06/05/2026
BAYAANKA BULSHADA RAYIDKA SOOMAALIYEED: Shirka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Dowlad-wanaagga & Xasilloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Intii u dhexeysay 3–5 May 2026, ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa ku kulmay Muqdisho si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka, iyo xasilloonida qaranka.
Ka-qaybgalayaasha Shirka Bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen culimada, dalladaha bulshada rayidka, haweenka, dhalinyarada, dadka naafada ah, warbaahinta, iyo aqoonyahannada, Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, hey’adaha Cilmi baarista iyo Bulshada qeebaheeda kale duwan waxay muujiyeen doorka muhiimka er ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee jira iyo saameynta uu ku yeelan karo dowlad-dhiska, midnimada, iyo xuquuqda muwaadiniinta.
🔹 Bulshada rayidka waxay adkeeyeen in wadahadal uu yahay waddada keliya ee xal lagu gaari karo.
🔹 Waxaa la isku raacsan yahay muhiimadda doorasho qof iyo cod ah, balse waa in lagu saleeyaa hannaan loo dhan yahay, hufan, oo lagu heshiiyey.
🔹 Bulshada rayidka waxay caddeeyeen diyaar u ahaanshahooda fududeynta wadahadalka, dhisidda is-afgarad, iyo taageeridda doorashooyin hufan.
Fadlan akhri warbixinta hoose si aad u hesho BAYAANKA BULSHADA RAYIDKA oo dhammaystiran.
Somalia Non State Actors Somali Youth Volunteers Association SOYVA Somali South West Non-state Actors