Makane Officail Page

Directions Website Contact the organization

Makane Officail Page Sooyaalkeena Dhaqan Dhaqaale waa waxsoosaarka Beeraha iyo Farsamsada. Hiiraan Waa Hoygeenii Martita BELEDWEYN IYO BAARTA HIIRAAN WAA BALADKEYGII.

TACSI.إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونAllaha u naxariisto walaalkeen Cismaan Yuusuf Xasan  ( Cisman Bullo ),  o...
10/09/2026

TACSI.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون

Allaha u naxariisto walaalkeen Cismaan Yuusuf Xasan ( Cisman Bullo ), oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.
Cismaan Bullo oo ka mid ahaa fanaaniintii hobalada waaberi ayaa muddo dheer ku noolaa dalkan Mareykanka.
Toddobaadkii h**e ayey aheyd markii uu soo dhigey bartiisa facebook in uu u safrayo dalkii.

Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyo, ehel, qaraabo iyo fanaaniinta Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

07/08/2026

Waan soo dhaweyneynaa in si xilkasnima ah lagu dhameeyey isfahamwaagii mudada soo jiitamaayey, walaalo loo kala sheeekeyey ee aan wax hubsan uun beey aheyd, hadana waa lasoo afmeeray, insha Allah guul ayaa idin rajeyneynaa.

07/08/2026

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah Abwaanada Hobolada qaranka ee Waaberi oo maanta hadiyad qiimo badan guddonsiiyey
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud taas uu ku muteystay wasiirka waxqabadkiisa wasaaradda oo qeyb ka ah Hidaha iyo Dhaqanka.

12/06/2026

Duubabka dhaqanka somaaliyeed oo soo gaaray Caasimada Hirshabelle ee Jowhar

11/06/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS Mudane Cabdifataax Qaasin ayaa ka warbixiyey safarkiisa Caasimada hirshabelle uu ku wehliyo Madaxweynaha Qaranka.

Heshiiska Ayaa Ka Wanaagsan Colaada.Mar kasta oo aad lumiso qof waxaad weyday dad badan oo u dhawaa shaqsigaas aad tuurt...
06/06/2026

Heshiiska Ayaa Ka Wanaagsan Colaada.

Mar kasta oo aad lumiso qof waxaad weyday dad badan oo u dhawaa shaqsigaas aad tuurtey, ruux walba waxa uu leeyahay taageerayaal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin kuwaas oo la safanaya marka ay timaado colaad.
Sidaa darteed ma aha ceeb in aad wada hadal la gasho cid walba oo aad wax kala tirsataan.
Waxaana haboon in aad mar walba maanka ku hayso in heshiiska iyo is af garadku ay abuuraan kalsooni iyo horumar dhinaca siyaasada ah.

Siyaasiga wanaagsan waa midka xaliya khilaaf kasta oo kala dhaxeeya kuwa ay iska soo horjeedaan halkii uu dooran lahaa colaad iyo iska hor imaad joogta ah.
Ogoow, heshiisku ma aha fuleynimo, diciifnimo iyo doqonimo midna balse waa astaan muujineysa biseyl siyaasadeed iyo aragti fog oo musuuliyad ku dhisan.

Tani waxay si toos ah u khuseysa dadka jecel in ay ka mid noqdaan siyaasiyiinta mustaqbalka damacu uga jiro in ay u tartamaan golayaasha fedaralka iyo kuwa maamul gobaleedyada gaar ahaan xubnaha baarlamanka labadaas gole ee kala heerka ah.

Qof kasta oo raba in uu wax ku noqdo cod uu ka helo bulshada ayaa looga baahanyahay jajabnaan iyo kasbasho uu ku soo jiito shacabka si uu uga helo taageero buuxda oo la isku haleyn karo , taas oo siin karta codkooda.

Kalmad qadaf ah oo aad geysato ayaad ku weyn kartaa dad badan halka eray wanaagsan oo lagaa wariyo aad ku soo jiidan karto shacab dhan, waayo nolosha bulshada waxaa saldhig u ah, heshiis is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaansho.

W.Q. Mohamed Farah Duurgal.

02/06/2026

Kulan lagu taageeraayey Musharax Maxamed Cabdi Ibrahim Ciid ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne.

26/05/2026

Shirweynaha Qawmiyada Beelaha Jareer Weyne waxgaradkii ka hadley waxaa ka mid ahaa Musharax Maxamed Cabdi Ibraahin oo qudbad qiimo leh oo ku saabsan midnimada iyo wada jirka halkaa ka jeediyey.

26/05/2026

War saxaafadeedka maanta kasoo baxay shirweynihii aaya katashuga iyo Horumarka dhaqanka beelaha qowmiyada Jareer-weyne.

Shirweynaha aaya ka tashiga iyo horumarka dhaqanka  Beelaha Jareer Weyne.
25/05/2026

Shirweynaha aaya ka tashiga iyo horumarka dhaqanka Beelaha Jareer Weyne.

Address

Muqdisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Makane Officail Page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Makane Officail Page:

Shortcuts

Share