Heritage Institute

Heritage Institute The Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) is Somalia's first think tank, based in Mogadishu. (No links to Heritage Foundation in the U.S.)

It aims to inform and influence public policy through research and analysis. The Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) is a new, Mogadishu-based independent, nonprofit, nonpartisan think tank, aimed at informing and influencing public policy and practice in Somalia and the Horn of Africa, and to promote a culture of research and learning

11/10/2026

🎤 Aragtida Ka Qeybgalayaasha:

🎙️Maxay ka yiraahdeen ka qeybgalayaashii badhigga daraasadda: "Dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle: Caqabadaha iyo Fursadaha”.

11/10/2026

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ku qabtay Madasha soo Bandhigidda Daraasadda “Dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle: Caqabadaha iyo Fursadaha.”

Madasha waxaa ka soo qeyb galay marti Sharaf gaaraysa 350, kuwaas oo isugu jira hoggaamiyeyaal siyaasadeed, cilmibaarayaal, hoggaan dhaqan, culumo, bulshada rayidka ah, haween, dhallinyaro, iyo ganacsatada Soomaaliyed.

Agaasime ku xigeenka Machadka Heritage Dr. Cabdirashiid Ismaaciil oo martida ku soo dhaweeyay Madasha ayaa ka hadlay u jeedada madasha, heerarkii kala duwanaa ay soo martay daraasadda uu Machadka soo bandhigay, waxa uu xusay in daraasaddaan ay taabanaysa sababihii keenay khilaafka dheeraaday ee ka jira maamulka Hirshabeelle oo 10 sanno jirsaday, isaga oo ku taliya in la akhriyo Dasaaradda.

Mudane Saadaad Maxamed Nuur (Saadaat Aliyow), Wasiir Dowlaha Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta oo si rasmi ah u daahfuray madasha ayaa ku bogaadiyay Machadka kaalinta ay isku xilqaamayn soo saarista Daraasaddaan.

Inta ay socotay madasha waxaa lagu soo bandhigay laba dood fagaare, oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan BFS, Wasiirro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Guddoomiyihii h**e ee Guddiga doorashooyinka, iyo Xubno kale, ka qeyb galayaasha ayaa fursad u helay in su’aalo ay waydiiyaan madaxda dooda ka qey ka gashay.

Agaasime ku xigeenka Machadka Heritage Dr. Cabdirashiid Ismaaciil ayaa soo xiray Madasha, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la wada hadlo, waxa uu ka dhawaajiyay in Machadka uu badin doona doodahaan oo kale si loo gaaro xal.

Agaasime ku xigeenka Machadka Heritage Dr. Cabdirashiid Ismaaciil ayaa soo xiray Madasha soo Bandhigidda Daraasadda “Dhi...
11/10/2026

Agaasime ku xigeenka Machadka Heritage Dr. Cabdirashiid Ismaaciil ayaa soo xiray Madasha soo Bandhigidda Daraasadda “Dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle: Caqabadaha iyo Fursadaha.”

Dr. Cabdirashiid ayaa sheegay in loo baahan yahay in la wada hadlo, waxa uu ka dhawaajiyay in Machadka uu badin doona doodahaan oo kale si loo gaaro xal.

“Waxaan ku bogaadinayaa Heritage agaasinka Madashaan, waxaa halkaan nooga muuqda in loo baahan yahay doodaan oo kale si ...
11/10/2026

“Waxaan ku bogaadinayaa Heritage agaasinka Madashaan, waxaa halkaan nooga muuqda in loo baahan yahay doodaan oo kale si xal waare looga gaaro khilaafka ka taagan maamulka Hirshabeelle.”

—Mudane Xasan Xundubeey Jimcaale, Wasiir h**e Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya

“Waxaan nahay beesha saddexaad ee ugu badan kuraasta Golaha Wakiillada ee Hirshabeelle, haddane ma helno saddexda xil ug...
11/10/2026

“Waxaan nahay beesha saddexaad ee ugu badan kuraasta Golaha Wakiillada ee Hirshabeelle, haddane ma helno saddexda xil ugu sarreysa mid ka mid ah, waxa aan rabnaa in nala siiyo saddexda xil ugu sarreysa mid ka mid ah.”

—Eng. Aweys Maxamed Afrax, Siyaasi u dhaqdhaqaaqa Beelaha Laheyb sooco.

“Machadka Heritage waan bogaadineynaa maanta waxa uu door siisayay beesha Jareerweyne kuwaas oo aan doodaha qeyb ka ahay...
11/10/2026

“Machadka Heritage waan bogaadineynaa maanta waxa uu door siisayay beesha Jareerweyne kuwaas oo aan doodaha qeyb ka ahayn, hadda waxaa garbahayga fadhiya laba mas’uul oo ka soo kala jeeda labada beel ee isku haysta Hirshabeelle.”

—Eng. Aweys Maxamed Afrax, Siyaasi u dhaqdhaqaaqa Beelaha Laheyb sooco.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heritage Institute posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share