20/01/2026
DHALINYARADA BEESHA BAHABGAAL
WAR-SAXAAFADEED RASMI AH
Taariikh: 19/1/2026
Goobta: Muqdisho
Anagoo ku hadleyna Hogaanka magaca Dhalinyarada Beesha Bahabgaal, waxaan si rasmi ah u ogeysiineynaa dhamaan Dhalinyarada iyo Waxgaradka Bahabgaal, in maalinta Isniinta ah ee 19-ka Janaayo 2026 uu si guul leh u qabsoomay kulan nabadeed iyo dhexdhexaadin oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga Qilaafaadka Beesha Bahabgaal. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xalinta Kala aragti duwanaasho soo kala dhexgalay Dhalinyarada Bahabgaal, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay saameyn ku lahaa midnimada iyo wada-jirka dhalinyarada beesha.
Kulanka ayaa ka dhacay goob ku habboon oo nabad iyo deggenaansho leh, waxaana ka qayb galay dhammaan dhinacyadii ay khusaysey arrintu, iyadoo la raacayo nidaam hufan oo lagu xaqiijinayo in qof kasta fikraddiisa la maqlo. Guddiga Dhaqanka ee Xalinta Qilaafaadka Beesha Bahabgaal ayaa si xirfad leh u maamuley wadahadallada, iyagoo hubinaya in la helo xal waara oo Dhalinta dhexdeeda oo dhan ku qanacsanyihin, isla markaana lagu ilaalinayo anshaxa iyo sharafka beesha.
Kadib isu-tanaasul ballaaran oo ay muujiyeen Hogaanka Dhalinyarada iyo Dhalinyarada kale ee ka aragtida duwaneed , waxaa la gaaray goโaan wadajir ah oo lagu soo afjaray Kala aragti duwanaatas , iyadoo dhinacyadii ay khusaysey ay muujiyeen is-qaddarin, dulqaad, iyo rabitaan wadajir ah. Dhalinyaradii is-haysay ayaa si rasmi ah gacmaha la isugu saaray, taasoo astaan u noqotay midnimo, is-kaashi iyo Mideynta aragtida Dhalinta Beesha , laguna muujiyey in xal kasta oo Isfaham ah uu ka muhiimsan yahay kala qaybsanaanta beesha.
Sidoo kale, waxaa si wadajir ah loogu heshiiyey in Guddoomiyaha si buuxda loo garab istaago, lana xoojiyo wada-shaqeyn hufan oo ku saleysan kalsooni, wada-tashi iyo masโuuliyad wadaag. Tani waxay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in dhammaan howlaha dhalinyarada iyo hogaaminta beesha loo maareeyo si wadajir ah oo waxtar leh, isla markaana lagu dhiso jawi Is-Itiraam iyo horumar waara.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Bahabgaal iyo guud ahaan waxay uga mahadcelinayaan Guddiga Dhaqanka ee Qilaafaadka Beesha Bahabgaal dadaalkooda hufan ee Dhalinta eey uga saareen mad-Madoogii ku kala dhexjiray,
Sidoo kale Dhaqanku waxa eey Gudoomiyaha iyo Dhalinyarada kaleba ku adkeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, is-ixtiraamka iyo wada-jirka beesha, si loo gaaro horumar waara oo mustaqbalka dhalinyarada iyo guud ahaan Bahabgaal faa'iido u leh.
Balanteenu waa Walaanimo iyo Wajir.
โDHAMAADโ