13/05/2026
Jaamacadda Ankara Yıldırım Bayazıt Üniversitesi ayaa qabatay Usbuuca Dhaqanka (Cultural Week), kaas oo ay si firfircoon uga qayb qaateen ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Ankara. Ardayda Soomaaliyeed ayaa si heer sare ah ugu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo soo bandhigay cuntooyin dhaqameed, dhar hiddeyeedyo iyo ciyaaraha dhaqanka gaar ahaan dhaantada, taas oo soo jiidatay dareenka ka qaybgalayaasha munaasabadda.
Ka qaybgalka ardayda Soomaaliyeed wuxuu muujiyay midnimo, wadajir iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqankooda iyo asalkooda. Munaasabadda ayaa ahayd mid ay ka muuqatay farxad, isdhexgal bulsho iyo soo dhaweyn wanaagsan, iyadoo dhaqanka Soomaaliyeed loo soo bandhigay si qurux badan oo sharaf leh bulshada caalamiga ah ee jaamacadda.
Sidoo kale, usbuuca dhaqanka wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayay isbarashada dhaqamada kala duwan iyo kobcinta xiriirka ka dhexeeya ardayda caalamiga ah. Ardayda Soomaaliyeed ayaa door muuqda ka qaatay bandhigyada iyo aktivitiyada kala duwan ee munaasabadda, taas oo muujisay firfircoonidooda, kartidooda iyo kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan bulshada ardayda ee Turkiga.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid si weyn loo bogaadiyay, waxaana ay noqotay xasuus iyo waayo-aragnimo qiimo leh oo ka tarjumaysa hodantinimada dhaqanka Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay in dhaqanka la ilaaliyo lana gaarsiiyo bulshooyinka kale ee caalamka.