Green Media Initiative - GMI

Directions Website

Green Media Initiative - GMI Our work include producing documentaries, films, messages, radio programs and podcasts focusing on green sectors and climate impact.
(3)

GMI is Somalia’s first environmental advocacy, climate communication, and media organization dedicated to advancing climate awareness, resilience, sustainable action, and youth and community engagement for a greener future. 🌱🌍 Green Media Initiative, (also known as Warbaahinta Cagaaran in Somali) is Somalia's first green media hub, committed to promoting environmental awareness and sustainability. GMI brings together senior journalists, agronomists, environmentalists, and climate activists to achieve significant impacts on climate change in the Somali context. 'sGreenVoices.

20/09/2026
17/09/2026

Bandhigga “𝐌𝐚𝐝𝐞 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚” (Lagu sameeyay Soomaaliya) ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo lagu taageerayo wax-soo-saarka gudaha. Dhallinyaro iyo shirkado maxalli ah ayaa halkaas ku soo bandhigay alaabooyin iyo fikrado cusub oo ay gudaha Soomaaliya ku sameeyeen.

16/09/2026

Bulshada oo loogu baaqay inay u diyaar-garoobaan roobabka Deyrta 2026 kuwaas oo keeni kara daadad iyo Fataahado xoogan.

09/09/2026

Roob culus oo aan h**e loo arag ayaa ku dhuftay magaalada Nagoya ee Japan, iyadoo hal saac gudaheed uu da’ay 104.5 millimitir oo roob ah, taasi oo fashilisay nidaamkii biyo mareenada ee magaalada. Roobka oo aad uga sareya heer cabirada caadiga ah ayaa sababay fatahaad balaaran iyo hakad weyn oo ku yimid nolol maalmeedka bulshada.

06/09/2026

Somali Green Awards 💚 🙌

Way ka quusteen guryahoodii, way ka guureen deegaankii. Carruurtii ku kortayna, dib uma arki doonaan jidadkii iyo xaafad...
05/09/2026

Way ka quusteen guryahoodii, way ka guureen deegaankii. Carruurtii ku kortayna, dib uma arki doonaan jidadkii iyo xaafadihii ay ku ciyaari jireen!. 👇

Waxaa soo fool leh El Niño aad u xooggan “Super El Niño”, waxaana laga yaabaa inay noqoto tii ugu xoogga badnayd ee abid...
04/09/2026

Waxaa soo fool leh El Niño aad u xooggan “Super El Niño”, waxaana laga yaabaa inay noqoto tii ugu xoogga badnayd ee abid la diiwaangeliyo, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Hay’adda Saadaasha Cimilada Adduunka (WMO) waxay saadaalisay in ay ku dhowdahay 100% fursadda ay El Niño sii jiri doonto illaa Febraayo 2027.

Sida saadaashu tilmaamayso, deegaannada koonfurta Soomaaliya iyo qaybo kale oo Bariga Afrika ah waxaa jira 90% fursad ah in roobabku ka bataan celceliskii caadiga ahaa, iyadoo roobabka xilliyeed ay gaari karaan in ka badan 400 millimitir.

Tani waxay kordhin kartaa khatarta fatahaadaha iyo daadadka, gaar ahaan deegaannada ku dhow wabiyada, dhulbeereedka iyo magaalooyinka aan lahayn marin-biyoodka ku filan.

WMO waxay sidoo kale sheegtay in 2027 ay suuragal tahay inuu noqdo sannadka ugu kulul ee abid la diiwaangeliyo.

Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika, diyaar-garowga iyo digniinta h**e waa muhiim. Hay'adaha iyo shakhsiyaadka waxa ay qaadan karaan door muhiim ah.

01/09/2026

Hay'adda SODMA Somalia ayaa soo saartay digniin ku saabsan saameynta la filayo ee 𝗘𝗹 𝗡𝗶ñ𝗼 inta lagu jiro xilli-roobaadka Deyrta 2026, iyadoo bulshada iyo hay’adaha lagu boorinayo inay xoojiyaan diyaar-garowga iyo tallaabooyinka ka hortagga khataraha. Halkan ka daawo.

Saadaasha roobka Deyrta 2026 waxay muujinaysaa 90% fursad roobab ka badan intii caadiga ahayd ay ka da’aan bartamaha ila...
25/08/2026

Saadaasha roobka Deyrta 2026 waxay muujinaysaa 90% fursad roobab ka badan intii caadiga ahayd ay ka da’aan bartamaha ilaa koonfurta Soomaaliya iyo qaybo badan oo Geeska Afrika.

Haddaba, maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya? Sidee ayay u saameyn kartaa magaalooyinka, beeraha, xoolaha iyo bulshooyinka nugul? Maxaase la qaban karaa ka hor inta aysan fatahaaduhu dhicin?

Hussein Mohamed iyo Abdiweli Sulaiman Abdi, oo ah khubaro ku takhasusay la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo maaraynta khatarta musiibooyinka, ayaa arrimahan iyo tallaabooyinka diyaar-garowga ku eegay maqaal cusub oo muhiim ah.

👉 Akhri maqaalka oo buuxa: https://gmi.so/ka-hor-fatahaadaha-sida-saadaasha-roobabka-deyrta-2026-loogu-beddeli-karo-tallaabooyin-diyaargarow-oo-wax-ku-ool-ah/

Address

Hodan
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Green Media Initiative - GMI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share