12/04/2022
SHIRWEYNIHII 17AAD EE CALAMIGA AH EE MAAMULKA INTERNETKA OO AY MARTIGELISAY ITOOBIYA AYAA SI GUUL AH KUSOO DHAMAATAY.
Waxaa si habsami leh loo soo gebagebeeyey shirweynihii 17-aad ee maamulka Internetka oo muddo 5 maalmood ah ka socday Hoolka Guddiga Dhaqaalaha Afrika ee magaalada Addis Ababa. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Demeke Mekon oo ka qeyb galay xiritaanka shirka ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada iyo hay’adaha wada shaqaynta leh ee dadaalka u galay in shirkani uu guul ku dhamaado.
MR.Demeke ayaa xusay in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii loo dhisi lahaa dhaqaalaha dhijitaalka ahWaxa ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in goluhu uu la socon doono si ay natiijo ugu soo baxaan. Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Lee Junhua oo fariin muuqaal ah oo uu soo diray kaga mahad celiyay dawladda Itoobiya shirka guul ku soo dhamaaday ayaa sheegay in ay tahay in aan ka wada shaqayno xalinta mashaakilaadka la xidhiidha maamulka Internetka. Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, Antonio Pedro, ayaa sheegay inay tahay madal ay Afrikaanku ka qayb-qaataan oo heersare ah,
wuxuuna caddeeyay in Qaramada Midoobay ay ka shaqayn doonto arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada si codka Afrika loo maqlo. Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada Marwo Huriya Ali ayaa u mahadceliyey intii gacan ka geysatey qabsoomida xafladan oo ay ka mid ahaayeen madaxda sare ee shirka maamul u samaynta internetka ee caalamiga ah, lataliyasha qaybaha kala duwan ee bulshada, xoghaynta iyo dhalinyaradii is xilqaantay.
Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Itoobiya ay ku guuleysato marti gelinta shirka maamulka Internetka, kaasi oo Afrika yimid 11 sano kadib. Xubnihii ka soo qeyb galay oo aragtidooda ka dhiibtay shirka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya shirka ay aad ugu riyaaqeen soo dhaweynta Itoobiya, ayna u arkeen in Itoobiya yihiin kuwo marti soorka ku wanagsan