Garaadkobac

Garaadkobac Naadiga Garaadkobac waa naadi Akhris-Qoraal, kaas oo la dhisay 2018. Naadiga waxa uu qabtaa gorfayn joogto ah, akhris wadareedyo, bandhigyo iyo tababbarro.

Galab iyo GorfaynShalay galab oo ay ahayd maalin jimco ah taariikhduna ku beegnayd 19 Sibteembar 2026, naadiga Garaadkob...
19/09/2026

Galab iyo Gorfayn

Shalay galab oo ay ahayd maalin jimco ah taariikhduna ku beegnayd 19 Sibteembar 2026, naadiga Garaadkobac waxaa u qabsoomay kulankoodii jimco dhaafka ahaa, kaas oo lagu gorfeeyay buugga (الي الظل، قوانين للحياة) Oo uu qoray Qoraa Cali bin jaabir(Alfaqiih), uuna soo jeedinayey Qoraa Ayuub xaaji axmed.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen dhalinyaro kala duwan, ayaa Gorfaynta ka dib waxaa lagu wadaagay aqoon, khibrad iyo ibarasho u dhaxaysay dhalinyarada iyo martida kasoo qayb gashay kulanka.

Garaadkobac, ugu imow Aqoon, khibrad iyo xiriir bulsho.

Naadiga Aqriska iyo qoraalka ee Garaadkobac waxuu kugu martiqaadayaa gorfaaynta buugga " إلي ألظل  قوانين للحيا ة"  oo u...
16/09/2026

Naadiga Aqriska iyo qoraalka ee Garaadkobac waxuu kugu martiqaadayaa gorfaaynta buugga " إلي ألظل قوانين للحيا ة" oo uu qoray Cali bin Jaabir (Alfaqiih), uuna noosoo jeedin doono Qoraa, Ayub Xaaji Axmed.

Waqtiga: 18 Sebtembar 2026, (3:00 Galabnimo)
Goobta: Dream International School, agagaarka Jaamacadda Plasma

Nagala soo qaybgal kulan aqooneedkan qiimaha badan, oo ka faa’iid aqoon iyo khibrad.

Waxaa dhawaan dhici doona baalfurka buugga KALKAALIN oo ay qortay, qoraa Xaawa Cabduqaadir  Cumar (Ardayad)  oo ah xubin...
12/09/2026

Waxaa dhawaan dhici doona baalfurka buugga KALKAALIN oo ay qortay, qoraa Xaawa Cabduqaadir Cumar (Ardayad) oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan bahda Qalinka iyo Buugga Ee Garaadkobac.

Halkan isha ku haaya, si aad ula socotaan waqtiga rasmiga ah ee uu dhici doono bandhigga buugga.

OGEYSIIS Dhammaan daneeyayaasha waxaa la ogeysiinayaa inay si rasmi ah u furantahay diiwaangelinta xubnaha cusub ee Naad...
05/09/2026

OGEYSIIS

Dhammaan daneeyayaasha waxaa la ogeysiinayaa inay si rasmi ah u furantahay diiwaangelinta xubnaha cusub ee Naadiga Garaadkobac, kaasoo ah naadi aqooneed oo ka shaqeeya kobcinta akhriska, qoraalka iyo garaadka bulshada.

Haddii aad tahay qof jecel inuu kobciyo maskaxdiisa, naftiisana ku hormariyo akhriska iyo qoraalka tolmoon, tani waa fursaddaada ee kaalay oo nagu soo biir!

Si aad isu diiwaangeliso, fadlan la soo xiriir lambarkan: 0618352775.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin  udiraynaa Ayuub Xaaji Axmed Iyo Cabdiraxman Sheekh AxmedKana mid ah Xubnaha Naadiga Aqrisk...
26/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin udiraynaa
Ayuub Xaaji Axmed Iyo
Cabdiraxman Sheekh Axmed
Kana mid ah Xubnaha Naadiga Aqriska Iyo Qoraalka Garaadkobac oo maanta difaacday
Buuggoodii jaamacadda kulliyadda shareecada Iyo Qaanuunka

Cilmiga aad barateen eebe Ha idinkaga dhigo mid Diinta Dadka Iyo Dalkaba anfaca insha-allaah

GALAB IYO GORFAYNKulankii Isbuuc Dhaafka Iyo Gorfaynta buugga Maanfur ee uu Qoray Cabdinaasir Sahal Ustaad Maxamed Garaa...
22/08/2026

GALAB IYO GORFAYN

Kulankii Isbuuc Dhaafka Iyo Gorfaynta buugga Maanfur ee uu Qoray Cabdinaasir Sahal

Ustaad Maxamed Garaad ayaa Inoo Jeediye Soo koobida Buugga




Garaadkobac

GALAB IYO GORFAYNKULANKA JIMCAHA IYO BUGGA MAANFUR USTAAD MAXAMED GARAAD AYAA INOO SOO JEEDINAYA KASO QAYB GAL WACAN   I...
20/08/2026

GALAB IYO GORFAYN

KULANKA JIMCAHA IYO BUGGA MAANFUR
USTAAD MAXAMED GARAAD
AYAA INOO SOO JEEDINAYA
KASO QAYB GAL WACAN

IYO GORFAYN


Hambalyo iyo bogaadin Gudoomiye kuxigeenkii H**e Naadiga Aqriska Iyo Qoraalka Garaadkobac Ruwayda Sulayman Mohamed oo he...
19/08/2026

Hambalyo iyo bogaadin Gudoomiye kuxigeenkii H**e Naadiga Aqriska Iyo Qoraalka Garaadkobac
Ruwayda Sulayman Mohamed oo heerkii 1aad Jaamacada usoo idlaatay

Gudoomiso Cilmiga aad baratay Alle hakaaga Dhigo mid Dalka iyo Dadka anfaca insha allah

Hamablyo


Madaxwaynihii h**e dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa hambalyo iyo dhiiro galin Udiray Qoraagga Buugga Amusna...
18/08/2026

Madaxwaynihii h**e dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa hambalyo iyo dhiiro galin Udiray Qoraagga Buugga Amusnaan Muno Maandeeq
Madaxwaynuhu Wuxuu Gudoomiye ku Xigeenka Naadiga Aqriska Iyo Qoraalka Garaadkobac Ridwaan Abdninasir hambalyo iyo dhiirigilin udiray dhamaan Xubnaha Naadiga 8sano guuradii aasaaska Naadiga

Mahadsanid madaxwayne


Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xasan , Madaxa xafiiska Waxsoo Saarka  Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garaadkobac Soo dhowow, m...
16/08/2026

Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xasan , Madaxa xafiiska Waxsoo Saarka Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garaadkobac

Soo dhowow, mudane. Xilkan Eebbe ha kugu asturo!





Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaadkobac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Garaadkobac:

Shortcuts

Share