mohamed Ahmed Keynan

Hon. Mohamed Ahmed Keynan Welcome to the official page of the former Mp and Minister of Somali government, Puntland Diaspora of Minnesota, PhD Candidate, Father.

03/20/2026
03/09/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Maanta waxaan si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii Guddoomiyanimo ee Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota Guddoomiyaha la doortay Marwo Fadumo Ibrahim Aden (Fadumo Malta).

Waxaan Guddoomiyaha cusub ugu ducaynayaa in ILLAAHAY u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibay, isla markaana ku garab galo gudashada waajibaadka iyo adeegga Jaaliyadda.

Sidoo kale waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa:
• Wakiilka Dowladda Puntland ee dalka Maraykanka Marwo Mulki Abdisamad Haji Hussein
• Guddiga Doorashada ee sida hufan u maamulay doorashada, oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Faysal (Sulub)
• Guddigii ila soo shaqeeyay muddadii aan xilka hayay
• Iyo dhammaan xubnaha Jaaliyadda ee ka soo qayb galay doorashada oo codkooda dhiibtay.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay hambalyo Jaaliyadda Puntland ee Minnesota, waxaana rajaynayaa in midnimo, wadajir iyo horumar lagu sii amba qaado howlaha Jaaliyadda.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

XIL-WAREEJIN OO SI RASMI AH U DHACDAYGalabta waxaan si rasmi ah oo sharaf leh ugu wareejiyay xilka Guddoomiyaha Jaaliyad...
03/09/2026

XIL-WAREEJIN OO SI RASMI AH U DHACDAY

Galabta waxaan si rasmi ah oo sharaf leh ugu wareejiyay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota, xafiiska iyo dhammaan dukumeentiyada maamulka Guddoomiyaha cusub Marwo Fadumo Ibrahim Aden (Fadumo Malta).

Wareejintan waxay ahayd mid muujinaysa nidaam, isla-xisaabtan iyo hoggaan dimuqraadi ah, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan Jaaliyadda iyo Guddiga doorashada.

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha cusub, waxaana u rajaynayaa guul iyo in ALLAAH ku garab galo xilka culus ee loo doortay.

Sidoo kale waxaan si gaar ah mahad iyo qadarin ugu jeedinayaa:
• Wakiilka Dowladda Puntland ee dalka Maraykanka Marwo Mulki Abdisamad Haji Hussein oo ka soo qayb gashay isla markaana taageero iyo dhiirrigelin u muujisay Jaaliyadda.
• Guddiga Doorashada Jaaliyadda, gaar ahaan Guddoomiyaha Guddiga Mudane Faysal (Sulub) iyo dhammaan xubnaha guddiga oo si hufan oo daacadnimo leh u maamulay doorashada.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha Jaaliyadda ee ila soo shaqeeyay muddadii aan xilka hayay iyo taageeradii ay na siiyeen.

Jaaliyadda Puntland ee Minnesota waxaan ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub si loo sii xoojiyo midnimada, wadajirka iyo horumarka Jaaliyadda.

Mahadsanidiin.

Mohamed Ahmed Keynan
Guddoomiyihii h**e
Puntland Diaspora of Minnesota

NATIIJADA RASMIGA AH EE DOORASHADAJaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota(Puntland Diaspora of Minnesota)Waxaa caaw...
03/03/2026

NATIIJADA RASMIGA AH EE DOORASHADA
Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota
(Puntland Diaspora of Minnesota)

Waxaa caawa oo taariikhdu tahay March 02, 2026 si nabad iyo hufnaan leh ugu qabsoontay doorashadii Guddoomiyaha Jaaliyadda.

Natiijada codbixinta waxay noqotay sidan:
• Marwo Fadumo Ibrahim Aden (Malta) – 98 Cod
• Mohamed Ahmed Keynan – 97 Cod

Waxaan si sharaf iyo qalbi furan ugu hambalyeynayaa Marwo Fadumo Ibrahim Aden guusha ay gaartay.

Farqiga hal cod ah wuxuu muujinayaa in Jaaliyaddu ay tahay mid firfircoon, leh aragtiyo kala duwan, isla markaana ku dhisan nidaam dimuqraadi ah oo hufan.

Anigoo ah Mohamed Ahmed Keynan, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xubnihii codkooda i siiyay iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay doorashada. Waxaan sii wadi doonaa u adeegidda Jaaliyadda si daacadnimo iyo midnimo ku dheehan tahay.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa Guddoomiyaha cusub in uu ku garab galo xilka, Jaaliyaddana waxaan ugu baaqayaa wada shaqeyn iyo midnimo.

Midnimo • Horumar • Wadajir

Mahadsanidiin.

Alhamdu LILLAH.Waxaan si sharaf leh u ogeysiinayaa in aan mar kale isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda Qurbojo...
03/01/2026

Alhamdu LILLAH.

Waxaan si sharaf leh u ogeysiinayaa in aan mar kale isu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota, waxaana la iga guddoomay codsigaygii musharraxnimo, anigoo si rasmi ah u helay shahaadadii musharraxnimo.

Doorashadu waxay dhacaysaa:

📅 Isniinta, March 02, 2026
🕓 4:00 PM
📍 Ramaas Restaurant
2532 25th Ave S, Minneapolis, MN 55406

Waxaan dhammaan xubnaha Jaaliyadda ugu baaqayaa inay si buuxda uga soo qayb galaan doorashada, una doortaan hoggaamiye hufan oo matala rabitaankooda, kana shaqeeya horumarinta iyo mideynta bulshadeena labada sano ee soo socota.

Doorashadu waa fursad aynu ku muujinno midnimadeenna iyo ka qayb qaadashadeenna go’aan qaadashada.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

SHAACIN RASMI AHJaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota (Puntland Diaspora of Minnesota) waxay si rasmi ah u magaca...
02/22/2026

SHAACIN RASMI AH

Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota (Puntland Diaspora of Minnesota) waxay si rasmi ah u magacawday Guddiga Doorashada Madaxbannaan ee maamulaya Doorashada Jaaliyadda oo dhici doonta March 2, 2026.

Guddigan waxaa loo xilsaaray inay si hufan, caddaalad ah, dhexdhexaadnimo lehna u qabtaan doorashada, iyagoo si buuxda u ilaalinaya nidaamka “Hal Qof iyo Hal Cod”, si loo xaqiijiyo doorasho xor ah oo daahfuran.

Hoos waxaa ku lifaaqan magacyada iyo sawirrada xubnaha Guddiga Doorashada.

Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Minnesota
Puntland Diaspora of Minnesota

Hambalyo Guddoomiye Mohamed Ahmed Keynan 🌙RAMADAN KAREEMAnigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Gobo...
02/18/2026

Hambalyo Guddoomiye Mohamed Ahmed Keynan 🌙

RAMADAN KAREEM

Anigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Qurbojoogta Puntland ee Gobolka Minnesota, waxaan hambalyo diirran iyo duco u dirayaa dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo guud ahaan caalamka, munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bishan kheyrka iyo naxariista leh ALLAAH ha naga dhigo kuwo ka faa’iideysta, ha naga aqbalo soonka, salaadda iyo camalka suuban, hana nagu gaarsiiyo nabad, midnimo iyo barwaaqo.

Ramadaan waa bil isxisaabin, iscafis iyo isu soo dhowaansho. Aynu ka faa’iideysanno fursaddan qaaliga ah si aan u xoojino wadajirka jaaliyaddeenna, una caawino kuwa nugul.

🌙 Ramadan Kareem

كل عام وأنتم بخير

Casho sagootin ah iyo shahaado sharaf oo aan ku maamuusnay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha...
08/15/2025

Casho sagootin ah iyo shahaado sharaf oo aan ku maamuusnay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Wasiirka Diaspora-da, Mudane Farah Aw-Osman, ayaa lagu qabtay gobolka Minnesota.

Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabiyay aniga oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Gobolka Minnesota, Mohamed Ahmed Keynan, iyadoo aan Wasiirka gudoonsiiyay Shahaado Sharaf ka dib safar shaqo uu ku yimid dalka Mareykanka, isagoo ugu dambeyn soo gaaray gobolka Minnesota.

Wasiirka ayaa intii uu joogay ka qeyb galay xaflad weyn oo jaaliyaddu qabatay, taasoo lagu xusayay 27-guuradii aasaaska Puntland. Sidoo kale, wuxuu si rasmi ah xarigga uga jaray xafiiska Jaaliyadda Puntland ee Gobolka Minnesota xafiis shaqo oo aan ku faraxsanahay inaan suurto geliyo in jaaliyaddu yeelato.

🤝 Mahad gaar ah dhammaan xubnaha jaaliyadda iyo marti-sharaftii ka qeyb gashay munaasabadahan muhiimka ah

Allaa Mahadleh.

Address

1821 University Avenue W Suite 106
Saint Paul, MN
55104

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm

Telephone

+19523817845

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Mohamed Ahmed Keynan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon. Mohamed Ahmed Keynan:

Share