SOYPA

SOYPA Kusoo dhaawoow Urur Siyaasadeedka Dhallinyarada Soomaaliyeed oo afka qalaadna lagu dhaho Somali Youth Political Association (SOYPA).

28/08/2026

Hogaanka SOYPA iyo qaar kamid ah xubnaheeda oo si mug leh uga qeyb qaatay soo dhaweynta Gudoomiyhii h**e Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banadir, Mudane Cali Yare Cali.

Gudoomiyaha, wuxuu in badan garab iyo gaashaan u ahaa halganka Ururka SOYPA ee difaaca dowladnimada, iyo guud ahaan cid kasta oo magaca dowladnimada lagu dhibaateeyay.

Gudoomiye markale kusoo dhawoow Dalkaaga Hooyo, gaar ahaan Caasimadda Umadda Soomaaliyeed.

Soo dhoweyn iyo garab istaag.Hogaanka SOYPA iyo xubnaheeda oo isku duuban waxay qeyb ka yihiin soo dhaweynta Gudoomiyhii...
28/08/2026

Soo dhoweyn iyo garab istaag.

Hogaanka SOYPA iyo xubnaheeda oo isku duuban waxay qeyb ka yihiin soo dhaweynta Gudoomiyhii h**e Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banadir, Mudane Cali Yare Cali.

Gudoomiyaha, wuxuu in badan garab iyo gaashaan u ahaa halganka Ururka SOYPA ee difaaca dowladnimada, iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee halgankaas qeybta ka aheyd.

Mudane Gudoomiye kusoo dhawoow Dalkaaga Hooyo, gaar ahaan Caasimadda Umadda Soomaaliyeed. SOYPA-na waxay kuu garabtaagan tahay sidii aad shalay u garab istaagtay.

27/08/2026

Shir-Saxaafadeed👇

Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Khataraha Tahriibka.

25/08/2026

Madaxwaynaha waqtigiisu dhamaaday damiirkii iyo dadnimadii ayuu Ka dhintay, Waxaa masuuliyad ka saarneed dhamaan umadda Soomaaliyeed, balse wuxuu noqday nin hantida umadda u xoog weyn!

24/08/2026

"Ganacsatada iyo masuuliyiinta Dowlada Waxay Caadeesteen in hantida shacabka iyo Barakicinta umada soomaaliyeed Ay ka ganacsadaan".

23/08/2026

Xoghayaha Guud ee Ururka SOYPA Ahmed Bulshaawi ayaa si adag u dhaliilay nidaamka dowladeed ee dalka, isaga oo ku tilmaamay mid aan lahayn hannaan sax ah oo ku dhisan dowladnimo, isla-xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda shacabka.

Wuxuu sheegay in shacabka ay wajahaan barakicin, iyo tallaabooyin sii kordhinaya dhibaatada bulshada, taas oo muujinaysa fashil ku yimid maamulka iyo masuuliyadda dowladeed.

23/08/2026

Gudoomiyaha Ururka SOYPA, Mudane Abukar Macalin Maxamed ayaa goordhow shir jaraa'id oo deg deg ah ka qabtay xaaladda adag ee dalka uu ku sugan yahay, gaar ahaan dhacdadii maanta ee degmada yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda tokyo.

Waxaan aad uga xunahay dhibaatada iyo tacaddiyada loo geysanayo shacabka iyo qoysaska Soomaaliyeed.Dowladda waqtigeedu d...
23/08/2026

Waxaan aad uga xunahay dhibaatada iyo tacaddiyada loo geysanayo shacabka iyo qoysaska Soomaaliyeed.

Dowladda waqtigeedu dhammaaday, oo u muuqata inaysan xishood iyo ixtiraam midna u hayn shacabka, ayaa xalay saqdii dhexe 3:00-da habeenimo, guryaha shacabka si khasab ah ugu galay, iyadoo qoysaskii iyo carruurtii ay hurdaan, guryahiina lagu dul dumiyay, taasi ma aha nidaam sharci iyo mid bini’aadantinimo waafaqsan.

Maanta waxaa nasiib darro ah in shacabka Soomaaliyeed iyo carruurtoodii ay ku noolaadaan cabsi iyo dagaal u eg xaaladda Gaza. Waa musiibo iyo fashil siyaasadeed oo aan la aqbali karin.

Xasan iyo dowladdiisu waa inay ogaadaan in shacabka Soomaaliyeed aysan ahayn dad la caburin karo, Dowladdu waa inay ilaalisaa shacabka, sharciga iyo karaamada qoysaska Soomaaliyeed ku tumashadooda ma aha wax cudur daar loo heli karo.

Urur Siyaasadeedka SOYPA, wuxuu si weyn u bogaadinayaa geesinnimada ay muujiyeen labada dhallinyaro ee reer Ruunirgood, ...
18/08/2026

Urur Siyaasadeedka SOYPA, wuxuu si weyn u bogaadinayaa geesinnimada ay muujiyeen labada dhallinyaro ee reer Ruunirgood, kuwaas oo khaarijiyay mid kamid ah horjoogayaasha khawaarijta Alshabaab, Waa tallaabo mudan in lagu daydo, waxayna caddeyn u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin karti iyo dhiirranaan ay dalkooda ku difaacaan.

Hase yeeshee, dowladda waxaa laga doonayaa inay geesinnimada shacabka u beddesho awood qaran oo nidaamsan, ayna ka faa'iidaysato aqoonta iyo fahamka ay dadka deegaannadu u leeyihiin dhulkooda.

Afartii sano ee la soo dhaafay, dowladda waxay ku guuldarreysatay inay keento natiijo waarta oo lagu ciribtirayo Khawaarijta; deegaanno badan oo la xoreeyeyna mar kale ayay gacantooda galeen. Halganka aan lahayn istaraatiijiyad cad iyo qorshe lagu sugayo deegaannada la xoreeyo, wuxuu sababayaa in naf hurka ciidamadeennu uusan dhalin natiijadii laga filayey.

Maanta, dalka waxaa ka weyn xoreynta deegaanada, in la dhowro sharciyadda dowladnimada, lana helo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo doorasho loo dhan yahay. Dagaalka Khawaarijta looma adeegsan karo marmarsiiyo lagu hareer maro xal siyaasadeed, sharci iyo doorasho ay Soomaalidu ku wada qanacsan tahay.

SOYPA waxay ugu baaqaysaa dhinacyada siyaasadda inay dalka ka badbaadiyaan khilaaf kale, ayna mudnaanta siiyaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, doorasho loo dhan yahay iyo dowladnimo ku dhisan sareynta sharciga.

17/08/2026

Kalmadda Guddoomiyaha Guud ee Urur Siyaasadeedka SOYPA, Mudane Abukar Moallim Mohamed, oo uu ka jeediyay munaasabadda soo xiritaanka tababar ay soo qabanqaabisay Madasha 𝐒𝐎𝐘𝐏𝐀 𝐕𝐢𝐬𝐢𝐨𝐧 𝐇𝐮𝐛, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Dhallinyarada iyo Dhismaha Dowladnimada”, loona qabtay wakiillada degmooyinka Gobolka Banaadir ee Urur Siyaasadeedka SOYPA.

Address

Makka Al-Mukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SOYPA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share