SOSS Children's Village-Somalia, Mogadishu-Facts&Human right

SOSS Children's Village-Somalia, Mogadishu-Facts&Human right No Child Should grew up alone

13/12/2025

1. Somalia, dhalinyarada xoogga leh ee dalka dhisi lahayd badaha iyo saxaraha ayay naftooda ku biimeeyaan (Tahriib), halka shisheeye aan dalka u dhalan ay u soo shaqo tagaan oo ay lacag ka sameeyaan.

2. Somalia, waa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika iyo xoolo nool oo tiro badan, haddana dadkiisu waxay u dhintaan gaajo, harraad, iyo nafaqo-xumo.

3. Somalia, dadka qurbaha ku nool waxay lacagta ugu badan ku bixiyaan in qabiil walba uu yeesho TV iyo Idaacad u gaar ah, halkii ay lacagtaas ku dhisi lahaayeen Isbitaalo iyo Iskuulo ka dhexeeya bulshada oo dhan.

4. Somalia, dadka danyarta ah qabiil dartiis ayay isku laayaan oo dhiigga isaga daadiyaan, halka odayaasha iyo siyaasiyiinta ay u dagaalamayaan ay hoteelada qaaliga ah ku wada qaxweeyaan, heshiis-na yihiin.

5. Somalia, qofka daacadda ah ee sharciga ilaaliya waxaa loo arkaa doqon aan nolosha la jaan-qaadi karin, halka qofka tuugga ah ama xoolaha dadweynaha lunsada loo arko geesi "far-dheer" oo reerka anfacay.

6. Somalia, heesta calanka iyo wadaninimada marka ay baxayso dadku way ku ooyaan jaceyl ay dalka u qabaan dartiis, laakiin marka ficilka la joogo, guryahooda iyo maalgashigooda waxay ka sameystaan Turkey, Kenya, ama Yurub.

7. Soomaaliya waa dal ay dadkiisa ladan (Taajiriinta) ka cararaan inta ay nool yihiin, balse maydkooda loo soo celiyo si loogu aaso. Noolashooda waxay siiyeen shisheeye, geeridoodana dalka.

8. Waa dal ay aqoonyahannadiisu xooggooda iyo maskaxdooda cusub ku bixiyaan qurbaha, balse marka ay gaboobaan oo 'Garaadkoodu daalo' ay dib ugu soo laabtaan dalkii, iyagoo wada jirkii oo tamar beelay.

9. Waa dal ay kuwa u dhabar-adaygay gaajada, qorraxda, iyo dhibaatada gudaha—kuwaas oo ah tiir-dhexaadka bulshada—ay yihiin kuwa ugu awoodda yar, talada dalkana aysan waxba ku lahayn.

10. Soomaaliya waa dal lagu tartamo dhismaha daaraha dhaadheer iyo guryaha qurxoon, balse aan lagu tartamin dhismaha garaadka dadka iyo tayaynta waxbarashada ubadka gali doona guryahaas.

11. Waa dal leh xeebta ugu dheer Afrika iyo xoolo nool oo tiro beel ah, haddana dadkiisu ay u dhintaan macaluul, kuna tiirsan yihiin gargaar shisheeye iyo raashin dhacay.

12. Waa dal ay inta badan madaxdiisa iyo hoggaamiyeyaashiisu haystaan "Dhalasho iyo Baasaboor Ajnabi" si ay u baxsan karaan haddii xaaladdu xumaato, halka shacabka masaakiinta ah aysan haysan meel ay u ciirsadaan aan ka ahayn dalkooda gubanaya.

10/02/2025

Intii aan dalka dhisi laheyn waxaa ka mudan in aan dadka dhisno" waa mid aad u qiimo badan. Waxay si kooban u muujineysaa muhiimadda ay leedahay in la maal-gashado dadka ka hor inta aan la maal-gashan dhismayaasha iyo kaabayaasha kale.

Dadku waa aasaaska dalka. Waa kuwa abuura, horumariya, isla markaana ilaaliya dhaqaalaha, siyaasadda, iyo horumarka bulshada. Marka dadka la dhisayo, waxaa la dhisayaa mustaqbal wanaagsan oo dalka oo dhan ah.

Waa muhiim in la maal-gashado waxbarashada, caafimaadka, iyo daryeelka dadka. Marka dadku ay helaan fursado ay ku kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, waxay noqdaan kuwo wax soo saar badan oo dalka u horseeda horumar.Sidoo kale, waa muhiim in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo in la abuuro jawi u saamaxaya dadka inay si buuxda uga qayb qaataan nolosha dalka. Marka dadku ay dareemaan in la ixtiraamayo oo la daryeelayo, waxay u badan tahay inay dalkooda u huraan wax kasta oo ay awoodaan.

Ugu dambeyntii, waa inaan ogaanaa in dhismaha dalka uu yahay hawl wada jir ah. Waa inaan dhammaanteen ka wada qayb qaadanaa dhismaha dalkeena, iyadoo aan ku bilaabayno dhismaha nafsadeena iyo dadka kale ee ku nool dalkeena.
Intii aan dalka dhisi laheyn waxaa ka mudan in aan dadka dhisno" waa mid xikmad badan oo na xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la maal-gashado dadka. Waa inaan ku dhaqanaa eraygan si aan u dhisno mustaqbal wanaagsan oo dalkeena ah.

Caruurta maanta, waa dadka berri.
Haggaajinta dadka, waa hagaajinta dalka.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SOSS Children's Village-Somalia, Mogadishu-Facts&Human right posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SOSS Children's Village-Somalia, Mogadishu-Facts&Human right:

Share