SOYPA

Directions

SOYPA Kusoo dhaawoow Urur Siyaasadeedka Dhallinyarada Soomaaliyeed oo afka qalaadna lagu dhaho Somali Youth Political Association (SOYPA).

02/10/2026

Waa arrin aad loogu farxo in haldoorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay soo fahmayaan doorasho beenaadkii aan horay uga digeynay.

Shacabka Soomaaliyeed muddo dheer ayay sugayeen inay mar uun arkaan doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa nasiib darro ah inay la kulmaan dhaqankan lagu niyad jebinayo rajadii ay ka qabeen doorasho dhab ah.

Cusmaan Seefweyn Mahadsanid.

29/09/2026

"Imisa ayaa Qaxday, Imisa Masaajidada Gasha Cabsi darteed, Dowladnimadan yar ee Muqdisho kaliya kajirta iyada ayaa la weyn doonaa hadii dhaqanka liita ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday caadeestay aan laga dhiidhinin" Gudoomiyaha Ururka SOYPA Mudane Abukar Macalin Maxamed.

👀
29/09/2026

👀

23/09/2026

Xoghayaha Guud ee Ururka SOYPA, Mudane Ahmed Bulshawi, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ugu tegay ardayda Dugsiga Sare ee Waberi.

Xoghayaha ayaa ardayda kala hadlay muhiimadda waxbarashada, kuna dhiirrigeliyey inay ku dadaalaan aqoontooda si ay mustaqbalka kaalin muuqata uga qaataan horumarka dalka.

Sidoo kale, wuxuu kala hadlay muhiimadda dowladnimada iyo in aysan aqbalin in lagu dulmiyo magaca ama shaatiga dowladnimada, isla markaana ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka hoggaanka, iyagoo ka bilaabaya hoggaanka degmada, maamulka iyo ugu dambayn heerka dalka.

Xoghayaha ayaa uga mahadceliyey maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare ee Waberi soo dhaweynta diirran.

22/09/2026

Xoghayaha Guud ee Ururka SOYPA, Mudane Ahmed Bulshawi, ayaa booqday Xarunta Farsamada Gacanta ee Prof. Cadow ee degmada Gaalkacyo, Galmudug.

Booqashada ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha farsamada gacanta, horumarinta aqoonta iyo kobcinta fursadaha dhallinyarada, iyadoo Xoghayaha Guud uu indha indheeyay howlaha iyo adeegyada ay xaruntu u qabato bulshada.

Xoghayaha ayaa bogaadiyay dadaalka maamulka iyo macallimiinta xarunta ay ku bixiyaan baridda dhallinyarada xirfadaha kala duwan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho iyo xirfadeed oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan.

21/09/2026

Xoghayaha Guud ee Ururka SOYPA, Mudane Axmed Bulshawi, oo ka qayb galay munaasabadda Maalinta Nabadda Adduunka ee lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo iyo guud ahaan Mudug waxaa ka jirta nabad, inkastoo nidaamka uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo dhaafka ah uu isku dayay inuu bulshada Gaalkacyo iska horkeeno, balse uu ku fashilmay.

Bulshada reer Gaalkacyo waxay fahmeen dhagarta ay wadaan Madaxweynaha mudo dhaafkaa Xasan Shiikh Maxamuud iyo kooxdiisu, taas oo lidi ku ah dowladnimada iyo wadanoolaanshaha bulshada.

MAGACAABIS Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SOYPA) wuxuu si rasmi ah ugu hambalyaynayaa Mudane Hanad Ahmed ...
20/09/2026

MAGACAABIS

Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Soomaaliyeed (SOYPA) wuxuu si rasmi ah ugu hambalyaynayaa Mudane Hanad Ahmed Mohamed oo loo magacaabay maareyaha barnaamijyada Soypa platform

SOYPA waxay ku kalsoon tahay kartidiisa, khibraddiisa iyo dadaalkiisa, waxayna u rajaynaysaa inuu si hufan oo masuuliyad leh uga soo baxo xilkan cusub.

Waxaan Mudane Hanad Ahmed Mohamed u rajaynaynaa guul iyo horumar, waxaana ku kalsoonahay doorka muhiimka ah ee uu ka qaadan doono horumarinta barnaamijyada iyo howlaha Soypa Platform.

19/09/2026

Xoghayaha Ururka SOYPA, Axmed Bulshaawi, ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaybaha bulshada iyo dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray midnimada iyo wada jirka dhallinyarada, ilaalinta dowladnimada iyo doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka bulshada, isagoo sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in cod loo noqdo danyarta iyo dadka ay barakicisay dowladda, lana garab istaago baahiyahooda iyo xuquuqdooda.

Xoghayuhu wuxuu intii uu kulamadu socdeen warbixin ka bixiyay howlaha, qorshayaasha iyo dadaallada Ururka SOYPA, isagoo dhallinyarada ku boorriyay inay si firfircoon uga qayb qaataan arrimaha bulshada iyo dowladnimada.

18/09/2026

Dhalinyarada magaalada Galkacyo ayaa hadallo kala duwan ka jeediyay soo dhaweynta Xoghayaha Guud ee SOYPA, Mudane Axmed Bulshaawi, iyagoo ka hadlay muhiimadda SOYPA iyo doorka uu ku leeyahay matalaadda codka dhalinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sidoo kale bogaadiyeen dadaallada iyo hawlaha uu ururku ugu jiro horumarinta doorka dhalinyarada Soomaaliyeed.

18/09/2026

Waxaa Maanta Magaalada Galkacyo si diiran Farxadi ku Dheehan Tahay loogu soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Ururka (SOYPA), Mudane Axmed Bulshaawi.

Soo dhaweyn heer sare ah ayaa loogu sameeyay magaalada, iyadoo bulshada iyo dhalinyaradu ay muujinayeen sida ay u daneynayaan doorka dhalinyarada ee siyaasadda iyo mustaqbalka Soomaaliya

Dhalinyaradu Waxay ugu Hambalyeeyen Dadaalada uu ugu jiro Si bulshada somaliyeed ay uhelaan Codka shacabka Iyo Matalaad Dhab Ah.

Address

Makka Al-Mukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SOYPA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share