31/12/2025
WAR-SAXAAFADEED RASMI AH
Somali Youth Development Organization (SYDO)
Kampala, Uganda
Taariikh: 31/ 12 / 2025
Ururka Somali Youth Development Organization (SYDO) waxa uu si adag oo cad u cambaaraynayaa hadalka iyo tallaabada maamulka Israa’iil ee la sheegay in ay ku aqoonsadeen gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Somaliland) inay yihiin dal gooni ah.
Ururka SYDO waxa uu arrintan u arkaa xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo si buuxda u waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee qeexaya in Soomaaliya ay tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo la aqoonsan yahay.
Waxaan si gaar ah u adkaynaynaa in cidna aysan xaq u lahayn inay faragelin ku sameyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana go’aanno noocaas ah ay sii hurinayaan khilaaf, kala qeybin, iyo xasilooni-darro ka dhalan karta Geeska Afrika.
Somali Youth Development Organization waxa uu:
Si buuxda u taageerayaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed
Ugu baaqayaa beesha caalamka inay ixtiraamaan qarannimada Soomaaliya
Ku boorinayaa dowladda Federaalka Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon si arrintan wax looga qabto
Dhalinyarada Soomaaliyeedna ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada, nabadda, iyo wadajirka qaranka
Ugu dambayn, ururka SYDO waxa uu mar kale xaqiijinayaa mowqifkiisa cad ee ah in Soomaaliya tahay hal dal, aan la kala goyn karin, isla markaana mustaqbalkeedu ku dhisan yahay wadajir, is-ixtiraam, iyo horumar waara.
Wabillaahi Towfiiq.