Haldoor

Haldoor “Qof dhintay dhambaal ma maqlee dhiirigeli intuu dhexdeenna joogo” Dayax Axmed-Iley.

04/01/2026

Haldoorkii 8aad ee bahda Haldoor ay 30/12/2025 la caweeyeen kaga bogo muuqaalkan

Walaal Dayax,Waxaan jeclaan lahaa in aan si daacad ah idiinku muujiyo bogaadin iyo mahadnaq ku aaddan baaritaanka qotada...
01/01/2026

Walaal Dayax,

Waxaan jeclaan lahaa in aan si daacad ah idiinku muujiyo bogaadin iyo mahadnaq ku aaddan baaritaanka qotada dheer ee aad samayseen iyo habka hufan ee aad u xusheen Haldoorka 8-daad, Abwaan Xirsidhuux.

Runtii, shaqada aad qabateen waxay muujinaysaa xirfad, caddaalad iyo faham qoto dheer oo ku saabsan qiimaha iyo kaalinta ay haldooradda aad xushaan ay ku leeyihiin horumarka bulshada Soomaaliyeed. Waxaad h**e u xusheen labo shakhsi oo aan si fiican u aqaanno oo kala ah Prof. Mansuur iyo Qoraa Afrax Illahay ha u naxariistee.

Habka aad u miisaanteen kartida, waaya-aragnimada iyo saamaynta ay haldoorradu ku leeyihiin bulshada ayaa ahaa mid lagu qanco, isla markaana ka tarjumaaya masuuliyad iyo hufnaan dhankaaga ah iyo qiimahaaga qofnimo ee Illaahay hibada kuu siiyey.

Howshan hufan ee aad qabatay waxay dhiirrigelin u tahay dadka kale, waxayna tusaale u noqoneysaa sida xulasho aqoon iyo anshax ku dhisan oo dhaliil ka maran tahay in had iyo goor aad sameysaan, Masha Allahiye.

Waxaan rumeysanahay in Haldoorka 8-daad ee aad xushay, in uusan jirin cid aniga iiga aqoon badan, hase ahatee sida aad taakhrdiisa u soo ururisay anigaa la yaabay.

Waxay taasi i tuseysaa in ay howl badan iyo waqti badan aad gelisay. Mustaqbalka Haldooradda aad xusho waxay noqon doonaan, kuwo si dhab ah u mudan aqoonsi, isla markaana door muuqda ka qaadan kara dhiirrigelinta jiilasha soo koraya.

Guud ahaan barnaamishkan Haldoor, waxaan u arkaa in uu xoojinayo kalsoonida dadweynaha, waxayna sare u qaadaysaa qiimaha dadaalka iyo waxqabadka wanaagsan ee aad bulshadda u hayso.

Mar kale, aad iyo aad baan idiinku bogaadinayaa shaqadiinna wanaagsan, waxaana idin rajeynayaa mustaqbalka guul iyo horumar dheeraad ah.

Mahadsanid.

Ixtiraam iyo qaddarin ayaad mudan tihiin adiga iyo asxaabtaada Haldoor.

W.Q: Maxamed Maxamuud Cadde

Habeenkii Haldoor 8
01/01/2026

Habeenkii Haldoor 8

31/12/2025

Habeenkii Haldoor-kii 8aad iyo halyay la haleelay. 😊🎖️👏
Haldoor


Sannad wacan🎉🥳

31/12/2025

Haldoor❓👀

31/12/2025

Haldoor❓
Ka bogo👇🏽

31/12/2025

Xalay iyo haldoorka 8aad.🤌🎖️👏🥰✌️👏👏👏👏👏👏

Address

Mogadishu

Telephone

+252617867790

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haldoor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Haldoor:

Share