Iftiin Organization

Iftiin Organization IFTIIN ORGANISATION waa urur dhalin yaro ah kana shaqeeya ilaalinta iyo hormarinta deeganka.

📍 Xidda | 7 July 2026Wajigii 4-aad ee Dhiraynta Magaalada Xidda 🌱Iftiin Organization waxay si guul leh u hirgelisay waji...
06/07/2026

📍 Xidda | 7 July 2026

Wajigii 4-aad ee Dhiraynta Magaalada Xidda 🌱

Iftiin Organization waxay si guul leh u hirgelisay wajigii 4-aad ee mashruuca dhiraynta magaalada Xidda.

Waxaan dhirayn ku samaynay goobo cusub oo ku teedsan laamiga weyn ee magaalada Xidda, iyadoo ujeeddadu tahay in la sii xoojiyo bilicda magaalada, korna loo qaado ilaalinta deegaanka.

Alxamdulillaah, waxaan ku guulaysanay in la dhamaystiro dhammaan goobihii qorshuhu ku jiray, taasoo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee Iftiin Organization ay ugu jirto horumarinta deegaanka iyo qurxinta magaalada.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan bulshada, dhallinyarada iskaa wax u qabso ah iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan.

🌱 “Geed kasta oo la beeraa waa hanti loo reebayo jiilasha soo socda.”

📍 XIDDA | 03 July 2026Iftiin Organization waxay maanta fulisay hawl iskaa wax u qabso ah oo lagu dayactirayo godadka ka ...
03/07/2026

📍 XIDDA | 03 July 2026

Iftiin Organization waxay maanta fulisay hawl iskaa wax u qabso ah oo lagu dayactirayo godadka ka samaysmay laamiga dhex mara magaalada Xidda, kuwaas oo ka dhashay roobabkii da’ay.

Godadkaas ayaa sababay burbur soo gaaray laamiga, waxaana sidoo kale ka dhashay dhaawacyo iyo dhibaatooyin soo gaaray bulshada isticmaasha waddada, gaar ahaan xilliyada habeenkii oo ay adkaato in la arko.

Si loo yareeyo khatartaas, xubnaha Iftiin Organization waxay ku sameeyeen dhagax-tuur godadka biyuhu ka qodeen laamiga, si gaadiidka iyo dadka lugaynaya ay ugu gudbaan si ammaan badan ilaa laga helayo dayactir rasmi ah.

Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha iyo dowladda ay khusayso inay si degdeg ah u dayactiraan laamigan muhiimka u ah isku socodka bulshada.

Address

Xidda

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iftiin Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Iftiin Organization:

Shortcuts

Share