Tanade Youth Organization -TAYO

Tanade Youth Organization -TAYO Waa hoyga dhalinta tanade ee dalka Uganda

Ururka Jaaliyadda Tayo ee ku dhaqan Uganda waxay si sharaf iyo qadarin leh hambalyo iyo duco ugu dirayaan Ugaas C/raxmaa...
22/02/2026

Ururka Jaaliyadda Tayo ee ku dhaqan Uganda waxay si sharaf iyo qadarin leh hambalyo iyo duco ugu dirayaan Ugaas C/raxmaan Ugaas Maxamed, oo dhawaan si rasmi ah loogu caleema saaray demada galdogob

Caleema-saarka Ugaaska waa dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa midnimo, wadajir, iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto hoggaan ku dhisan hufnaan iyo caddaalad.

Waa maalin astaan u ah isbeddel togan iyo rajada mustaqbal ifaya oo ku saleysan talo-wadaag iyo is-ixtiraam.
Ururka Jaaliyadda Tayo waxay ku ammaanayaan Ugaaska dabeecaddiisa wanaagsan, xigmaddiisa, iyo doorkiisa ku aaddan mideynta bulshada iyo ilaalinta dhaqanka suuban. Waxaan hubnaa in hoggaankiisu noqon doono mid horseeda:

Ugu dambayn, Ururka Jaaliyadda Tayo waxay ku boorinayaan dhammaan bulshada inay ilaashadaan midnimada, xoojiyaan wadajirka, isla markaana ka shaqeeyaan horumar waara.

Guul, Gobannimo iyo Horumar.

— Ururka Jaaliyadda Tayo
Kampala, Uganda

HAMBALYO HAMBALYO QALIN JABIN – CABDIMAALIK XAASHI 🎓Ururka Jaaliyadda Tayo iyo dhammaan xubnaha golaha dhalinyarada waxa...
29/11/2025

HAMBALYO HAMBALYO QALIN JABIN – CABDIMAALIK XAASHI 🎓

Ururka Jaaliyadda Tayo iyo dhammaan xubnaha golaha dhalinyarada waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Cabdimaalik Xaashi, oo si guul leh uga qalin jabiyay jaamacadda.

Tani waa maalin farxad iyo sharaf leh, waana natiijo kasoo dhalatay dadaal, go’aan adag iyo halgan dheer oo uu u galay barashada cilmiga. Qalin jabintaadu waa mid dhiirigelin u ah dhalinyarada kale ee doonaya inay gaaraan heerar aqooneed oo sarreeya.

Ururku wuxuu kuu rajeynayaa mustaqbal ifaya, guul joogto ah iyo in aqoontaada iyo xirfaddaada aad ugu adeegto bulshada, dalka iyo horumarka guud ee nolosha.

Address

KisenyiRoad
Kampala

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tanade Youth Organization -TAYO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share