Hirshabelletelevision

Hirshabelletelevision Broadcasting News Cable Channel

DOWLADA JABUUTI OO SHAQO KAQABTAY QABSATAY ARGAGISADII GOONI UGOOSADKANHAYD
01/19/2026

DOWLADA JABUUTI OO SHAQO KAQABTAY QABSATAY ARGAGISADII GOONI UGOOSADKANHAYD

DEG-DEG Xukuumadda Somalia oo Gogol wadatashi Fidisay.
01/19/2026

DEG-DEG Xukuumadda Somalia oo Gogol wadatashi Fidisay.

DIGNIINLAMA OGOLAA MAGAALDA MUGADIDHO IYO  NAWAAXIGEED
01/18/2026

DIGNIIN

LAMA OGOLAA MAGAALDA MUGADIDHO IYO NAWAAXIGEED

01/17/2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “LAASCAANOOD WAA MAGAALADII MIDNIMADA SOOMAALIYA,WAA ASTAANTII MIDNIMADA, WAA ASTAANTII SOOMAALI...
01/17/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “LAASCAANOOD WAA MAGAALADII MIDNIMADA SOOMAALIYA,WAA ASTAANTII MIDNIMADA, WAA ASTAANTII SOOMAALINIMADA"

Laascanood, Jannaayo 17, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

"Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin".

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU ADKEEYEY ODEYAASHA DHAQANKA WAQOOYI BARI XOOJINTA MIDNIMADA, NABADDA IYO DOWLAD-DHISKALaas...
01/16/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU ADKEEYEY ODEYAASHA DHAQANKA WAQOOYI BARI XOOJINTA MIDNIMADA, NABADDA IYO DOWLAD-DHISKA

Laascaanood, Jannaayo 16, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA LAASCAANOOD EE XARUNTA DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI...
01/16/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA LAASCAANOOD EE XARUNTA DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI

Laascaanood, Jannaayo 16, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

SOMALIA OO JOOJISAY HISHIIS WALBA OO LAGASHAY DOWLADA QADAR
01/12/2026

SOMALIA OO JOOJISAY HISHIIS WALBA OO LAGASHAY DOWLADA QADAR

SOMALYAY QLADAAN IIDOOR AQOONSIGAN BEENTA ARGAGIXISADA IGU ADEEGAYA SOMALADA KALE KU DULYSANAAYA HALAYSKA QABTO KUWA MUQ...
01/06/2026

SOMALYAY QLADAAN IIDOOR AQOONSIGAN BEENTA ARGAGIXISADA IGU ADEEGAYA SOMALADA KALE KU DULYSANAAYA HALAYSKA QABTO
KUWA MUQDISHO DAWARSANYA OO CEYTA KU QAADANAYA WAA INAY MOQIF CAD INUU DADKA KALA GOIKARIN AY LAYIMAADAAN HADIIKE AY DIIDAN LAXIRXIRO HARGAYSANA LOO DHIFIYO WAA QASAB

AAWAY DADKII HIRSHABELLE DEGA  BANAABAX MEELWALBA SOMALIDA KASMAYSA MISE XAMAR DAWARSANAYAAN IYAGA IYO MADAX ISKU SHEEGA...
12/31/2025

AAWAY DADKII HIRSHABELLE DEGA BANAABAX MEELWALBA SOMALIDA KASMAYSA
MISE XAMAR DAWARSANAYAAN IYAGA IYO MADAX ISKU SHEEGA TUUGADA IISBAARDA KALIYA TAQQN INAY DAKOODA U DHIGTAAN!!!!!!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep ...
12/30/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga arrinsanaya, xoojinta dadaalada diblomaasiyadeed ee ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal, iyaga oo qabandoona kulan Warbaahineed wadajir ah.

Shir jaraa’id ayay goordhow wadajir u qabanayaan labada Madaxweyne, iyagoo uga hadlaya xaaladaha guud ee Gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo kheyraadka dabiiciga ah.

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADLAY DADAALLADA DIBLUMAASIYADDEED EE DIFAACA MIDNIMADA IYO MADAX-BA...
12/29/2025

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KA WADA HADLAY DADAALLADA DIBLUMAASIYADDEED EE DIFAACA MIDNIMADA IYO MADAX-BANNAANIDA SOOMAALIYA

Jabuuti, Diseembar 29, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.

Address

3315 Gatewood Court
Columbus, OH

Telephone

+252617959504

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hirshabelletelevision posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hirshabelletelevision:

Share