18/02/2026
---TARTANKA QUR’AANKA KARIIMKA EE DEGMADA MANDHEERA---.
Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaah SWT oo inoo suurageliyey qabashada tartankan barakaysan ee lagu maamuusayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.
Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Degmada Mandheera waa munaasabad qiimo weyn u leh bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, maadaama uu kobcinayo akhrinta, xifdinta, iyo fahamka Kitaabka Alle. Waa barnaamij lagu dhiirrigelinayo jiil ku barbaara jacaylka diinta iyo anshaxa suuban.
Sanadkii h**e, tartanku wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, kana muuqday dadaal, wada shaqayn iyo taageero bulsho. Waxaa si gaar ah loo bogaadinayaa ka qaybgalayaashii ku tartamay si hufan, waalidiintii iyo macallimiintii soo barbaariyey, iyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay hirgelinta tartanka. Guushaas waxay noqotay mid dhiirigelin u ah in sanadkan laga sii hormariyo.
Sanadkan, waxaan ku hamminaynaa tartan ka ballaaran, ka nidaamsan, kana tayo sarreeya kii h**e. Waxaan rabnaa in dhalinyaro badan oo xifdisan Qur’aanka Kariimka ay helaan fursad ay hibadooda ku muujiyaan. Waa waajib iyo sharaf in aynu sii wadno dhaqankan kheyrka ah oo kor u qaadaya qiimaha diinta iyo aqoonta.
Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa:
Ganacsatada; inaad door muuqda ka qaadataan maalgelinta iyo dhiirrigelinta tartanka. Maalgelintiinnu waa maalgashi aakhiro iyo mid bulsho.
Siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta; inaad taageertaan barnaamij kasta oo kor u qaadaya diinta iyo akhlaaqda bulshada.
Dadka khayrka jecel; inaad gacanta ku siiyaan wax kasta oo aad awooddaan, si tartanku u noqdo mid guul iyo barako ku dhammaada.
Qur’aanku waa iftiinka nolosha, hagaha jidka toosan, iyo badbaadada aakhiro. Ka qaybqaadashada tartankan waa sharaf, waa ajar, waana dhaxal suuban oo lagu reebo bulshada.
*Aan wadajir u dhiirrigelino xifdinta Kitaabka Alle, una dhisno jiil ku barbaara Qur’aan iyo akhlaaq suuban*
Allaah ha inaga aqbalo dadaalka, hana ka dhigo mid miro dhal ah. Aamiin.
Mandhera Youth Development Organization-MYDO