Dugsiga Mujamac Yaaqshiid

Dugsiga Mujamac Yaaqshiid التربية قبل التعليم

14/09/2026

HIGHLGHTS VEDIO OF MUJAMAC YAQSHIID

12/09/2026

Ardayda Dugsiga Mujamac Yaqshiid ayaa loo qabtay Challenge xiiso leh oo loogu talagalay dhiirrigelinta kartidooda, hal-abuurkooda iyo wada shaqayntooda.

Challenge-kan wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku muujiyaan aqoontooda, kartidooda iyo isku-kalsoonaantooda, iyagoo ka qaybqaadanaya tartan waxbarasho iyo madadaalo isku dhafan.

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَMaamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda Dugsiga Mujamac Yaqshiid ...
05/09/2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda Dugsiga Mujamac Yaqshiid waxay si murugo iyo tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaan geerida ku timid Hooyo Xaliimo Mohamed Cali, oo ahayd hooyo ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiga

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynaynaa qoyskeeda, ehelkeeda, asxaabteeda iyo dhammaan inta ay ka geeriyootay.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa in uu u naxariisto, dambigeedana dhaafo, qabrigeedana u waasiciyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.

Qoyskeeda iyo ehelkeedana Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan. 🤲🏽

Allaha u naxariisto Hooyo Xaliimo Mohamed Cali.

31/08/2026

Dugsiga Mujamac Yaqshid wuxuu si gaar ah u xoojinayaa horumarinta aqoonta, akhlaaqda iyo kartida ardayda, si ay u noqdaan jiil aqoon leh oo awood u leh inay mustaqbalka wax weyn ku soo kordhiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Ardaydu waxay si joogto ah uga qaybqaataan casharrada, hawlaha waxbarashada iyo barnaamijyada kala duwan ee dugsiga, taas oo ka caawinaysa inay kobciyaan fahamkooda, kalsoonidooda iyo xirfadahooda.

Bahda Dugsiga Mujamac YaaqshiidBahda Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si heer sare ah u xuseen dhalashada Nabi Muxammad ﷺ...
25/08/2026

Bahda Dugsiga Mujamac Yaaqshiid
Bahda Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si heer sare ah u xuseen dhalashada Nabi Muxammad ﷺ, munaasabad xambaarsan xusuus, wacdi, wacyigelin iyo jacaylka Rasuulkeenna suuban.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Qur’aan akhris, muxaadarooyin, salawaat, gabayo iyo suugaan lagu ammaanayo Rasuulka ﷺ, iyadoo sidoo kale laga hadlay akhlaaqdiisii wanaagsanayd, naxariistiisii, dulqaadkiisii iyo sida uu ummadda ugu horseeday jidka hanuunka iyo kheyrka.

Ardayda iyo bahda dugsiga ayaa si qurux badan uga qayb qaatay munaasabadda, iyagoo muujiyay aqoon, edeb iyo dadaal ku dayasho mudan. Munaasabaddan waxay ahayd fursad lagu xasuusto noloshii iyo waxqabadkii Rasuulkeenna suuban ﷺ, laguna dhiirrigeliyo jiilka cusub inay ku daydaan akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sunnadiisa.

Bahda Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay uga mahadcelinayaan dhammaan macallimiinta, ardayda, maamulka iyo martidii ka soo qayb gashay munaasabadda, dadaalkii iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinteeda.

Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwa si dhab ah u jecel Rasuulkeenna Muxammad ﷺ, ku dayda akhlaaqdiisa, raaca sunnadiisa, kuna dadaala wanaagga iyo cilmiga.

اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد ﷺ

Waxaa manta si rasmi ah ufurmay sanad-dugsiyedka cusub ee 2026/2027
22/08/2026

Waxaa manta si rasmi ah ufurmay
sanad-dugsiyedka cusub ee 2026/2027

Waxyaaba Kareeban ardayda Dugsiga
22/08/2026

Waxyaaba Kareeban ardayda Dugsiga

1-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN  FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID  Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diyaa...
21/08/2026

1-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID
Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diyaar-garoobayaan furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ee 2026/2027

2MAALMOOD OO KALIYA AYAA KA DHIMAN  FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID  Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diya...
20/08/2026

2MAALMOOD OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID
Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diyaar-garoobayaan furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ee 2026/2027.

3 MAALMOOD OO KALIYA AYAA KA DHIMAN  FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID  Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diy...
19/08/2026

3 MAALMOOD OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA MUJAMAC YAQSHID
Dugsiga Mujamac Yaaqshiid waxay si weyn ugu diyaar-garoobayaan furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ee 2026/2027.

Address

Jidka 30-Ka, Agagaarka Masjidka Sheekh Xasan Cadde Ama Laanta Juungal
Mogadishu
BN+252

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:30
Tuesday 07:00 - 17:30
Wednesday 07:00 - 17:30
Thursday 13:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:30
Sunday 07:00 - 17:30

Telephone

+252614799904

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dugsiga Mujamac Yaaqshiid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dugsiga Mujamac Yaaqshiid:

Share