Daa'uud Youth Association DAYA

Daa'uud Youth Association DAYA Boga Saxda ee Ururka Dhalinyarada Daa'ud Wadasame (DAYA)

08/05/2026

Gudomiyaha dhalinyarada Daa'uud Mudane Saciid Muxudiin oo safar doorasho ugu ambabaxay magaalada Jowhar caasimada maamulka Hirshabeele.

URURKA DHALINYARADA DAA’UUD (DAYA) Cambaareyn Rasmi ahTaariikh: 01/10/2025Ku: Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka BanaadirUjee...
01/10/2025

URURKA DHALINYARADA DAA’UUD (DAYA)
Cambaareyn Rasmi ah
Taariikh: 01/10/2025

Ku: Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Ujeeddo: Cambaareyn ku aaddan beddelka magaca Waaxda Baariyow oo loo beddelay Galmudug

Ururka Dhalinyarada Daa’uud (DAYA) waxa uu si cad u cambaareynayaa go’aanka xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku beddelay magaca Waaxda Baariyow ee Degmada Garasbaaley, una beddelay magaca Galmudug, sida lagu xusay warqad tirsigeedu yahay DH/MG/GGM/01223/2025 kuna taariikheysan 23/09/2025.

DAYA waxa ay arrintan u aragtaa:

1. Ficil aan loo baahnayn oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, una muuqda mid ku saleysan dan gaar ah oo qabiil.
2. Mid dhaawaceysa wadajirka bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, gaar ahaan dhalinyarada ku nool gudaha caasimada.
3. Tallaabo abuuri karta nacayb ku saleysan qabiil, taasoo si cad uga hor imaaneysa danta guud ee bulshada caasimada.

Waxaan ku baaqeynaa:

- In si degdeg ah dib loogu noqdo go’aanka beddelka magaca.
- In la ixtiraamo taariikhda, deegaanka, iyo dareenka dadka deegaanka.
- In magaca Baariyow oo ay dadku la qabsadeen sanado badan lagu dhaafo sidii uu ahaa.

Ururka DAYA wuxuu mar walba u taagan yahay nabad, midnimo, iyo iskaashi dhalinyarada Soomaaliyeed. Tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qoqobid bulsho waxa ay naga mudan tahay cambaareyn buuxda.

Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa maamulka Gobolka Banaadir in ay ilaaliyaan xasilloonida bulshada, kuna saleeyaan go’aamadooda dan guud oo ka madax bannaan eex iyo kala sooc.

Wabilaahi Towfiiq

Ururka Dhalinyarada Daa’uud (DAYA)
Muqdisho, Soomaaliya

Gudoonka sare ee ururka DAYA oo caawa ka qeyb galay bandhiga baal furka Muqdisho iyo Madaale.
19/09/2025

Gudoonka sare ee ururka DAYA oo caawa ka qeyb galay bandhiga baal furka Muqdisho iyo Madaale.

Gudomiyaha golaha dhexe ee ururka DAYA, mudane Mowliid Cabdulle Cali Laflaawe, Gudomiye ku xigeenka DAYA, mudane Aweys M...
24/08/2025

Gudomiyaha golaha dhexe ee ururka DAYA, mudane Mowliid Cabdulle Cali Laflaawe, Gudomiye ku xigeenka DAYA, mudane Aweys Macalin Muxumed iyo Xogahaya ururka DAYA, Marwo Zamzam Maxamed Axmed ayaa ka horyimid xilka qaadista la sheegay inuu sameeyey gudomiayaha ururka DAYA mudane Saciid Muxudiin Afrax.

Address

Hirshabeelestreet
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daa'uud Youth Association DAYA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share