07/28/2025
Bushaaro culus:
1939-kii, Philip Earle Glover wuxu ahaa madaxii ugu sarreeyey ee xafiiska daaqa ee Soomaalilaand. Isaga oo dhiirrigelin ka heleya Cabdillaahi Aar, oo ahaa turjumaan sare oo ka tirsan xafiiska Beeraha iyo Cilmiga Xoolaha, Glover wuxu ururiyey liis ku saabsan magacyada Soomaaliga ah ee dhirta oo uu dhinac waday magacyadooda cilmiga ah. Liiskaas waxa la daabacay 1947-kii.
Haddaba 2022, Helen Pickering ayaa bilawday dib-u-habaynta liiskii Glover, iyada oo ku ladhay magacyada Soomaaliga ah ee ku qoran buugga Flora of Somalia (ee 4-ta Majalladood), isla markaana adeegsanaysa degelka magacyada sayniska ee 'Plants of the World Online (ee May 2024). Haddeer nuskhadda Glover ee ay Helen dib-u-habaysay oo ay u bixisay ciwaanka ah "Linking Local and Scientific Knowledge/ Isku xidhka aqoonta maxalliga ah iyo ta cilmiga ah ee dhirta" ayey baahisay July 2025.
Halkan kala deg.
In 1947, Glover compiled a checklist of Somali plant names alongside their scientific equivalents. In 2025, Helen Pickering published an updated and bilingual version of Glover’s checklist.