Maakhir Students and Community In Uganda.

Maakhir Students and Community In Uganda. Ururka jaaliyada iyo ardeyda makhir wuxuu kashaqeeya midnamada wada jirka dhamaan makhir ,ururku Wuxi

GUDOONKA ARDAYDA IYO JAALIYADA MAAKHIR EE WADANKA UGANDA UDOORTAY HOGAAN CUSUB.Isniin 02/20/2025 ururka ardaydayda iyo  ...
20/01/2025

GUDOONKA ARDAYDA IYO JAALIYADA MAAKHIR EE WADANKA UGANDA UDOORTAY HOGAAN CUSUB.

Isniin 02/20/2025 ururka ardaydayda iyo jaaliyda maakhir Uganda wuxuu doortay hogaamiye cusub kasoo ururka hogaamin doona sanadka soo socda kadib markay dhamaatay muda xileedkii gudoonkii h**e wuxuuna gudoomiye udoortay ururku Saalax Muuse Saalax oo noqday gudoomiyihii 16aad ee ururka Ardayda iyo Jaaliyada maakhir Uganda .

Ururka Ardayda iyo jaaliyada maakhir ee wadanka Uganda ayaa kamida ururada ugu waqtiga dheer wadanka Uganda ee somalida kasoo sanadkiiba mar qabta doorasho hufnaan iyo masuuliyad kudheehantahay.

Ururku wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa hogaamiyaha cusub ee maakhir Uganda mudane Saalax Muuse Saalax hogaamiyihii h**e ee ururka mudane ismail Abdi Ali ayaa kula dardaarmay hogaamiyaha cusub ee ururka inuu wadajirka,midnimada iyo isuhaynta jaaliyda kudadaalo halkaasna kasii anbaqaado hawshii dhereyd ee qori isudhiibka ahayd ee soo socotay mudadadii 16sano ahayd una balan qaaday inay lashaqayn donaan hogaamiyaha cusub iyo tiimkiisa.

Hambalyo ......hambalyo ....hambalyo
Mudane gudoomiye Saalax Muuse Saalax

......wabilaaahi towfiiq...........

BANDHIGA DHIGANAHA DHIMRIYE EE CAASUMADA KAMPALA EE WADANKA UGANDA.          .......................................    ...
12/01/2025

BANDHIGA DHIGANAHA DHIMRIYE EE CAASUMADA KAMPALA EE WADANKA UGANDA.
.......................................
........................................

waxaa caasumada kampala lagusoo bandhigay dhigamaha dhimriye oo ay qortay bahjo omar (geeldoon) oo kamida jaaliyada maakhir ee wadanka Uganda.

Bahjo waxay kamidtahay xubnaha fir fircoon ee jaaliyada bandhiga buuga wuxuu ahaa mid heerkiisu sareeyo waxaana door weyn kulahayd hogaanka jaaliyada maakhir soo bandhigada buuga dhimriye.

Waxaa kasoo qayb galay bandhiga buuga dhimriye madaxa kala duwan oo uu ugu h**eeyo gudoomiyaha jaaliyada maakhir ee wadanka Uganda mudane Ismail abdi ali sidoo kale madaxda jaaliyadaha kala duwan ee wadanka Uganda gudoomiyaasha jaamacadaha iyo urururada kale oo kadhisan magaalada kampala.

Ka jaaliyad ahaan waxay notahay farxad gaara in xubno firfircoon oo bahda qoroyaasha ah ay nosoo baxeen waxaan bogaadinayna bahjo oo kudhiiratay una dhabar adaygtay qoraalka buuga cajiibka ah ee dhimriye halkaa kasii wad h**ey usoco ayaan leenahay .

.......wabilaahi towfiiq.........

Congratulations congratulations                 ....................                 .....................Ururka ardayda...
25/11/2024

Congratulations congratulations
....................
.....................

Ururka ardayda reer maakhir iyo jaaliyada Uganda wuxuu hambalyo, bogaadin, iyo duco udirayaa qalinjebiyaasha reer maakhir ee jamacada Kampala International University kuwaasoo kaqalin jebiyay heerka 1aad iyo midka 2aad ee jamacada iyagoo kala ah:
1:Abdikarem Ahmed(cirguje)
2:Ahmed Farhan(deeq)
3:Mahamed Awil (dhilood)
4:Abdirisaq muhamoud

Waxaanu urajaynayna mustaqbal wanaagsan waxay ahayeen arday dadaal badan kana dhex muuqda jaaliyada maakhir iyo tan somaaliyeedba waku kalsoonahay horumarkood iyo mustaqbalkooda ahaan doono mid sareeya.

Halkaa kasii wada hal adeygi iyo juhdigiii ad meesha kusoo garteen cilmigiinana noqoy mid intifaac uleh dalka iyo dadka somaaliyeed.

..........wabilaahi towfiiq...........

NABAD GELIYO AKHYAAR KAMIDA GUURTIDII JAALIYADA MAAKHIR EE WADANKA UGANDA.Ururka ardayda iyo jaaliyada maakhir ee Uganda...
29/10/2024

NABAD GELIYO AKHYAAR KAMIDA GUURTIDII JAALIYADA MAAKHIR EE WADANKA UGANDA.

Ururka ardayda iyo jaaliyada maakhir ee Uganda waxay duco iyo bogaadin udirayaan 2haldoor mudo dheerna ahaa xubno muhiima iyo hormuudka jaaliyada Caaqil ahmed saciid ciroowe iyo Abwaan asad ali jaamac oo maanta usocdaalay dalka Canada.

Runtii waxay ahayeen hormuudka iyo odoyashii jaaliyada mudo dheer la'aantood aysan waxbadan qabsomeen.

Alle haydin nabad yeelo waxan hubnaa oo kukalsonahay meesha tagtaanba in samayntiina muuqan doonto Nabad geliyo safar salaama.

....Wabilaahi towfiiq.......

Congratulation......CongratulationHAMBALYO IYO BOGAAADIN.Ururka ardayda iyo jaaliyada maakhir ee wadanka Uganda wuxuu ha...
09/09/2024

Congratulation......Congratulation

HAMBALYO IYO BOGAAADIN.

Ururka ardayda iyo jaaliyada maakhir ee wadanka Uganda wuxuu hambalyo, bogaadin iyo duco udirayaa Ahmed maxamad(British) oo kaqalin badashay jaamacada Ifriiqiya(Africa) ee wadanka Sudaan.

Ahmed runtii wuxuu kamidyahau dhalin yarada haldoorka reer maakhir ee wadanka Uganda waa wariye gaarka ee safaarada somaalida ee wadanka Uganda isago arday ah ayuu hadana kamid ahaa hormuudka jaaliyada maakhir iyo tan somaaliyeed.

Dhamaan anagoo isku duuban waxaan leenahay waxa gaadhay qayb kamida himilooyinkagii halkaa kawad dadaalka iyo juhdiga allena hakula garab galo hambalyo.
.......................wabilaahi towfiiq............

Congratulation .......Congratulation......Congratulation.Waxaan farxada qalin jebinta lawadagayna walaal Bahjo Omar Ahme...
08/08/2024

Congratulation .......Congratulation......Congratulation.

Waxaan farxada qalin jebinta lawadagayna walaal Bahjo Omar Ahmed oo maanta soo afmeertay waxbarashada heerka kowaad ee jaamacada Canvendish University ee wadanka Uganda.

Hambalyo gudoomiso bahjo cilmigagana mid intifaacleh eebe weyne haka dhigo kii dalkii iyo dadka kubaraaro noqoy h**ey usoco guul bilowgeed ayaa joogtaa halkaa kasii wad dadaalkii iyo juhdigii.
..................wabilaahi towfiiq..............

SAFAR SALAAMA DR ABDIFATAX FANGASE.Waxaa sagootin jaaliyada maakhir iyo waxgarad aqoon yahan kale ee somaaliyeed usameey...
04/08/2024

SAFAR SALAAMA DR ABDIFATAX FANGASE.

Waxaa sagootin jaaliyada maakhir iyo waxgarad aqoon yahan kale ee somaaliyeed usameeyen Dr fansage oo dalkii hooyo ukicitimay.

Runtii abdifataax fangase wuxu ahaa xubin firfircoon jaaliyadana boos weyn ugu jirin sanadadii lasoo dhaafay.

Waxaan urajayn safar khayr qaba waxaana Alle uga baryin mustaqbal ifaaya wahubnaa waana ku kalsoonahay inu dadkii iyo dalkiina wax badan kucelin doono.
.....................wabilaahi towfiiq...........

04/06/2024

Maakhirnimo🇧🇸

XAFLADA UDABAAL DEGIDA SANAD GUURADII 17AAD EE ASAASKA CALLANKA REER MAAKHIR .Waxay ahayd madal laysku arkay oo qurxoon ...
04/06/2024

XAFLADA UDABAAL DEGIDA SANAD GUURADII 17AAD EE ASAASKA CALLANKA REER MAAKHIR .

Waxay ahayd madal laysku arkay oo qurxoon kanaso qayb galeen inta badan jaaliyada reer maakhir ee wadanka Uganda sidookale marti sharaf kale ayaa qayb ka ahayd sida gudoomiyaha jaaliyada somaliyeed ee wadanka uganda mudane sayid ahmed iyo gudoomiyaal jaaliyadeed gudoomiyal jaamacadeed iyo ururada kala duwan ee kajira wadanka.

Munaasabad kooban oo ujeedkedana ahaa shaacinta xaflada 26may ee dalka Uganda aya shalay galab kaqabsoontay dalka Uganda...
26/05/2024

Munaasabad kooban oo ujeedkedana ahaa shaacinta xaflada 26may ee dalka Uganda aya shalay galab kaqabsoontay dalka Uganda

Balanteena wa 2june goobtuna waa Thobani centre kampla road hambalyo dhamaan reer maakhir nabad iyo caafimad kudabaal dega🇧🇸

CONGRATULATIONS CONGRATULATIONS              -------------------‐-------‐-----               ---------------------------...
25/04/2024

CONGRATULATIONS CONGRATULATIONS
-------------------‐-------‐-----
---------------------------------

URURKA ARDAYDA IYO JAALIYADA MAAKHIR EE DALKA UGANDA
..................................
25/April/2024 ururka ardayda iyo jaaliyada maakhir ee dalka Uganda wuxu hambalyo iyo bogaadin udirayaa dhamaan ardayda reer maakhir ee qalin kaqalanbedeshay jaamaca Kampala University (KU) qalin bedelayaasha oo kala ah
1:Subayr Mahamoud Ismail (subayr shiine) gudoomiyaha ardayda somaaliyed ee Uganda
2:Ali mahamoud diriye
3:Sugule farhan sudi
4:Barkhad Said Abdirihman
5:Ismail Mahamed hajji
6:Abdirihman Abshir Abdhilaahi
7:Hamdi Ali Jama
8:Hamdi Rage Liban

Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee ururka waxay farxada laqaybsanayaan qalin jabiyaasha oo bixiyay juhdi hal adayg sidii ay uga dhabayn lahayeen riyooyinkoda waxayna urajayn mustaqbal ifaaya dhamantood waxayna kuboorinayaan inay bartaa kasii wadaa halganka iyo hal adayga guusha uhorseeday.

.........Guulaysta marwalba...

Wabilaaahi towfiiq............

23/04/2024

MAALINTA CALANKA 26MAY🇧🇸

Jaaliyada reer maakhir ee uganda waxay diyaar garow qaban-qaabo weyn ugu jirtaa siday udhigi lahayd mid kamida xafladaha ugu qurxoon uguna balaaran oo loogu dabaal degi lahaa maalinta qaran
Dhamaan reer maakhir nabad iyo cafimad kudabaal dega.

Address

Ggaba Road
Kampala

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00

Telephone

+256775182236

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maakhir Students and Community In Uganda. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maakhir Students and Community In Uganda.:

Share