AWOOD QARAN

AWOOD QARAN Awood Qaran- Madasha Arragti wadaaga iyo Horumarinta Dhallinyaradda.

29/01/2025

Kusoo dhawaada Twitter Awood Qaran.

Guddoomiyaha Awood Qaran, Mudane Siyad Mohamed HusseinGuddoomiyaha Awood Qaran,Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey, ayaa ku...
22/01/2025

Guddoomiyaha Awood Qaran, Mudane Siyad Mohamed Hussein

Guddoomiyaha Awood Qaran,Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Carsten Carlsen, Ku-simaha Safiirka (Charge d’Affaires) ee Safaaradda Norway. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ah udub-dhexaadka horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Guddoomiyaha iyo Carsten Carlsen ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo xirfadaha dhallinyarada, abuurista shaqooyin waara, iyo kor u qaadista ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aamada muhiimka ah ee dalka. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay iskaashiga Norway iyo Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hannaanka taageera dhallinyarada si ay u noqdaan hormuudka isbeddelka bulshada.

Carsten Carlsen waxa uu muujiyay sida ay Norway uga go’an tahay inay gacan ka geysato horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo barnaamijyo lagu dhisayo awooddooda, kor loogu qaadayo waxbarashada, iyo la dagaallanka shaqo la’aanta.

Guddoomiyaha Awood Qaran, Mudane Siad Mohamed Hussein, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan taageerada jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in ururkiisu uu sii wadi doono dadaallada ku wajahan dhallinyarada, isagoo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah.

Kulankan ayaa ku dhammaaday jawi is-afgarad iyo is-faham wada-jir ah oo ku saleysan danaha guud ee labada dhinac. Wuxuu calaamad u yahay horumarinta wada-shaqeynta Norway iyo Soomaaliya si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud ka yihiin.

AWOOD QARAN

Guddoomiyaha Awood Qaran Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey, waxa uu hambalyo diirran u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Soma...
19/11/2024

Guddoomiyaha Awood Qaran Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey, waxa uu hambalyo diirran u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, kaddib guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinnimada ee dhawaan la qabtay.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in doorashadaasi ay tahay guul u soo hoyatay hanaanka dimuqraadiyadda iyo talo-wadaagga, waxa uuna u rajeeyey Madaxweyne Cirro inuu si hufan u guto masuuliyadda loo igmaday. Waxa uu sidoo kale ku bogaadiyey inuu mudnaan siiyo nabadda, horumarka, iyo wadajirka shacabka Somaliland.

Awood Qaran waxa uu mar walba diyaar u yahay inuu ka qayb qaato dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la tixgelinayo rabitaanka iyo maslaxadda guud ee dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu Madaxweyne Cirro iyo dhammaan shacabka Soomaaliland u rajeeyey guul iyo barwaaqo, isaga oo ka codsaday inay sii wadaan dedaallada lagu dhisayo mustaqbalka qaran mideysan oo cadaalad iyo horumar ku dhisan.

Guddoomiyaha Awood Qaran Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey iyo Agaasimaha Guud ee Awood Qaran  mudane Abshir Ali Mohamud ...
16/09/2024

Guddoomiyaha Awood Qaran Hon. Siyad Mohamed Hussein Garey iyo Agaasimaha Guud ee Awood Qaran mudane Abshir Ali Mohamud oo caawa gaaray Guriga General Gaafow oo ay taalo Tacsida AUN Ugaaska Murusade ayaa Saxiixay Buugga Tacsida Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cade.

Guddoomiyaha ayaa u tacsiiyay ehelka, Qoys, Qaraabada iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed geerida ku timid ugaas Abdullahi waxaa uuna Allah uga baryay in Janatul Firdowsa ka waraabiyo Ugaaska.

Address

Makha Al-mukarama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AWOOD QARAN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to AWOOD QARAN:

Share