Abdirisak Mohamed Abdullahi

Abdirisak Mohamed Abdullahi Hirshabelle Youth Leader and Former Journalist.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO XAQIIJINTA MUSHARAXNIMADIISA JSP KADDIB MAANTA KUSOO LAABTAY CAASIMADA JOWHAR.Mada...
24/09/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO XAQIIJINTA MUSHARAXNIMADIISA JSP KADDIB MAANTA KUSOO LAABTAY CAASIMADA JOWHAR.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ahna musharaxa JSP ee Hirshabeelle ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere wafdiga Madaxweynaha, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan, Wasiirro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa magaalada Jowhar, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku hakaday V. I. P garoonka Maxamed Dheere waxana kulan kula qaatay masuuliyiintii soo dhaweysay.

Shacabka caasimada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay ku ammaaneen adeegiisa Dowladnimada taas oo ugu dambeyn dhaxlsiisay inuu noqdo musharaxa xisbiga tallada dalka haayo ee JSP inuu u soo xusho Hirshabeelle.

Gunaanudkii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle.

24/09/2026

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar.

24/09/2026

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Jowhar halkaasna si diiraan loogu soo dhaweeyay.

13/09/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo maanta si rasmi ah loo guddoonsiiyay Kaarka Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada (JSP).

Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaan u rajaynayaa hoggaan wanaagsan iyo guul, isagoo hoggaamin doona Hirshabeelle shanta sanno ee soo socota.

Hambalyo Madaxweyne soo dhawaw mar kale .

Ali Gudlawe Hussein Hirshabelle State House Abdirahim Isse Mohamed Abdirahman Kheire OPM Somalia Villa Somalia

Soo dhawoow mudane madaxweyne Ali Gudlawe Hussein. 👏 👏 👏 👏
12/09/2026

Soo dhawoow mudane madaxweyne Ali Gudlawe Hussein. 👏 👏 👏 👏

Rabbi ha Janneeyo walaalkeen Axmed Shire Xuseen, falka lagula kacay waa mid ka fog Islaam-nimada, Bini’adanimada iyo Soo...
10/09/2026

Rabbi ha Janneeyo walaalkeen Axmed Shire Xuseen, falka lagula kacay waa mid ka fog Islaam-nimada, Bini’adanimada iyo Soomaalinimada.

Waxaan uga tacsiyeynayaa Ehelka, Ciidanka Qalabka Sida iyo Ummadda Soomaaliyeed, samir iyo iimaan saadaq ah.

Dhammaanteen waa inaan ka dhiidhinaa ficil kasta oo xun oo bulshada sii kala fogeynayo.

Musharax Golaha Wakiilada Hirshabelle mudane Abdirisak Mohamed Abdullahi
09/09/2026

Musharax Golaha Wakiilada Hirshabelle mudane Abdirisak Mohamed Abdullahi

SODMA oo lagu eedeeyay qorshe lagu marin-habaabiyay barakacayaasha BeledweyneQoysaska  Barakacayaasha Beledweyne ayaa sh...
08/09/2026

SODMA oo lagu eedeeyay qorshe lagu marin-habaabiyay barakacayaasha Beledweyne

Qoysaska Barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ay isku dayeen qorshe lagu doonayay in qoysaska barakacayaasha ah loogu sheego in gargaar loo qaybinayo, iyadoo ay jiraan eedeymo sheegaya in xogta dadka loo adeegsan lahaa arrimo la xiriira diiwaangelinta doorashada.

Dadka deegaanka ayaa qaba in haddii gargaar bani’aadannimo loo adeegsanayo arrimo aan ahayn ujeeddadii loogu talagalay, ay taasi dhaawac ku tahay kalsoonida bulshada iyo mabaadi’da gargaarka bani’aadannimo.

Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Beledweyne kala kulmay waji gabax kaddib markii qorshihiisa uu waji gabax kala kulmay dadka ree Hiiraan oo uu ka hor istaagay sanado badan gar gaarka.

Bulshada Beledweyne waxay ugu baaqayaan hay’adaha dowladda iyo hay’adaha gargaarka inay ilaaliyaan madax-bannaanida gargaarka bani’aadannimo, isla markaana aan xaaladda dadka barakacayaasha ah looga faa’iideysan arrimo siyaasadeed ama dano kale.

Bulshada reer Beledweyne waxay si cad u muujisay in aan la marin habaabin karin, lana dhaawici karin kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isagoo tixgelinaya codsiga bulshada...
05/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), isagoo tixgelinaya codsiga bulshada ku nool magaalada Beer-gadiid, ayaa faray Guddiga Doorashooyinka in degmada Beer-gadiid lagu daro magaalooyinka loo qorsheeyay in la gaarsiiyo agabka iyo shaqaalaha doorashada.

Tallaabadan ayaa bulshada degmada u suuragelinaysa in ay iyagoo jooga deegaankooda si xor ah uga qeyb qaataan doorashada, isla markaana codkooda dhiibtaan, taas oo qeyb muhiim ah ka ah hirgelinta geeddi-socodka Doorashada Qof iyo Cod.

Bulshada magaalada Beer-gadiid ayaa si weyn ugu mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe tallaabadan, iyagoo sidoo kale bogaadiyay Isku-duwihii h**e ee Maaliyadda Gobolka Hiiraan, Mudane Ciiloow Joobane Cawaale, oo ka mid ah xubnaha maamulka ee kaalinta muuqata ka qaadanaya dardargelinta iyo hirgelinta geeddi-socodka doorashada Qof iyo Cod ee Hirshabeelle.

Ciiloow Joobane Cawaale: Laf-dhabarta Geeddi-socodka Doorashada Qof iyo Cod ee BeledweyneIyadoo magaalada Beledweyne uu ...
04/09/2026

Ciiloow Joobane Cawaale: Laf-dhabarta Geeddi-socodka Doorashada Qof iyo Cod ee Beledweyne

Iyadoo magaalada Beledweyne uu si habsami leh uga socdo geeddi-socodka Doorashada Qof iyo Cod, waxaa si weyn uga dhex muuqda shaqsiyaadka door muuqda ka qaadanaya dardargelinta iyo habsami-u-socodka hawlaha doorashada, waxaana safka h**e kaga jira Ciiloow Joobane Cawaale, oo h**ey u soo noqday Agaasimihii Maaliyadda Gobolka Hiiraan.

Ciiloow Joobane Cawaale waxaa lagu tilmaamaa shaqsi leh waayo-aragnimo maamul, karti hoggaamineed, xiriir bulsho oo ballaaran iyo faham wanaagsan oo ku aaddan habsami-u-socodka arrimaha bulshada iyo maamulka.

Doorkiisa muuqda ee geeddi-socodka doorashada ayaa ka dhigay mid si gaar ah indhaha loogu hayo.

Dardargelinta adeegga iyo diiwaangelinta shacabka.

Ciiloow ayaa xoogga saaray sidii loo fududeyn lahaa adeegga shacabka, gaar ahaan dadka doonaya inay isdiiwaangeliyaan.

Tallaabooyinka lagu kordhiyay xarumaha diiwaangelinta ayaa gacan ka geysanaya yareynta ciriiriga, dedejinta adeegga iyo in muwaadiniintu helaan fursad ay si fudud ugu gutaan waajibaadkooda doorasho.

Arrintan ayaa muujinaysa fahamka uu Ciiloow ka qabo baahida bulshada iyo muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka doorashadu noqdo mid nidaamsan, hufan oo shacabka u fudud.

Amniga shacabka oo mudnaan gaar ah leh
Dhanka kale, Ciiloow Joobane wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa amniga iyo kala dambeynta inta uu socdo geeddi-socodka doorashada.

Saraakiisha amniga ayaa lagu adkeeyay inay si buuxda uga shaqeeyaan xaqiijinta amniga shacabka, goobaha diiwaangelinta iyo habsami-u-socodka hawlaha doorashada.

Tani waxay muujinaysaa in maamulka hawsha doorashada aan lagu koobnayn oo keliya diiwaangelinta, balse sidoo kale diiradda la saarayo amniga, nidaamka iyo kalsoonida shacabka.

Siyaasi da’yar oo leh aragti hoggaamineed
Ciiloow Joobane Cawaale ayaa sidoo kale lagu tilmaamaa siyaasi da’yar oo leh firfircooni iyo awood uu dadka isku keeni karo. Xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay bulshada, maamulka iyo dhinacyada kala duwan ee magaalada ayaa ka caawinaya inuu si hufan uga qayb qaato geeddi-socodka doorashada.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252615559207

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirisak Mohamed Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share