Ururka Danwadaag

Ururka Danwadaag Ururka Danwadaag waa Dhalinyaro isxilqaantay una taagan taageerida dadkooda iyo dalkooda. Danwadaag Waa Danta Ummada Soomaaliyeed

27/07/2026

Ururka Danwadaag ayaa isu xilqaantay inay garab istaag u noqdaan carruurta iyo qoysaska u baahan taageerada waxbarashada. Tani waxay muujinaysaa in dhalinyaradu aysan ahayn oo keliya rajada berri, balse ay yihiin kuwa maanta bulshada wax u qabanaya.
Waxbarashadu waa aasaaska horumarka bulshada. Qof kasta oo gacan ka geysta sidii ilmo uu u heli lahaa fursad waxbarasho, wuxuu dhisayaa mustaqbal wanaagsan oo ummadda oo dhan u horseedaya horumar.
Mahadsanidiin dhalinyarada Ururka Danwadaag dadaalkiinna, naxariistiinna iyo sida aad uga go'an tihiin adeegga bulshada. Ilaahay ha idinka abaalmariyo camalkiinna wanaagsan.
"Carruurta maanta la taageeraa waa hoggaamiyeyaasha berri.

Mahadsanidiin.
Adan Abdi Omar (Amoore)
Guddoomiyaha Ururka Danwadaag

24/07/2026

Qaar kamid ah dhallinyarada ururka denmark ayaa maanta ka qeybgalay barnaamij ay qabanayeen ururka dhaqaatiirta soomaaliyeed waxaana halkaas hadal ka jeediyay dalmar cadow oo kamid ah xubnaha ururka dan-wadaag wadaag marwalba wuxuu taagan yahay bulshada soomaaliyeed qaybaheeda aan awoodin inaan helaa caafimaad waxbarasho iyo meel ay jiiftaan ururka degmada waa astaan u taagan l bulshada soomaaliyeed

Bismillaahir Raxmaani RaxiimWaxaan anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Ururka Danwadaag, si kal iyo laab ah ugu mahad ...
22/07/2026

Bismillaahir Raxmaani Raxiim
Waxaan anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Ururka Danwadaag, si kal iyo laab ah ugu mahad celinayaa Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association) shahaado-sharafta ay ku maamuuseen Ururka Danwadaag.
Abaalmarintan qiimaha badan waxay noo tahay dhiirrigelin iyo aqoonsi muujinaya in dadaalka iyo adeegga aan u hayno bulshada Soomaaliyeed la arkay lana qadariyay. Waa sharaf aan la wadaagno dhammaan xubnaha Ururka Danwadaag, mutadawiciinta, taageerayaasha iyo cid kasta oo nagu garab istaagtay sidii aan u gudan lahayn waajibaadkeenna bulsho.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hoggaanka iyo dhammaan xubnaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed sida ay u garteen hawlaha samafal iyo adeegga bulshada ee Danwadaag. Waxaan ballanqaadaynaa in abaalmarintani ay nagu sii dhiirrigelin doonto inaan laba jibbaarno dadaalkeenna, isla markaana aan sii wadno u adeegidda bulshada si daacadnimo, hufnaan iyo mas'uuliyad ku dheehan tahay.
Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa in iskaashiga ka dhexeeya Ururka Danwadaag iyo Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu sii xoogeysan doono, si wadajirna aan uga qeyb qaadanno horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin.
Adan Abdi Omar (Amoore)
Guddoomiyaha Ururka Danwadaag

14/07/2026

Ururka Danwadaag, oo ay ku mideysan yihiin dhalinyaro is abaabushay kuna mideysan samafal iyo horumarinta bulshada, ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo waxbarashada carruurta danyarta ah.
Ururku wuxuu isla gartay in tiro carruur ah oo ka soo jeeda qoysaska danta yar, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ee u dhow Deegaanka Garisbaaley, la siiyo waxbarasho lacag la'aan ah oo laga hirgelinayo Shanahan Schoolka Dooxa.
Barnaamijkan wuxuu ujeedkiisu yahay in carruurta laga caawiyo helitaanka waxbarasho tayo leh, lana yareeyo caqabadaha dhaqaale ee hortaagan mustaqbalkooda. Waa tallaabo muujinaysa in iskaashiga dhalinyarada iyo dadaalka bulshada uu horseedi karo isbeddel wanaagsan.
Ururka Danwadaag wuxuu ugu baaqayaa bulshada, ganacsatada, iyo dhammaan dadka samafalka jecel inay garab istaagaan dadaalladan si carruur badan oo kale ay u helaan fursad waxbarasho oo iftiimisa mustaqbalkooda.
Waxbarashadu waa furaha horumarka bulshada, carruur kastana waxay mudan tahay fursad ay ku barato kuna xaqiijiso riyadeeda.

Waxan Hambalyo diirran  u diraynaa dhammaan ardayda u fariisaneysa maalinta berito 15/06/2026 Imtixaanka Shahaadiga Fasa...
14/06/2026

Waxan Hambalyo diirran u diraynaa dhammaan ardayda u fariisaneysa maalinta berito 15/06/2026 Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026, Waxaan idiin rajaynayaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya. Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwo ku guulaysta dadaalkiinna iyo himilooyinkiinna.
Guul iyo gobannimo ayaan idiin rajaynayaa. Hambalyo mar kale, ardayda qiimaha badan ee ufadhisaneysa imtixanka fasalka 8aad.

Bismillaahir Raxmaani RaxiimUrurka Danwadaag  wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barak...
26/05/2026

Bismillaahir Raxmaani Raxiim
Ururka Danwadaag wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa. Ciiddaan kheyrkeeda iyo farxaddeeda Allaha nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
Sidoo kale,Ururka Danwadaag wuxuu bulshada ugu baaqayaa in la garab istaago dadka danyarta ah, agoonta, barakacayaasha iyo qoysaska aan awoodin inay dareemaan farxadda Ciidda.
Barnaamijkan samafalka ah wuxuu diiradda saaraya.
Qeybinta Hilibka Udxiyada,Taakuleynta qoysaska danta yar,Farxad gelinta agoonta iyo carruurta tabaaleysan,Gaarsiinta kaalmooyinka xeryaha barakacayaasha.
Farxadda Ciiddu waxay sii qurux badnaataa marka lala wadaago walaalaha baahan ee danta yar.
Wax yar oo aad bixisana waxay farxad u noqon kartaa qoys dhan.

๐ŸŒ™ Ciid Wanaagsan ๐ŸŒ™Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan! Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, ...
19/03/2026

๐ŸŒ™ Ciid Wanaagsan ๐ŸŒ™

Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan! Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay.

Waxaan idin rajeynayaa farxad, nabad, iyo barwaaqo joogto ah. Ilaahay ha idin siiyo caafimaad, cimri dheer, iyo kheyr badan.

Ciiddan ciiddeeda kale caafimaad iyo bashbash ha inagu gaarsiiyo.Ciid Wanaagsan! ๐ŸŽ‰๐Ÿค

Ururka Danwadaag ayaa qabtay barmaamijka afuri walaalkaa oo maanta loogu duceynaayey walaalkeen Abdurahman Deelaal,Ilaah...
16/03/2026

Ururka Danwadaag ayaa qabtay barmaamijka afuri walaalkaa oo maanta loogu duceynaayey walaalkeen Abdurahman Deelaal,

Ilaahay ha u naxariisto walalakeen qabrigiisana alle ha u nuuriyo, janatul fardawsana alle ha ka waraabiyo, aamiin

Samafalku ma aha hadal oo keliya waa ficil muuqda Waa waajib bulsho iyo mid diini ah in aan garab istaagno walaalaheenna...
01/03/2026

Samafalku ma aha hadal oo keliya waa ficil muuqda Waa waajib bulsho iyo mid diini ah in aan garab istaagno walaalaheenna u baahan taageerada ee ku nool duleedka mugdisho walal ka qeyb qaado afuri Ururka Danwadaag
Ilaahay ha ka abaal mariyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay kuwa waqtigooda bixiyay, kuwa hantidooda ku taageeray, iyo kuwa ducada ku garab istaagay

fadlan ka qeyb qaado barnamijka afuri walaalka 0616315904

Ururka Danwadaag ayaa wada barnaamijka afuri walaalkaa sooman.fadlan ka qeyb qaado barnaamijka afuri walaalkaa 061631590...
28/02/2026

Ururka Danwadaag ayaa wada barnaamijka afuri walaalkaa sooman.

fadlan ka qeyb qaado barnaamijka afuri walaalkaa 0616315904

Address

Mogadishu

Telephone

+252612492310

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Danwadaag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share