Somali Youth Development Party"SYDP"

Somali Youth Development Party"SYDP" Astaanteenu waa nabad iyo horumar. Hor dhac
Dhamaan wax garadka Soomaaliyeedow dib u eega waxaan shalay aheyn iyo sida aan maanta nahay.

Dhinac walba dalkeena hooyo waa hodon waana ka baahanahay. Hadaad ka eegto dhinaca xoolaha nool, kaluunka, ugaarta nooc yadeeda kala duwan, dhul beereedka baaxadda weyn oo aan u baahneyn in la bacrimiyo wax badan, hawada nadiifka ah, cadceedda kulul oo aan ka heli karno xoog koronto oo tayo wanaagsan leh iyo kheyraadka kale ee ku jira wadankeena. (Qof walba waa in uu ku fikiro wax soo saar)
Dhama

an kheyraadka Ilahey noo abuuray waa muhiimmin in aan uga faa’ideysanno dhinacayo badan oo wax tar noo leh. Shacabkeena waxa uu badaha ugu dhimanaayo waxaa u badan baahi iyo amni darro, sideedana baahi hadey timaado waxaa imaaneyso nabad la’aan (Social security problem) taas oo keeneyso in la isku rido meela aan wanaagsaneyn; sida dhaca,tahriibka, fadhi ku dirirka, balwadda lagu dhuminayo waqtiga; xitta haddaad weydiisu dad isticmaalo wuxuu dhahaa waqtiga aan isku dhaafinaa. Sidaas darteed dhamaan aqoon yannada Soomaaliyeed waxaa wanaagsan in ay u soo jeestaan arimaha horu marinta guud si loo gaar tan gaar ahaaneed si dhib uusan ku jirin. Hadaba aan ku dhaqaaqno sidi aan u sameyn laheyn horumarinta dhmaan dhinacyada waxsoo saarka si aynu gacmaheena ugu ciil beelno; Soomaalidu waxey dhahaan biyo gacmahaaga ayaa looga begaa. Mission
Inaanu ka shaqeyno horumarinta, soo saaridda xirfadla yaal kala duwan iyo shaqa abuuris ay ka faa’ideystaan dhamaan aqoon yanadda iyo xirfadleyda iyo xoogsatada Soomaaliyeed si ruux walba u helo fursad hadba meesha uu ku fiicnayahay; xoog xirfad xoolo iyo waayo arag nimo. Taakeeridda arimaha bulshada iyo caawinta dadka dan yarta ah sida waayeelada aan iyo caruurta waayay in ay wax bartaan
Aruurinta sources- ka la xariirra horumarinta deegaanka taas oo aan laga fikirin tan iyo xilligi ay burbrtay dowladdi dhex ee dalka Soomaaliya 1991. Inaanu ka madaxbanaano siyaasadaha jira, balse aan ku dhiiran karo ka shaqeynta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed, dhiiri gelino hay'adaha waxbarsahada iyo kuwa ka shaqeya howlaha horumarinta. ARAGTIDA (VISION)

Inaan ku waarno ahaanshiyaha hay’ad ka shaqeesa danta guud ee ummadda Soomaaliyeed isla markaasna xooga saarno arimaha horumatinta miyiga si ay reer miyugu uga faa’iideyaan kheyraadka ku sugan deegaamada ay ku nool yihiin. In aan ka shaqeyno sidi reer miyugu u helaan adeegyada aassaiga ah ee nolosha si aysan ugu qasbanaan in ay ka soo hayaamaan deemadooda oo ah meesha kaliya ee wadanku ka dhisanyahay maadaama nolosha magaaladu ku xirantahay wax yaabaha laga soo geliyo deegaamda baadiyaha. (sida raashinka caanaha,hilibka, qudaarta dhuxusha oo aanan ka gudbin weli in aan isticmaalno). OUR CORE VALUES: QIMEYGA

Aasaaska ugu muhiimsan ee udub dhexaadka Somali Agricultural Development Party SADP

Address

Mogadishu

Telephone

+252615583055

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Youth Development Party"SYDP" posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share