10/09/2026
Muqdisho,Soomaaliya | 10 September 2026:Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika ayaa isugu yimid magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka furmay Shirweynaha Guud ee Isbahaysiga Ururrada Shaqaalaha Geeska Afrika (HACTU) oo soconayo kudo laba maalmood ah 9-10 September, kaas oo ay martigelinayso Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU).
Kulanka oo soconaya laba maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya ururrada shaqaalaha ee xubinta ka ah HACTU, wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, wakiillo sare oo ka socda Urur-Goboleedka IGAD, Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo Midowga Yurub (EU). Kulanka waxaa taageeraya Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ILO, waxaana maalgelinaya Midowga Yurub (EU).
Shirweynaha Guud waxaa si rasmi ah u furay Prof. Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya. Furitaanka shirweynuhu wuxuu muujinayaa wada-hadalka bulshada ee xooggan iyo xiriirka wax-ku-oolka ah ee ka dhex eeya Dowladda Soomaaliya iyo ururrada shaqaalaha.
Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa doodaha ku soo kordhiyey aragtida dhinaca ganacsiga, isaga oo tilmaamay xiriirka ka dhexeeya is-dhexgalka dhaqaale ee sii xoogaysanaya ee gobolka iyo qaaradda, helitaanka shaqooyin hufan iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in maadaama Soomaaliya ay sii ballaarinayso ka qaybqaadashadeeda ganacsiga gobolka, shaqaaluhuna ay tahay inay si siman uga faa’iidaystaan fursadaha ka dhasha koboca ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaale.
Mudane Khumbula Ndaba, Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ILO ee Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ahna Wakiilka Gaarka ah ee ILO u qaabilsan Midowga Afrika, IGAD iyo UNECA, ayaa kulanka kaga hadlay shaqo hufan, isu-socodka shaqaalaha, wada-hadalka bulshada iyo baahida loo qabo iskaashi goboleed oo xooggan.
Isagoo ku hadlayay magaca Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Danjire Muusa Cali Meegaag, Agaasimaha IGAD ee Caafimaadka iyo Horumarinta Bulshada ayaa caddeeyey sida ay IGAD uga go’an tahay wada-shaqaynta HACTU, oo ah ururka shaqaalaha ee gobolka ee si rasmi ah loo aqoonsan yahay, si loo horumariyo shaqada, shaqaalaynta iyo arrimaha bulshada guud ahaan Geeska Afrika.
Madaxweynaha HACTU, Dr. Sirralkhatim Mohamed, iyo Xoghayaha Guud, Kassahun Follo, ayaa soo bandhigay mudnaanta iyo ajandayaasha dhaqdhaqaaqa ururrada shaqaalaha ee gobolka. Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), Cumar Faaruuq Cismaan, oo ergooyinka ku soo dhaweeyey magaca ururka martigelinaya, ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada, iskaashiga iyo wada-shaqaynta wax-ku-oolka ah ee ururrada shaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika.
Labada maalmood ee shirku socdo, hoggaamiyeyaashu waxay ka doodayaan sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo iskaashiga gobolka, looga qaybqaadan lahaa nabad iyo xasillooni, loona dhisi lahaa cod mideysan oo xooggan oo shaqaalaha metela. Ajandaha shirku waxa kale oo diiradda lagu saarayaa isu-socodka xorta ah ee dadka, isu-socodka shaqaalaha oo caddaalad ku dhisan, ilaalinta shaqaalaha muhaajiriinta ah, isu-gudubka xoolo-dhaqatada iyo ganacsiga gobolka.
Shirweynahan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Afrika uu sii xoogaysanayo, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo isu-socodka. HACTU iyo ururrada xubnaha ka ah waxay ku adkaysanayaan in shaqaaluhu door muhiim ah ku yeeshaan qaabaynta mustaqbalka gobolka, iyadoo la dhowrayo xuquuqdooda lana xaqiijinayo in codkooda la maqlo.
--𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗--
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
E-mail: [email protected]
Tel: +252-1-850013
Facebook: https://www.facebook.com/FESTUsomalia
X (Twitter): https://x.com/home
Website: https://www.festu.org/