Midowga Qalinjebiyaasha Dugsiyada Banaadir Iyo Shabeelle wuxuu u taagan yahay midnimada iyo horumarinta dhammaan ardayda agoonta ka qalinjebisay Banadir primary and secondary school iyo Shabeelle School Banadir orphanage development association-boda
Waa urur aan dowli ahayn oo ka shaqeysa xuquuqda agoonta ay bulshada ku leeyihiin,hormarinta agoonta dhanka caafimaadka,dhaqaalaha iyo waxbarashad
a.
Ururka waxay dadaal dheeraad ku bixineysaa sidii ay u mideyn lahayd agoonta dudaha iyo dibada ee banaadir.
Ururka boda waxay danaynaysaa kobcinta xirfadaha iyo dhisidda kalsoonida agoonta. Markay sara kacday tirade agoonta oona lasoo gudboonaatay nolol xumo dhinaca waxbarashada iyo fursad la’aan waxbarasho taasoo sabab u ah dhaqaale xumo jirta awgeed.
2. Markay sara kacday kala qeybsanaanta u dhaxaysa ardayda agoonta ka qalin jibisay y schoolka banaadir primary and secondary school oo hoos imaanaya( wps)sidii loo mideen lahaa.
3. Markii la qiyaasay mushkiladda jirta iyo tiradda hay’adaha oo yaraadeen oona kaafin Karin kor u qaadista waxbarashada agoonta.
4. Sababaha aan kor kusoo xusnay iyo wixii la mid ah ayaa loo dhisay boda sidii ay kor ugu qaadi lahayd heerkii agoonta ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda. In la siiyo fiiro gaar ah waxbarista agoonta gudaha ku nool.
3. U halgamidda xuquuqda agoonta meel kasta ay ka joogaan dalka.
4. Ilaaalinta isku duubnaanta agoonta iyo in ay wax wada qabsadaan.
5. Abuurista kalsoonida agoonta iyo ku boorinta muhiimadda iskaal maysiga uu leeyahay iskaashiga.
6. Hormarin deg deg ah si loo abuuro jawi amaan oo nabad galyo leh.
7. In lakafaala qaado agoonta lanna ilaaliyo loona istaago waxqabadka agoonta hadey ahaan lahayd xagga jiifka iyo waxbarashada.
8. La dagaalanka maandooriyaha iyo diyaarinta mustaqbal wanaagsan.
9. Kobcinta sare u qaadidda adeegyada lagama maarmaanka ah ee agoonta u baahanyihiin sida xirfadaha iyo dhaqaalaha.
10. Joojinta doodaha aan aqoonta ku saleysneyn laguna badalo dood cilmiyeed.
11. Ka qeyb qaadashada kor yeelida caafimaadka agoonta. Istaraatiijiyada boda mustaqbalka dhaw
1. In ay helaan agoonta dhibaataysan waxbarasho kaafiso.
2. Raadinta mashaariic hormar leh taasoo kor u qaadayso shaqada iyo wax soo saarka.
3. Boda waxay ka codsaneysaa shaqsiyaadka ku sifaysan wax qabadka wanaagsan iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan howlaha ay wado ururka boda
Qorshaha mustaqbalka dhaw ee ururka boda
1. Taakuleynta agoonta waxbarasho heerka jaamacadeed
2. In aan u qabano kulamo aqooneed.
3. La’talinta ardayda agoonta soo dhammaysatay dugsiyida sare si ay u helaan waxbarasho heer sare leh(jaamacad tayo leh dalka iyo dibaddaba)
4. Qabasho kulammo guud iyo gaarba oo ay yeeshaan xubnaha ururka.
5. Adkeynta xiriirka guud ee xubnaha ururka.
6. Ururka waxay kulammo isugu jira baraarujin iyo dhiiri gelin joogta ah la yeelanaysaa ardayda agoonta ku nool dalka gudihiisa ee hoostaga ururka boda bishii mar. f.g: waa qorshaha ururka boda mustaqbalka ay ku dhaqaaqi doonto haddii alle idmo.