06/06/2026
Heshiiska Ayaa Ka Wanaagsan Colaada.
Mar kasta oo aad lumiso qof waxaad weyday dad badan oo u dhawaa shaqsigaas aad tuurtey, ruux walba waxa uu leeyahay taageerayaal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin kuwaas oo la safanaya marka ay timaado colaad.
Sidaa darteed ma aha ceeb in aad wada hadal la gasho cid walba oo aad wax kala tirsataan.
Waxaana haboon in aad mar walba maanka ku hayso in heshiiska iyo is af garadku ay abuuraan kalsooni iyo horumar dhinaca siyaasada ah.
Siyaasiga wanaagsan waa midka xaliya khilaaf kasta oo kala dhaxeeya kuwa ay iska soo horjeedaan halkii uu dooran lahaa colaad iyo iska hor imaad joogta ah.
Ogoow, heshiisku ma aha fuleynimo, diciifnimo iyo doqonimo midna balse waa astaan muujineysa biseyl siyaasadeed iyo aragti fog oo musuuliyad ku dhisan.
Tani waxay si toos ah u khuseysa dadka jecel in ay ka mid noqdaan siyaasiyiinta mustaqbalka damacu uga jiro in ay u tartamaan golayaasha fedaralka iyo kuwa maamul gobaleedyada gaar ahaan xubnaha baarlamanka labadaas gole ee kala heerka ah.
Qof kasta oo raba in uu wax ku noqdo cod uu ka helo bulshada ayaa looga baahanyahay jajabnaan iyo kasbasho uu ku soo jiito shacabka si uu uga helo taageero buuxda oo la isku haleyn karo , taas oo siin karta codkooda.
Kalmad qadaf ah oo aad geysato ayaad ku weyn kartaa dad badan halka eray wanaagsan oo lagaa wariyo aad ku soo jiidan karto shacab dhan, waayo nolosha bulshada waxaa saldhig u ah, heshiis is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaansho.
W.Q. Mohamed Farah Duurgal.