14/07/2026
🎓 Xafladda Qalin-jabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara 2025–2026 🇸🇴🇹🇷
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara (ASSA) waxa uu si sharaf iyo habsami leh u qabtay Xafladda Qalin-jabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusay ardaydii Soomaaliyeed ee sannadkan ka qalin-jabisay jaamacadaha kala duwan ee magaalada Ankara.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara oo ugu h**eeyo Safiir Ku-xigeeka Amb Ismail Ibrahim Aden, U qeybsanaha Waxbarashada Marwo Asha Mohamed Mohamud, Gudoomiye Ku xigeenka h**e ee Baarlaamanka Xildhibaano Mahad Awad, Gudoomiyaha UMASET Mr. Alasow, Culimada oo ugu h**eeyo Sheikh Mohamed Idris, Waalidiin, aqoonyahanno, marti sharaf kala duwan, iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Türkiye.
Xafladdu waxay isugu jirtey madal lagu maamuusay dadaalka, adkaysiga iyo guusha ay gaareen ardayda Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigeliyay inay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda uga faa'iideeyaan horumarka iyo dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara (ASSA) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan qalin-jabiyeyaasha, isagoo u rajeynaya mustaqbal ifaya, guulo waaweyn iyo inay noqdaan hoggaamiyeyaal iyo aqoonyahanno door muuqda ka qaata horumarka dalkooda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, ASSA waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaysaa dhammaan hay'adihii, marti-sharaftii, mutadawiciintii, guddiyadii qabanqaabada iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay guusha munaasabaddan. Guusha xafladdani waa mid ay wada leeyihiin dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee Ankara.
🎓 Hambalyo Qalin-jabiyeyaasha 2025–2026! Waxbarashadu waa iftiinka mustaqbalka, aqoontuna waa aas-aaska horumarka ummadaha.
🇸🇴🎓🇹🇷