Uplift Somalia

Uplift Somalia Together, we uplift one another.

Af Soomaali | English below Kulankii koowaad ee Madasha Codkeeda, wa uu qabsoomay.   Sheekooyin dhiirrigelin leh oo muuj...
26/12/2025

Af Soomaali | English below

Kulankii koowaad ee Madasha Codkeeda, wa uu qabsoomay.

Sheekooyin dhiirrigelin leh oo muujinayay hal'adaygga iyo kartida haweenka, kana marag kacayay culeysyada maalinlaha ah ee ay habluhu wajahaan, ayaa la isdhaafsaday.

Madasha Codkeedu, waa dhaqdhaqaaq tebinaya codka haweenka, u abuuraya saaxad, soona bandhigaya dedaallada hablaha ee ka qaybnoqodshada isbeddellada bulsho.

---------------

English

The first series of Her Voice Forum successfully Held!

Inspiring stories highlighting the resilience and strength of women, while bearing witness to the daily challenges that women face were shared.

Her Voice Forum, is a movement amplifying Somali women’s voices, creating space, and showcasing their efforts and role in social transformation.

Af Soomaali | English below,Uplif Somalia, gaar ahaan Uplift House, waxay kugu martiqaadaysaa Madasha _Codkeeda_ , cinwa...
21/12/2025

Af Soomaali | English below,

Uplif Somalia, gaar ahaan Uplift House, waxay kugu martiqaadaysaa Madasha _Codkeeda_ , cinwaan ah: Sida Codadka Haweenku Udhaliyaan Isbeddel Bulsho. Nagu la soo biir munaasabadan gaarka ah oo lagu maamuusayo sheekooyinka haweenka horseeday isbeddel bulsho.

------------
English

Uplift Somalia, the Uplift House invites you to the _Her_ Voice Forum, under the theme: How Women’s Voices Transform Society.
Join us for this special gathering that celebrates the stories of women who have led social change.

RSVP & information: www.upliftsomalia.org [email protected]
Follow for updates.

Af Soomaali | English below Waxaa shalay noo soo dhammaaday Shirwaynaha Bulshada Rayidka  .Ka Uplift Somalia ahaan, shar...
11/12/2025

Af Soomaali | English below

Waxaa shalay noo soo dhammaaday Shirwaynaha Bulshada Rayidka .

Ka Uplift Somalia ahaan, sharaf weyn ayey noo ahayd in aan ka mid noqonno shirka bandhigga ururrada bulshada rayidka ah. Shirwaynaha oo ay ka soo qayb galeen ururro kala duwan oo bulshada rayidka ah, hay’adaha dowladda, iyo deeq-bixiyaasha caalamiga ah, ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirwaynaha, waxaa diiradda lagu saaray; xoojinta iskaashiga dhallinyarada, dedaallada nabad dhiska dalka, iyo doorka gurmadka xaaladaha bani’aadamnimo iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka dhaca.

Waan uga mahadcelinaynnaa qabanqaabiyeyaasha shirkan , iyo hay’adaha kale ee kaalinta ku lahaa qabsoomidda shirka sida UNDP in Somalia iyo .

Uplift Somalia waxay sii ahaan doontaa mid u heellan iskaashi firfircoon, annagoo marwalba u taagan ka mirodhalinta dadaallada dhallinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale horumarinta xirfadlayaasha qarsoon ee aan weli helin fursad ay ku soo bandhigaan awooddooda xirfadeed.

-----------------
English

We concluded the Somali Civil Society Summit 2025 following three days of dialogue and engagement in Mogadishu. As Uplift Somalia, we were honoured to participate alongside civil society organisations, partners, and stakeholders working across youth, women, and broader community development.

The summit provided a valuable platform for dialogue, learning, and partnership-building, and reinforced the importance of collaboration in advancing shared social goals. Civil society impact is strongest when organisations work together, exchange knowledge, and align efforts for the benefit of the communities we serve.

We extend our sincere thanks to , development partners, and all participants for bringing together diverse voices in support of collective action. As Uplift Somalia, we remain committed to working closely with partners to strengthen collective action and deliver sustainable impact across Somalia.


Af Soomaali | English below Maanta waa dhammaadka 16ka Maalmood ee Ladagaallanka Rabshadaha Ka Dhanka ah Haweenka, iyada...
10/12/2025

Af Soomaali | English below

Maanta waa dhammaadka 16ka Maalmood ee Ladagaallanka Rabshadaha Ka Dhanka ah Haweenka, iyada oo halkudhigga sanadkani ahaa Joojinta Rabshadaha Dijitaalka ah. Ololuhu halkaan kuma dhammaanayo, badbaadadu waa in ay gaarto meel walba, baraha dijitaalka iyo nolosha maalinlaha ah ba.

Ka Uplift Somalia ahaan waan sii wadi doonnaa wacyidhiska hablaha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, waan jiheyn doonnaa si loo dhiso bulsho.

-----------------
English

Today marks the end of the 16 Days of Activism Against Gender-Based Violence, with this year’s theme: To End Digital Abuse. The campaign does not end here, safety must reach everywhere across digital platforms and in daily life.

As Uplift Somalia Org, we will continue raising awareness among Somali women and youth, guiding and empowering them to build a stronger, safer community.


Af Soomaali | English below Haweenka iyo hablaha yaryar waa kuwa ugu badan ee la kulma tacaddiyada online-a, waana isla ...
09/12/2025

Af Soomaali | English below

Haweenka iyo hablaha yaryar waa kuwa ugu badan ee la kulma tacaddiyada online-a, waana isla ayaga kuwa ay tahay in ay si wadajir ah uga soo horjeesadaan tacaddiyadaas, una istaagaan difaacidda xuquuqdooda.

Halkaan waxaa ah saddex tallaabo oo lamahuraan u ah Iskacaabbinta xadgudubyada dhijitaalka iyo u doodista bar ammaan ah.

1. Caddeymo reebo

Tallaabada ugu horreysa, uguna muhiimsan ee aad kaga hortagi karto tacaddiyadaas haddii aad adigu wajahdo ama aad aragto qof kale oo lagu gardarroonayo waa inaad diiwaangeliso oo keydiso caddeymaha dhammaan tacaddiyada tusaale: in aad screenshot ka qaaddo farriimaha, faallooyinka, ama sawirrada la baahiyay. Waxba ha tirtirin. Caddeymahaagu waa saldhigga u doodistaada iyo difaacaaga sharci. Haddii sharciyo rasmi ah aysan jirin, caddeymahaasi waxay kaa caawinayaan inaad bulshada u muujiso waxa dhacaya isla markaana aad u dooddo naftaada iyo dadka kale.

2. Report- gareey, soona bandhig

Ha ahaado tacaddihu mid adiga lagugu sameeyay ama qof kale, isla markiiba u gudbi tacaddiyada maamulka aaladaha baraha bulshada adigoo adeegsanaya qalabka cabashada ee ay leeyihiin. La xiriir ururrada u dooda xuquuqda haweenka, ama hay’adaha sharci ee ku siin kara taageero.

3. Dhis Shabakad Difaac

In la helo bulsho ammaan ah online iyo ofline ba waa mas'uuliyad wadareed, u istaag oo cod u noqo in la helo madallo online ah oo haweenka iyo gabdhuhu isku taageeraan, isku dhiirrigeliyaan, kana helaan taageero nafsi iyo xogo ay kula dagaallamaan tacaddiyadaas.

Ka Uplift Somalia ahaan waxa aan marwalba u taagannahay horumarinta iyo dhisidda wacyiga dhallinyarada.

---------------------

English

Women and young girls are disproportionately targeted by online abuse and harassment (Cyber GBV). Consequently, they are the very ones who must collectively stand against these atrocities and bravely defend their rights.

Here are three essential steps for resisting digital abuse and advocating for a safer online space.

1. Secure Your Evidence: The first and most crucial step in confronting these abuses whether you face them personally or witness them directed at someone else is to save every piece of evidence. Your evidence is the foundation of your advocacy and your legal defense. If formal legal frameworks are not in place to support your case, this evidence remains vital: use it to expose the situation to the community and advocate for yourself and others.

2. Report and Seek Support: Whether the abuse is directed at you or someone else, immediately report the abuse to the social media platform administrators using their built-in reporting tools. Contact women's rights organizations, or legal agencies that can provide support and assistance.

3. Build a Defense NetworkCreating a safe community, both online and offline, is a collective responsibility. Stand up and be a voice for establishing online platforms where women and girls can support and encourage each other, and receive psychological support and information to combat these abuses.

Uplift Somalia is always committed to the advancement and awareness-building of young people. Together, We Uplift One Another!



Af Soomaali | English below Waxa aan maanta ka qaybgalnay shirwaynaha bulshada rayidka  , kulan qaran oo soconaya saddex...
08/12/2025

Af Soomaali | English below

Waxa aan maanta ka qaybgalnay shirwaynaha bulshada rayidka , kulan qaran oo soconaya saddex maalmood, kaas oo ay isugu imaanayaan ururrada bulshada rayidka, kuwa dowladda, deeqbixiyeyaasha, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo ujeedku yahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhismaha nabadda, gurmadka bani’aadannimo, iyo dadaallada horumarinta.

Ka Uplift Somalia ahaan, waxa aan diiradda saaraynnaa awoodsiinta iyo jiheynta dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed, dhinacyada xirfaddhisidda, iyo hoggaaminta mustaqbalka.

-------------------

English

We proudly participated today in the Civil Society Summit 2025, a three‑day national gathering bringing together civil society organizations, government, donors, and UN agencies to strengthen collaboration in peacebuilding, humanitarian response, and development efforts.

As Uplift Somalia, we focus on empowering and guiding Somali youth and women through skills development and leadership for a brighter future.

Af Soomaali | English below Pillar 3: Digital Safety and Wellbeing - Bedqabka iyo Badbaadada Dijitaalka ah Isticmaalka j...
07/12/2025

Af Soomaali | English below

Pillar 3: Digital Safety and Wellbeing - Bedqabka iyo Badbaadada Dijitaalka ah

Isticmaalka joogtada ah ee teknooloojiyadda, gaar ahaan baraha bulshadu waxa uu keenaa walaac iyo xaalado dhimir oo kale sida; nabaadguur shucuureed.

Nabaarguur shucuureedku waa erey loo adeegsado in lagu sharraxo sida isticmaalka joogtada ah ee teknooloojiyada, helidda wararka taban (Negative News), iyo isbarbardhigga xaddhaafka ah ay si tartiib ah ugu daaliyaan oo ay u wiiqaan dareenkaaga gudeed, kalsoonidaada, iyo awooddaada nafeed.

Saadarteed, waa in aad dib uga hakataa isticmaalka xaddhaafka ah ee teknooloojiyada, bedqabka maskaxdaadana u hiillisaa. Afartan tallaab ku dhaqaaq si aad u xasisho.

1. Haki Adeegsiga Aaladaha Dhijitaalka ah (Digital Detox): Samee waqtiyo gaar ah maalintii ama toddobaadkii oo aad gebi ahaanba ka fogaato shaashadaha mobile-ka, laptop-ka, iyo telefishinka. Tusaale: Xilliga cuntada, saacad ka hor inta aadan seexan, ama maalin dhammaystiran. Kuna beddel waqtiga aad baraha bulshada ku qaadan lahayd waxyaabo kale oo faa’iido leh sida akhriska, la kulanka qoyska iyo asxaabta.

2. Maaree Isbarbardhigga (Manage Comparison): Xusuusnow in waxa aad ku aragto baraha bulshada ay tahay uun “muuqaal la soo habeeyay” oo aanay marar badan ahayn nolol dhab ah. Qof walba wuxuu soo dhigaa waxa ugu fiican. Xoogga saar fyoobiddaada maskaxeed iyo yoolalkaaga qofeed.

3. Xakamee Wararka Xun (Control Negative Exposure): waa hubanti in wararka xun sida dagaallada, musiibooyinka, ama hadallada qallafsan ee nacaybka online-ku ay kugu keenayaan cabsi iyo walaac joogto ah, isbar in aad dhaqso u joojiso raacitaanka bogaggaas ama aamusii (Mute) dadka sida joogtada ah u soo dhiga waxyaabaha taban ama kaa xanaajiya.

4. Sababee isticmaalka Aalad walba: intii aad midba mar furi lahayd adigoon ujeeddo ka lahayn u Isticmaal aalad walba ujeeddooyin cadcad. Xakamee ama gebi ahaanba dami ogeysiisyada aan muhiimka ahayn si aanay kuugu abuurin cadaadis joogto ah.

Uplift Somalia waxay kug baraarujinaysaa muhiimadda bedqabka maskaxeed, kuna fareysaa in aad maskaxdaada ka ilaaliso nabaadguurka shucuureed iyo xaaladaha kale ee ka dhasha isticmaalka xaddhaafka ah ee teknooloojiyada. Xakamee Shaashadda, Xuduudo samayso, hana oggolaan in waxa aad ka aragto online-ku ay wiiqaan kalsoonidaada iyo caafimaadkaaga maskaxeed.

--------------------

English

The constant use of technology, especially social media, leads to anxiety and other mental conditions such as Emotional Erosion. Emotional Erosion is a term used to describe how the continuous use of technology, exposure to negative news, and excessive comparison gradually drain and weaken your inner feelings, self-confidence, and mental capacity.

When you feel overwhelmed by the internet, you must pause and prioritize your mental wellbeing. Take these four steps to find calm;

1. Digital Detox: Set aside specific times during the day or week when you completely step away from mobile screens, laptops, and televisions. Examples: During mealtime, an hour before sleeping, or a full day. Replace the time you would spend on social media with other beneficial activities such as reading, meeting family, and friends.

2. Manage Comparison: Remember that what you see on social media is just a "curated image" and often not real life. Everyone posts their best moments. Focus on your mental wellness and personal goals instead.

3. Control Negative Exposure: It is certain that negative news such as wars, disasters, or harsh hateful online comments cause you constant fear and anxiety. Train yourself to quickly stop following those pages or mute people who constantly post negative or upsetting content.

4. Set Boundaries for Device Use: Instead of aimlessly opening each device, use every device for clear, specific purposes. Control or completely turn off non-essential notifications so they don't create constant pressure.

Uplift Somalia is raising awareness about the importance of mental wellbeing, urging you to protect your mind from emotional erosion and other conditions caused by the excessive use of technology. Control the Screen, Set Boundaries, and do not allow what you see online to undermine your self-confidence and mental health.

Pillar 2: Security Toolkit Tips Af Soomaali | English BelowBadbaadinta macluumaadkaaga shaqsiga ah waa difaacaaga ugu ho...
06/12/2025

Pillar 2: Security Toolkit Tips

Af Soomaali | English Below

Badbaadinta macluumaadkaaga shaqsiga ah waa difaacaaga ugu horreeya ee ka hortagga Xadgudubyada dhijitaalka ah. Halkan waxaa ah 3 tallaabo oo aanad ka maarmin si aad u ilaaliso xogtaada.

1. Samayso Furo Sireed Adag: Isticmaal furayaal dheer oo isugu jira xarfo waaweyn, yaryar, tirooyin iyo calaamado. Marwalbana kala du’ furo sireedyadaada.

2. Furo habka Hubinta Labajeeraalaha ah (2FA): Tani waxay ka hortagaysaa in si fudud lagu jabsado akoonnadaada.

3. Ka digtoonoow lifaaqyada iyo codsiyada (links & applications); si taxafdar leh u xaqiiji cidda kuu soo dirtay. Marar badan waa lifaaqyo fududeynaya in akoonnadaada la jabsado.

—————

English

Protecting your personal information is your first defense against digital abuse. Here are 3 essential steps you must take to secure your accounts:

1. Create a Strong Password: Use long passwords that mix uppercase letters, lowercase letters, numbers, and symbols. Always use different passwords for different accounts.

2. Activate Two-Factor Authentication (2FA): This simple step prevents your accounts from being easily hacked or compromised.

3. Be Wary of Links & Applications (Phishing): Carefully verify who sent you a link or requested personal information. Many malicious links and applications are designed to easily compromise your accounts.

Pillar 1: Cyber GBVAf Soomaali | English BelowWAA MAXAY CYBER GBV (XADGUDUBYADA Dhijitaalka)?Cyber GBV, waa Xadgudubyada...
05/12/2025

Pillar 1: Cyber GBV

Af Soomaali | English Below

WAA MAXAY CYBER GBV (XADGUDUBYADA Dhijitaalka)?

Cyber GBV, waa Xadgudubyada ku salaysan dheddig-laboodka ee ay fududeeyaan teknoolojiyaddu.

Cyber GBV, waa nooc kasta oo xadgudub ah oo lagu geysto isgaarsiinta ama warbaahinta dhijitaalka, oo ay gaystaan hal ama in ka badan oo shakhsi ah, iyagoo beegsanaya qof sababo la xiriira jinsigiisa. Haweenka iyo hablaha yaryar waa kuwa ay saameynnada ugu badani soo gaaraan.

Tusaalooyinka Ugu Waaweyn ee Cyber GBV:

1. Faafinta Xogta Gaarka ah (Doxing): Faafinta nambarrada gaarka ah, cinwaanka guriga, ama macluumaad kale oo shakhsi ah si qof loo cabsi geliyo ama dhib loo gaarsiiyo.

2. Faafinta Sawirrada Oggolaansho La'aan: Wadaagista sawirro ama muuqaallo gaar ah oo aan oggolaansho looga haysan qofka, sida; samaynta sawirro ama muuqaallo aan jirin (Deepfakes ama Photoshop) oo anshaxa ka baxsan.

3. Hanjabaad iyo Cagajuglayn (Harassment & Trolling): Dirista farriimo ama faallooyin hanjabaad ah, aflagaaddo, ama cagajugleyn joogto ah oo lagu soo diro baraha bulshada.

Uplift Somalia waxay diiradda saaraysaa u ololeynta bedqabka iyo badbaadada dijitaalka, sababtoo ah bulshadeenna dhexdeeda tacaddiyada online-ku waa kuwo dhab ah, aad na u baahay, qatar na gelin kara mustaqbalka qofeed iyo midka bulsho.

--------------------

English

DIGITAL SAFETY: WHAT IS CYBER GBV?

Cyber GBV is violence based on gender that is facilitated by technology.

Cyber GBV is any form of abuse committed through digital communication or media, perpetrated by one or more individuals, targeting a person due to their gender. Women and young girls are the ones most frequently affected.

Major Examples of Cyber GBV:

1. Sharing Private Information (Doxing): Publishing private numbers, home addresses, or other personal information to intimidate or cause harm to a person.

2. Non-Consensual Image Sharing: Sharing private photos or videos without the person's consent, or; making non-existent, unethical images or videos (Deepfakes or Photoshop).

3. Harassment & Trolling: Sending continuous threatening messages or comments, insults, or persistent bullying on social media.

Uplift Somalia is focusing on advocating for digital well-being and safety because within our society, online abuses are real, widespread, and can jeopardize the future of individuals and the community.


Af Soomaali | English below Team metelaya Uplift Somalia ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka qeybgalay shirwaynaha ...
05/12/2025

Af Soomaali | English below

Team metelaya Uplift Somalia ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka qeybgalay shirwaynaha 6aad ee Hoggaanka iyo Hal’abuurka Dhallinyarada, kaas oo lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen dhallinyaro aad u badan, isla markaana ku soo bandhigay hal’abuurkooda iyo kaalintooda hoggaamiyeed, ayaa waxaa qudbado kala duwan u jeediyay waxgarad iyo aqoonyahanno, sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federal-ka Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo raiisulwasaare Xamse cabdi Barre ayaa madasha ka hadlay, dhallinyaradana ku baraarujiyay in ay kartidooda hoggaamineed soo bandhigaan.

Uplift Somalia, waxey bogaadineysaa Somali Youth Leadership Center, Arkaan Leadership and Innovation Hub iyo Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo soo agaasimay shirkaan, sidoo kale United Nations Development Programme - UNDP, Hormuud Telecom iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee kaalinta ka geestay qabsoomidda shirka.

Ka Uplift Somalia ahaan, waxaan marwalba u taagannahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo aan la shaqeyn doonnno cid walba oo doorkaa qaadanaysa.

------------------

English

Uplift Somalia at the 6th Annual Youth Leadership and Innovation ConferenceA team representing Uplift Somalia participated in the 6th Annual Youth Leadership and Innovation Conference, held over the past two days at the Royal Hotel in Mogadishu.

The conference brought together a large number of dynamic youth who showcased their innovative projects and leadership capabilities. Various speeches were delivered by prominent intellectuals and academics. Furthermore, the President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, and Prime Minister H.E. Hamza Abdi Barre also addressed the gathering, urging the youth to unleash their leadership potential.

Uplift Somalia commends the Somali Youth Leadership Center, Arkaan Leadership and Innovation Hub, and the Ministry of Communications & Technology for organizing this significant conference. We also extend our gratitude to the UNDP, Hormuud Telecom, and all other stakeholders who contributed to the successful ex*****on of the event.

Uplift Somalia is always dedicated to the advancement and empowerment of youth, and we will continue to collaborate with any entity committed to this role.




Af Soomaali | English below Maadaama aan ku jirno bartamaha 16 Maalmood ee Ololaha La Dagaallanka Xadgudubka Jinsiga (GB...
04/12/2025

Af Soomaali | English below

Maadaama aan ku jirno bartamaha 16 Maalmood ee Ololaha La Dagaallanka Xadgudubka Jinsiga (GBV), Uplift Somalia waxan ka qayb nahay ololahaan sababtoo ah bulshadeenna dhexdeeda tacaddiyada online-ku waa kuwo dhab ah, aad na u baahay.

Diiradeenna ka qeyb noqoshada ololahan waa afar qodob oo muhiim ah:
1. Fahanka tacaddiyada online-ka (Cyber GBV),
2.Security Toolkit,
3. Bedqabka iyo badbaadada dhijitaalka,
4. Iska Caabbinta iyo & U Ololaynta.

Xuquuqdaada baro! Xuquuqdaada dhacso!
Nala Soco maalmaha haray!
---------------

English

As we are in the middle of the 16 Days of Activism Against Gender-Based Violence (GBV), Uplift Somalia is taking their part to the activsm because within our society, online abuses are real and widespread.

Our focus for participating in this campaign is four main pillars:
1. Understanding Cyber GBV,
2. Security Toolkit,
3. Digital Wellbeing and Safety,
4. Resistance and Advocacy.

Know your rights! Claim your rights!






Address

Via Londra Road Xamarjajab
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Friday 09:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Uplift Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share