09/06/2026
WAR-SAXAAFADEED
Beesha Karanle ee Dalka Uganda, wuxuu si adag u cambaareynayaa tallaabada lagu hor istaagay garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Omar Abdulkadir Artan, kaas oo laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami isaga oo haystay fiise sax ah isla markaana loo xulay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka 2026. Sida ay wararku sheegayaan, Artan ayaa loo diiday gelitaanka Mareykanka inkastoo uu ka mid ahaa garsoorayaasha FIFA u magacawday tartanka.
Beesha karanle wuxuu aaminsan yahay in Omar Artan uu yahay astaan qaran oo matalaysa Soomaaliya, Afrika iyo guud ahaan garsoorka kubadda cagta. Guulihiisa iyo magacaabistiisa Koobka Adduunka waxay ahayd taariikh cusub oo Soomaaliya u qormeysa, maadaama uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee loo xulo tartankan weyn.
Waxaan u aragnaa dhacdadan mid dhaawacaysa qiyamka sinnaanta, cadaaladda iyo fursadda siman oo ay kubadda cagtu ku dhisan tahay. Beesha karanle wuxuu garab istaag buuxa u muujinayaa Omar Artan, waxaana ugu baaqeynaa FIFA iyo hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u xalliyaan arrintan si uu u helo xuquuqdiisa shaqo iyo ka qeybgalka Koobka Adduunka.
Ugu dambeyn, Beesha karanle wuxuu ku faanayaa guulaha iyo horumarka ay gaareen bahda garsoorka Soomaaliyeed, waxaana adkeyneynaa in kartida, dadaalka iyo hufnaanta Omar Artan aysan marnaba istaagi doonin.
“Waxaan garab taaganahay Omar Artan.”
08 Juun 2026
Kampala , Uganda 🇺🇬🇸🇴