Puntland community in uganda

Puntland community  in uganda PAGE-KA RASMIGA AH EE JAALIYADA PUNTLAND EE UGANDA

Hambalyo 1-da Luulyo 🇸🇴Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Uganda, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadd...
30/06/2026

Hambalyo 1-da Luulyo 🇸🇴
Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Uganda, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Maalintani waa astaan muujinaysa halgankii geesiyaasha Soomaaliyeed, jacaylkii waddanka iyo himiladii lagu yagleelay qaran mideysan. Waa maalin ina xusuusinaysa in horumarka, nabadda iyo wadajirka ay yihiin tiirarka lagu dhisi karo Soomaaliya aynu wada higsanayno.

Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, is-ixtiraamka, wadajirka iyo ka shaqaynta nabadda, si aynu uga tagno jiilasha soo koraya dal ammaan ah, horumarsan oo sharaf leh.

XAFIISKA JAALIYADA PUNTLAND EE UGANDA.

CIID WANAAGSAN.Xafiiska jaaliyad puntland ee uganda.
26/05/2026

CIID WANAAGSAN.

Xafiiska jaaliyad puntland ee uganda.

WARSAXAFADEED.KAMPALA - UGANDA. Xafiiska Warfaafinta Jaaliyada puntland ee Uganda.
12/05/2026

WARSAXAFADEED.
KAMPALA - UGANDA.

Xafiiska Warfaafinta Jaaliyada puntland ee Uganda.

Digniin. Kampala- Uganda.Dhamaan bulsho weynta reer puntland ku dhaqan dalka uganda waxaan ku wergelinaynaa in ay ku dha...
14/01/2026

Digniin.
Kampala- Uganda.

Dhamaan bulsho weynta reer puntland ku dhaqan dalka uganda waxaan ku wergelinaynaa in ay ku dhaqmaan fariintan oo uga timi xafiiska jaaliyada puntland ee uganda.

Saad wada ogtihiin doorasho ayaa loo dareerin maalinka beri ah waxaana ku loolamaya labo xisbi oo waaweyn sidaa awgeed waxaanu si dabacsan idinka codsanayna inaydan ku dhex milmin doorashada .

Fadlan ka taxadara oo ha fududaysanina inaad magaalka aadan waxwalba baad la kulmi kartaa marka xaafadihiina ku jira.

Doorasho nabdoon 🇺🇬
Badqabkiinu waa noo muhiim .

Xafiiska Jaaliyada puntland ee Uganda.

 : Waxaa caasimada Uganda ee Kampala lagu soo afmeeray koobkii gobolada Puntland ee  ay soo agaasimtay jaaliyada puntlan...
06/01/2026

: Waxaa caasimada Uganda ee Kampala lagu soo afmeeray koobkii gobolada Puntland ee ay soo agaasimtay jaaliyada puntland ee ku dhaqan dalka uganda .

Jaaliyadu waxay waqti badan ku bixisay sidii ay bulshadeeda ku nool uganda ay dhanwalba iskaga xirnaan lahayd ayadoo masuuliyada koobka qaaday mudadii uu socday .

Dhamaadkii tartanka waxaa gaaray gobolka bari iyo gobolka nugaal halkaas oo ay guushu ku raacday gobolka bari oo noqday Champions.

Munaasbada tartanka lagusoo xiray waxaa ka qayb-gallay gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda , Xildhibaan gole deegan oo h**e , ganacsato, haween, xubnaha jaaliyada iyo dhamaan madaxda somaliyed oo dalka.

Ugu damayn jaaliyadu waxay u hambalyeyn kooxda gobolka bari oo la hoyday koobkii sidoo kalena waxay boogadin kooxda gobolka nugaal oo sogaray final.

Xafiiska warbaahinta jaaliyada puntland ee dalka uganda.

Sawiradii Furitaanka koobka goboladda puntland ee Jaaliyada Uganda🇺🇿Xafiiska war bahinta jaaliyada puntland uganda
10/12/2025

Sawiradii Furitaanka koobka goboladda puntland ee Jaaliyada Uganda🇺🇿

Xafiiska war bahinta jaaliyada puntland uganda

Taariikh: 08/December/2025Kambala - Uganda.Waxaa maanta laga baasay tartanka kubada cagta ee goboladda puntland dalka ug...
08/12/2025

Taariikh: 08/December/2025
Kambala - Uganda.

Waxaa maanta laga baasay tartanka kubada cagta ee goboladda puntland dalka uganda , oo ay soo agaasintay jaaliyadu , gaar ahaan guddiga qaban-qaabada, waxaana ciyaartoyda, taageerayaasha iyo dhammaan bulshada ku midoobey soo agaasimida tartanka gobollada Puntland ee dalka uganda u rajayn bilow iyo dhamaad quruxbadan.

Tartankan oo qayb ka ah horumarinta ciyaaraha, mideynta bulshada, kobcinta xirfadaha dhalinyarada, iyo xoojinta magaca iyo calanka Puntland ee dibadda, wuxuu muujinayaa dedaallada iyo wada-jirka jaaliyadda reer Puntland ee Uganda.

Gudoomiyaha jaaliyada Puntland mudane mohamoud Gurxan wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa sida heer sare ah ee loo diyaariyey tartanka, isla markaana wuxuu rajeynayaa in uu noqdo mid dhiirrigeliya kobaca ciyaaraha iyo wadajirka bulshada Puntland meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

Waxaan mar kale amaaneyna madaxda Jaaliyadda iyo guud ahaan bulshada Puntland ee Uganda sida ay had iyo jeer uga qeyb qaataan taageerida horumarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland.

Dhamaad.

Xafiiska war baahinta jaaliyada puntland ee Uganda.

Tariikh 7/12/2025 Gudoomiye mudane mohamoud Gurxan oo mudadii dame ku sugnaa dalka ayaa ka qayb galay madal xariga lagag...
07/12/2025

Tariikh 7/12/2025 Gudoomiye mudane mohamoud Gurxan oo mudadii dame ku sugnaa dalka ayaa ka qayb galay madal xariga lagaga jarayey xaafada cusub (Nugaal hills) ee caasimada Garowe, horumar balaaran oo kasocda dalka gaar ahaan caasimada puntland ee garowe iyadoo ladoonayo in lala jaan qaado dunida casriga hadana nugaal hills waxay u dhisan tahay sidaa state yada kuyaal dalalka horumaray.

Gudoomiayaha ayaa waraysi uu bixshay ku yiri “Mudadkii aan dalka ka maqnaa waxaan ka makhranti ahay in puntland horumar weyn iyo isbedel ka socdo dhanka kalena nabada laga shaqaynayo ayadoo dagaal adag lala galay kuwii naftooda nacay(daacish) hadana k**a hor istaagin in horumarku sii socdo”

Sido kale gudoomiyuhu wuxu fariin udiray bulshada iyo jaaliyadaha dibada uguna baaqay inay dib wadanka ugu laabtan una maalgashtaan hantida keliya ee qofku ku faano waatan aad wadankaga ku leedahay .

Xafiiska war baahinta jaaliyada puntland ee dalka uganda.

28/11/2025

Muqaalkii :
Waxaa magaalada garowe ee caasimada puntland si mug iyo miisan leh looguso dhoweyey gudoomiye gurxan.

Xafiiska jaaliyada puntland.

Address

Kampala

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland community in uganda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share