12/10/2026
MAAN-DHIS Talks: "Peace is a Practice" waxay isku keentay daneeyayaal ka socda Golaha Dhallinyarada Soomaaliyeed, matalaadda haweenka, machadyada tacliinta, dowladda, iyo ururada bulshada rayidka ah, si looga hadlo xoojinta ka qaybgalka dhinacyada maxalliga ah ee dhismaha nabadda iyo go'aan-qaadashada, loona gaadho adkeysi iyo xasillooni waarta Soomaaliya. πΈπ΄ποΈ
Mashruucan waxa ka faa'iidaysan doona degmooyinka la doortay ee kala ah: Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beledweyne, Xudur, Dhuusamareeb, iyo Gaalkacyo, iyo sidoo kale caasimadda Muqdisho.
Nabadda waarta waxaa lagu dhisaa ka-qaybgal, go'aan wadajir ah, iyo adkeysiga bulshada.