01/28/2026
WAR-MURTIYEED RASMI AH✍️
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo noqnoqday eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya in Reer Binu-Xanifa ay asal ahaan ka soo jeedaan Yuhuud.
Eedeymahaasi waa been-abuur taariikheed, waxna k**a jiraan xaqiiqda diimeed, abtirsiineed iyo mid bulsho.
Bayaankan wuxuu si cad u beeninayaa hadalladaas, wuxuuna iftiiminayaa asalka saxda ah, diinta, iyo kaalinta ay Reer Binu-Xanifa ku leeyihiin dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Beenta Sheegashada ah in Reer Binu-Xanifa Yuhuud ka soo jeedaan ma laha caddeyn taariikheed, diin, ama abtirsiin.
Reer Binu-Xanifa waa:
Dad Muslimiin ah.
Qabiil si cad u leh abtirsiin la aqoonsan yahay oo ku saleysan nasab Islaami ah.
Bulsho si buuxda uga mid ah ummadda Islaamka, kuna caan ah cibaado, cilmi iyo hoggaan diimeed.
Isku day kasta oo lagu xirayo Yuhuudnimo waa fadeexad taariikheed oo aan wax sal ah ku fadhiyin, loona adeegsado marin-habaabinta bulshada iyo dhaawaca sharafka qabiilka.
Sido kale waxa jira magac ay bulshoyinka somaliyeed u yaqanan oo ah magaca “Yibir” waa magac ay bulshooyin qaar si khaldan ugu bixiyeen Reer Binu-Xanifa,
Mana aha:
Magac rasmi ah.
Magac abtirsiineed.
Magac ka tarjumaya diintooda ama asal kooda.
Magacani wuxuu ku yimid faham-xumo taariikheed, wuxuuna noqday mid mararka qaar loo adeegsaday cay iyo af-lagaaddo.
Taasi waa arrin si cad uga hor imaanaysa qiyamka Islaamka iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed iyo tan beesha reer binuxanifa.
Magaca saxda ah, aqoonsiga rasmiga ahna waa Reer Binu-Xanifa,
Reer Binu-Xanifa waa
Muslimiin ku dhaqan shareecada Islaamka.
Deganaa dhulka Soomaaliyeed qarniyo badan.
Ka mid ahaa bulshooyinkii kaalin hoggaamineed ku lahaa maamulka, diinta iyo dhaqanka.
Taariikh ahaan, Reer Binu-Xanifa waxay ka mid ahaayeen bulshooyinkii ka jiray boqortooyooyin iyo nidaamyo xukun oo muddo dheer ka hanaqaaday dhulka maanta loo yaqaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Doorkooda ma ahayn mid ku eg hal waqti, balse wuxuu ahaa mid joogto ah oo saameyn leh, taasoo ka dhigaysa qayb lama huraan ah oo ka mid ah taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal
Leh xuduud cad.
Leh dad, dawlad, ciidan, iyo doorashooyin.
Leh nabadda iyo xasilloonida ugu wanagsan Geeska Afrika.
Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii dawladnimo Somalilandna waxay xaq u leedahay:
In la aqoonsado
In la ixtiraamo jiritaankeeda
In taariikhdeeda si caddaalad ah loo qiimeeyo.
Aqoonsiga Somaliland ma aha arrin siyaasad keliya, balse waa arrin caddaalad, xaq iyo run ku dhisan.
Waxa anu tageersanahay in ay Somaliland noqoto dal ka mida dalalka calamka ee manta jira
Waanuna soo dhawaynayna aqoonsiga ay heshay.
Sidaas awgeed waxa anu bulshada somaliyeed haday yihiin Culumo, Camo, waxgarad iyo siyaasiyiinba ugu baaqayna in ay joojitaan been abuurka ah in reer binuxanifa ay ka soo jeedan yuhuud ama ay wax wadagan!
Gunaanad.
Bayaankan wuxuu si cad u caddeynayaa in Reer Binu-Xanifa aysan Yuhuud ka soo jeedin.
Ay yihiin Muslimiin asal iyo taariikh leh
Magacyada cayda ah ee loo nisbeeyo aysan matalin aqoonsigooda.
Ay door weyn ku leeyihiin taariikhda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Runta taariikhda lama qarin karo, been-abuurkuna ma noolaan karo marka iftiinka aqoonta la saaro.
Wabilaahi- Tawfiiq.
Beesha reer Binu-Xanifa.