Hooyo u Hiili Qaranka

Hooyo u Hiili Qaranka HOOYO U HIILI QARANKA

28/05/2025

Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalidu labaduba waxay ina barayaan in la dhowro gabdhaha, in la caayo amaba loo gafo gabadh Masโ€™uul sare ah misana hooyo ah ma aha astaan nin rag ah

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง-๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐š๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐ฆ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฅ๐›๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐š๐-๐ ๐ฎ๐๐›๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ...
14/01/2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง-๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐š๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐ฆ๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฅ๐›๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐š๐-๐ ๐ฎ๐๐›๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š

Muqdisho, Talaado, 14 Janaayo 2025:โ€”Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta heyโ€™addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

โ€œHaweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awwoodsiinta dumarka.

05/01/2025

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Haweenka Hooyo u hiili Qaranka mu amaanaay dedaalka iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida.

06/12/2024

Ururka Hooyo u hiili Qaranka ayaa diyaariyey Sahay qalalan oo dhowaan la gaarsiin doono ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee furimaha h**e ku sugan.

30/10/2024

Ururka Hooyo u hiili qaranka ayaa taakulo raashin ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Sahayda qalalan oo ay diyaariyeen ururka hoooyo u hiili Qaranka ayaa ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan, Teedhooyin iyo cuntooyinka fudud ee la isticmaalo kaas oo lasii qalajiyey

Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee hooyo u hiili qaranka ayaa bishiiba dhawr mar ciidanka gaarsiiya sahaydan oo kale iyo taakulo ay ku taageerayaan howlgalka dalka lagaga xoraynayo cadowga khawaarijta.

Ururka Hooyo u hiili qaranka iyo ururka u dooda haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed SOYWA, oo ay qeyb ka yihiin  Xaf...
19/09/2024

Ururka Hooyo u hiili qaranka iyo ururka u dooda haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed SOYWA, oo ay qeyb ka yihiin Xafiiska Raiisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyey munaasabad lagaga soo horjeedo colaadaha sokeeye ee ka dhacday gobollo kamid ah dalka.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo muhiim u ah nabadda, xasilloonida Soomaaliya waxaanna si adag loo cambaareeyay dadka hurinaya xiisadda colaadeed, iyadoo baaq loo diray Beelaha Soomaaliyeed oo ku dagaallamaya qeybo kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaanna lagu adkeeyay inay si shuruud laโ€™aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa munaasabadda khudbado iyo heeso lagu garab istaagayo ciidamada kala duwan ee Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo marwalba u taagan difaaca dalka iyo cidhibtirka khawaarijta.

Haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo marwalba door muuqda kuleh dawlad dhiska iyo nabadda dalka ayaa farriimo muhiim ah u diray beellaha ay dirirtu ka dhexayso waxayna tilmaameen dhibaatada colaadaha iyo khasaaraha ay bulshada u keenaan.

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka JFS iyo qeybo kamid ah Taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

08/09/2024

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Raashin uu ugu talagalay in loo diyaariyo Ciidamada Qalabka sida ku wareejiyey Haweenka Hooyo u Hiili Qaranka.

28/08/2024

Ururka Hooyo u hiili qaranka ayaa taakulayn loo diyaariyey ciidanka xoogga dalka ku wareejiyey Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta ololaha Hooyo u hiili qaranka ayaa Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). ku wareejiyey Taliyaha ciidanka lugta Sarreeye Guuto Dayax Cabdi Cabdille, oo weheliyo Taliyaha Taakulaynta CXD G/dhexe Ibraahim Maxamed Maxamud, taas oo dhowaan la gaarsiin doonno ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee la diriraya khawaarijta.

Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyey xafiiska Reysul wasaaraha XFS, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Haweenka Soomaaliyeed ee ku bahoobay ololaha garab istaagga ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Abdullahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa booqday xarunta Ollolaha Hooyo u Hiili Qa...
07/08/2024

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Abdullahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa booqday xarunta Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka oo lagu diyaarinayo Sahayda qalalan ee lagu garab istaagayo Ciidanka Xoogga Dalka

Haweenka ku bahoobay u hiili qaranka oo si wayn u garab istaagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa wasiirka warbixin ka siiyey hawsha culus ee ka socota iyo sahayda dhowaan la gaarsiin doonno furimaha dagaalka.

Wasiirka Amniga XFS ayaa u mahadceliyey ururka hooyo u hiili qaranka wuxuunna ku amaanay kaalinta haweenku ka qaateen guulaha laga gaaray dagaalka lagu xoraynayo dalkeenna.

โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”

Address

Villasomalia
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hooyo u Hiili Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share