Qarsoon Media

Qarsoon Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Qarsoon Media, Nonprofit Organization, Soomaal, Mogadishu.

Dastuurka Cusub iyo Sanadka Dheeriga ah: Ma Badbaado mise Bilowga Khilaaf? 🧐waxaa soo baxaya warar sheegaya in marka uu ...
07/03/2026

Dastuurka Cusub iyo Sanadka Dheeriga ah: Ma Badbaado mise Bilowga Khilaaf? 🧐

waxaa soo baxaya warar sheegaya in marka uu Madaxweynuhu saxiixo Dastuurka cusub, ay dawladdu si toos ah ugu darsamayso sanad dheeri ah (5 sano halkii ay ka ahayd 4 sano). Tani waxay abuurtay dood xooggan maadaama:

1️⃣ Madaxweynuhu uu h**ey u ballan-qaaday in isbeddelka dastuurka uusan quseyn doonin muddadiisa hadda.
2️⃣ Ma jiro is-afgarad buuxa oo ay wada gaareen saamileyda siyaasadda iyo Qeybo ka mid ah Maamul Goboleedyada.

Maxaa ka dhalan kara?
Haddii aan la helin wada-tashi dhab ah, tallaabadan waxay keeni kartaa:
❌ Kala fogaansho u dhaxeeya dawladda Federaalka iyo Maamulada dalka.
❌ Kalsooni darro dhinaca sharciga iyo ballan-qaadyada madaxda ah.
❌ Khatar ku timaada deganaanshaha dalka haddii loo arko mudo kororsi.

Soomaaliya waxay u baahan tahay dastuur lagu heshiiyo oo aan noqon mid abuura kala qeybsanaan hor leh. Ma jiri kartaa dawladnimo xooggan haddii aan marka h**e lagu heshiin sharciga lagu wada dhaqmayo?

Aragtidaada noo reeb: Ma u aragtaa in sanadka dheeriga ah uu yahay fursad lagu dhammaystiro doorashooyinka, mise waa bilaawga burbur hor leh? 👇

25/02/2026

wax ka ogow lacagaha ay qataan cidamada AUsom ! kuwas oo marki ugu h**esay qaadan jiray $1,200 askarigiii

wasiir al cadaala " ayaa eedeyn dusha uga tuuray madasha wadatishiga qaranka kas oo ku eedeeyay inee sabab u ahaayeen ka...
24/02/2026

wasiir al cadaala " ayaa eedeyn dusha uga tuuray madasha wadatishiga qaranka kas oo ku eedeeyay inee sabab u ahaayeen kala taga shirka "

muqalka dhamestiran qeebta commentiga!

maxaad kala socotaa Robotka jiilka cusub ee Atlas oo ay soo saartay shirkadda Boston Dynamics, laguna soo bandhigay band...
21/02/2026

maxaad kala socotaa Robotka jiilka cusub ee Atlas oo ay soo saartay shirkadda Boston Dynamics, laguna soo bandhigay bandhigga CES 2026.

Atlas waxaa loo naqshadeeyay inuu noqdo Robot la shaqeeya dadka, gaar ahaan goobaha warshadaha. Wuxuu leeyahay k**arado iyo kombiyuutar ku dhex jira madaxdiisa oo siinaya aragti 360° ah, taasoo ka caawinaysa inuu si ammaan ah ula shaqeeyo dadka iyo deegaanka ku xeeran. Sidoo kale, wuxuu leeyahay nidaam amni oo la hubin karo si loogu isticmaalo goobaha shaqada si badbaado leh.

Robot-kan wuxuu qaadi karaa culays gaaraya ilaa 110 rodol, wuxuuna shaqeyn karaa qiyaastii 4 saacadood, isaga oo awood u leh inuu iskiis u beddelo batarigiisa. Haddii hal robot uu barto xirfad cusub, xogtaas waxaa lala wadaagi karaa dhammaan robot-yada kale.

Guud ahaan, Atlas waa robot casri ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo shaqooyinka culus, isaga oo si ammaan ah ula shaqeynaya bini’aadamka.

Muqalka qeebta hose comentiga ka firi.

14/11/2025

Ka faideyso Deeqaha waxbrasho wadamada ITALY iyo SERBIA.

07/11/2025

"Haddii aad diiradda saarto dhibaatada, waxaad lumin doontaa wax walba 😂😂😂😂"

20/10/2025

ka faaideyso fursada deeqda waxbarasho uu bixiyo mastercard foundation, tasoo isugu jirto heerka koowad(Bachelar Degree) iyo heerka labaad Master Degree)!

Follow naso dheh bogeena, like iyo share hanaga ilaawin!

Mahadsanidin
Every @✍️

19/10/2025

Sedexdan talo hada qadato hormarkaga naf ahaned wax badana ayaa iska badali doono!

Mustaf Mohammed Takoy, oo ah arday Soomaali ah oo 30 jir ah. Bilowgii sanadkan ayuu helay deeq waxbarasho oo buuxda (Era...
18/10/2025

Mustaf Mohammed Takoy, oo ah arday Soomaali ah oo 30 jir ah. Bilowgii sanadkan ayuu helay deeq waxbarasho oo buuxda (Erasmus Mundus scholarship) si uu uga barto Jaamacadda Copenhagen ee dalka Denmark, barnaamijka Master-ka ee Global Environment and Development muddo laba sano ah, kaas oo bilaaban lahaa bisha September.

Markii uu helay deeqda, Mustaf waxa uu si rasmi ah u gudbiyey codsigiisa fiisaha, isagoo rajeynaya inuu bilaabo cutub cusub oo muhiim ah noloshiisa waxbarasho iyo shaqo. Laakiin laba bilood kadib, nasiib darro, waxaa loo soo diray warqad diidmo ah oo ka timid hay’adda SIRI (Danish Agency for International Recruitment and Integration).

Sababta loo diiday waxay ahayd in dowladda Denmark aysan aqoonsanayn baasaboorka Soomaaliga inuu yahay dukumenti safar oo sax ah, xitaa haddii uu Mustaf leeyahay deeq waxbarasho buuxda, caymis caafimaad, iyo aqbalid rasmi ah oo jaamacadeed.

Mustaf wuxuu yiri:

“Bal ka warran – qof leh deeq Erasmus Mundus ah oo Jaamacadda Copenhagen ah, deeq buuxda, xitaa leh caymis caafimaad – haddana laguma tixgelin sababtoo ah baasaboorkayga. Ma anigaa doortay inaan ku dhasho Soomaaliya? Qofna ma doorto meesha uu ku dhasho.”

Saaxiibadiisa 36 ka mid ah oo la waday barnaamijkii uu ku biiri lahaa ayaa saxiixay warqad ay u direen Guddiga Racfaanka, iyagoo codsanaya in go’aanka dib loo eego. Waxay ku doodeen in:

“Aqoonta iyo dadaalka waxbarasho, ee aan ahayn jinsiyadda, ay tahay tan lagu saleynayo aqbalaadda,”
isla markaana ay sheegeen in codka iyo aragtida Mustaf ay muhiim u yihiin ruuxa isku-duubnaanta iyo kala-duwanaanta ee Erasmus.

Dhanka kale, Mustaf isagaa iskii u gudbiyey racfaan uu u diray Danish Immigration Appeals Board, isagoo bixiyey $140 lacag ah, hase yeeshee weli wuxba k**a helin jawaab.

Inkasta oo xaaladdu niyad jab ku tahay, haddana Mustaf wali rajo ayuu leeyahay. Wuxuu yiri:

“Waan niyad jabay, waan murugooday – laakiin rajo k**a quusanayo. Sannadka dambe mar kale ayaan dalban doonaa deeqo kale, waxaana rajeynayaa inaan mar kale helo fursad.”

Xigasho; The Copenhagen Post

17/10/2025

Dadka aad arin ka dooneysid waqti sii oo markaste ha daba ordin🫩

Kiron Open Higher Education waa urur samafal ah oo fadhigiisu yahay Jarmalka, kaasoo siiya qaxootiga iyo dadka sharciyad...
16/10/2025

Kiron Open Higher Education waa urur samafal ah oo fadhigiisu yahay Jarmalka, kaasoo siiya qaxootiga iyo dadka sharciyada wadamadooda an cago badan ku taagnen sida soomaliya oo kale fursad ay ku helaan waxbarasho online ah oo free ah wax lacag aan lagaa doneynin,

Waxaadna baran karta koorsoyinka kala duwan sida IT, management skills, accounting, nutrition, business, language skills, communication skills, iyo kuwa kaloo fara badan.

Sidee loo bilaabaa?
Waxaad booqan kartaa: kiron.ngo

Halkaa waxaad ka iska diiwaan gelin kartaa, adigoo buuxinaya foom fudud.

Waxaad heli doontaa koorsooyin online ah oo aad si bilaash ah u baran karto.

Address

Soomaal
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qarsoon Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Qarsoon Media:

Share